SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Tawxiidka Ilaahay ,yaan laysku-kiin dirin !

Waxaa baryahan inagu soo badanaaya gaar ahaan baraha warbaahinta sida WhatsApp iyo Facbooka iwm ,qoraalo dadka loogu sheegaayo in hadii ay Tawxiidka Ilahay لا إله إلا الله ,5-10-12- iwm ay ku cel-celiyaan in 5 ama 10 casho gudahood ay ku heli doonaan wixii ay u baahnayeen.


Walalayaal arimahaasi aad ayay hada dadkeena uga badan yihiin,waxanad arkaysaa dad wakhtigoodii faraha badnaa uu kaga lumay sidii ay fariimahaasi baadilka ah iyaga oo aan aqoon u lahayn dadka u gudbinaaya.

Marka hore Islanimada shayga ugu horeeyaa waa Tawxiida oo ah in aan Ilahay mooyaane Ilaah kalae anu jirin,Nabi Muxamadna csw uu yahay nabigii uu inoo soo diray,markaasi waxa u bahan in aynu horta Tawxiidka macnahiisa aynu barano.

Waxa kaloo fariimahan laga dheehan karayaa colaad lagula jiro Tawxiidka,sababta oo ah,qofka qoraalka kusoo dirayaa waxa uu ku odhanayaa ,hadii aad intaasoo goor aad tawxiidka ku celceliso waxa aad ayaamo kooban ku helaysaa wixii aad aduunka uga baahnayd.

Taasi waa qalad,waana caqido waydaarsan diinta Islaamka, Tawxiidku waa shay hadii hal mar lagu celceliyo iyo hadii kumaan kun goor lagu celceliyo midkastaba shaki kama jiro in ajar iyo xasanaad laga helaayo.

Balse qaladka ay fariimahani sitaan ayaa ah laba arimood:-

1.Marka hore waxa ay kuu qaydayaal inta goor ee aad Tawxiidka odhanayso,taasi oo ay uga jeedaan hadii aad tiradaasi aad dhaafiso amma aad ka yarayso in aanad muraadkagii iyo wax u dhawtoona aanad helayn.

2.Waxa ay iyana kuu qaydayaan mudada aad muradkaga aad ku helayso,tusaale ahaan waxa ay ku odhanayaan qoraalkana kugu soo dirayaan 5 casho aayad muraadkaga ku helaysaa,taasi saw ku tusin mayso in ay iska dhigayaan sidii dad qaybka iyo waxa soo socda wax ka og,waxakaloo laga fahmi karaa markaasta in ay yihiin dad beenalayaal ah.

Hadaba hadii adiga oo aan diinta aqoon badan u lahayn aad arimahaasi aad samayso,isla markana aad sidii ay casharka kuusiyeen aad u qaybto, kadibna aad fuliso,ayaamahii ay kuu qaydeena ay dhamadaan ,busharadii ay kuu sheegayeena aad waydo ,saw ma dhici -karto in aad uba qadato in diinta islaamku ay tahay mid balantii kaaga baxday.ogsoonow waana intii looga jeeday,in adiga iyo Tawxiidka la iska kiin horkeeno.

Hadaba sidee ayaa adiga iyo Tawxiidka Ilahay la isugu kiin diri karaa ? hadii maanta anigu mid idinka mida aan u balan qaado in 5 casho ka bacdi aan wax siin doono,kadibna uu qofkii aan u balan qaaday uu ii yimaado maalintii balanta,igana waayo wixii aan u balan qaaday,sawmaha in uu ii arko in aan ahayn nin aan qawl iyo balantoona aan fulin.

Taasi miyanay la mid noqonayn in aan rumaysato,in Tawxiidkii lagu yidhi hadii aad ku dhawaaqdo intaasi oo goor muraadkagaad helaysaa,kadibna aad shuruudii fulisay,balse ayaantii balantu ahayd aad waydo shaygii amaba ay balaayo kale oo dheeraadi dhanka Rabi kaga timi,taas macnaheedu ma noqon karaa in aad la colowdo tawxiidka,oo macnaheedu yahay in aad Ilahay la colowdo, oo aad u aragto mid balantii kaaga baxay,waana mida kaliya ee ay uga jeedaan dadka waxan soo asaasay .

Waxa aynu wada ognahay in dhalinyarada Somaliyeed ee rag iyo Dumar leh ee qoraaladaasi isu gudbinayaa in aanay ahayn kuwo wax ka garanaaya arimahan,balse iyaga agtooda waxa ay ka tahay ajar iyo raadin muraadkii ay lahayeen oo degdeg uhu soo dulqubta.

Hadaba waa in arimahan lagu baraarugo,lana ogaado in aanay waxba ka jirin,meel ay Diinta kaga soo aroortayna aanay jirin,Xadiis Nabigu scw uu leeyahay oo laga hayaana aanu jirin,Culimo Muslimiina oo soo tabisayna aanay jirin.

Hadaad qof kamida aad waydiiso,meesha ay waxani ka yimadeen waxa uu kuu sheegayaa in aanu garanayn balse uu saxiibkii usoo diray isaga oo raba in uu muraadkiisa degdega ah ku fushado.

Walalayaal muraadkeena cida kaliya ee inoo fulin kartaa waa Allah ,taasina waxa ay inooga bahan tahay camal suuban iyo baryo badan,khasab maaha in duco kasta oo aad ku ducaysato in aad markaasi si shakhsa ah ad Ilahay uga heshaa,waxa dhici karta in Khayrka aad Ilahay ka barido dib laguugu dhigo amma markaaba gacanta laga saaro..

Balse markasta ogow in uu Ilahay SW in uu yahay mid inoo naxariis badan isla markana aanu jeclayn dadka aan baryin ee aan gacmaha hoos dhigan,waxa aynu ku nool nahay waa naxariistiisa,qofkastaw iminka imisa nimco ayaad haysataa oo laga yaabo in aanu walaalkaga kale aanu haysan,waxa ka mida cafimaadka,indhaha,maqalka,araga iwm

Aynu Ilahay ku barino sida saxa ah ee uu yidhi igu barya taasi oo aynu ka helayno sunaha nabigeena suuban ee Muxamed scw ,balse yaynaan ku baryin sida qaldan ee uu ka cadhoonaayo,Diintana hadii aan la baran shaydaan ayaa waxa uu Diin inooga dhigayaa,wax aan Diin ahayn akhiradeenana aan u wanaag sanayn.
Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar