SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Facbook ayaa ku sheegay qofka aad tahay .WQ/Khadar Aar.

Qofkasta oo Facbook lihi ,ha ogaado in Facbookisu uu yahay meesha kaliya ee lagu ogaado lagana qiimeeyo ,qofka aqoontisa, garashadiisa iyo dhamaan akhlaaqiyaadkiisu inta ay gaadhsiisan yihiin.

Ma-ogtahay qofkasta oo Facbook leh,marka aad gasho hoygiisa ama meesha uu wax ku qoro,waxaa markaaba kuu muuqanaysa,qofkani waxa uu yahay,waxa uu jecel yahay iyo waxyabaha uu markasta rabo in uu bulshada u gudbiyo.

Dabeecadaha iyo dhaqanka uu qofkastaba uu leeyahay waakan uu bulshada la dhex joogo,Facbookuna madamaa uu yahay bar-tilmaameed ay ku kulmaan dad-yaw farabadan oo kala wada aqoona,kala kartiya islamarkaana aanu jirin qof qofka kale la mid ahi,ayaa Facbook waxa uu sahlay in si dhakhsa ah loo ogaan karo waxa aad tahay.

Qofkasta oo inaga mida oo isticmaala aaladan Facbooka,marka aad gasho xarurtiisa uu wax ku qoro, waxaa markaba kuu soo baxaysa in aad ogaato waxyabaha dhaqan ahaan uu ka helo qofkaasi ,sida wararka,barnaamijyada,heesaha,wacdiga Diiniga ah iyo muxaadaroyinka.

Waxaa kaloo iyaduna jirta in qofka aaladan Facbooka isticmaala,aad ogaan karayso wakhtiyada uu inta badan ku lumiyo bartan Facbooka,waxa kaloo iyana la ogaaday in bartan Facbooka laga heliba karo garaadka aqoontada iyo halka uu gaadhsiisan yahay,taas oo aan uga jeedo in aad tahay ruux cadho badan iyo in aad tahay qof farxad badan .

Hadii aad tahay qof muran badan ,oo ay markasta dadka is-haystaan isla markana aad leedahay Facbook ,waxa hubaala in ay ka muuqanayso dabeecadadii iyo hab-dhaqankagii hoygan kuu gaarka ah ee aad dadka kula xidhiidho ee Facbook.

Facbook qofleh Ilahay uma xilqarin, dhalinyarada qaar waxa jira ka hela Kubada iyo Isportiga,marka aad kuwaasi aad gasho barahooda waxa markiiba aad arkaysa sawirada lacibiinta u saaran shashada hore ee Facboogiisa iyo faaloyinka ay isaga iyo saxiibadii ku bixinayaan ciyarahaasi iyo ka hadal kooda.

Hadii aad tahay mid ku ibtilaysan Heesaha iyo Muusiga xaasha in Facbook uu kuu xilqariyo markiiba waxa u muuqanaysa qofka gala Facbookaga fanaaniinta iyo qalabka kala wada gadisan ee ka dhex muuqda shashadada oo ah mid aad adigu saaratay ee aan cidina kuu sarin.

Hadii aad tahay dadka khayrka iyo wanaaga jecel ee markasta dhagaysta wacdiga iyo waanoyinka culimada,iyana sidoo kale mahan mid qarsoomaysa,waana mida aan isleeyahay waa ay ugu sharaf iyo karaamo badan tahay.

Hadii aad tahay dadka siyasada aadka ugu kuurka gala isla markana dooda iyo fadhi-ku-dirirku uu ku badan yahay iyana sidoo kale waxa markiiba sheeda laga arkayaa qoraladada iyo suuradaha kuu saaran ee ay ka hadlayaan Siyasiyiintu,waana mida maanta inoogu badan,ee aynu ka hadalno.

Waxaa kaloo jira dad aan intaasi midnaba aan ahayn oo facbookoda u isticmaala cayda dadka Muslimiinta ah, gaar ahaan dumarka Somaliyeed,kuwaasi oo markasta soo dhiga sawirada Hablo Somaliyeed oo dhawr soon ,balse sawiradooda u isticmaalaya si qaldan,dadka caynkaasi ahina ha ogadaan in Facbooka waxa ay galinayaan in uu yahay lagana dheehanaayo dhaqan koodu sida uu u eeg yahay.

Waxaa kalo jira in dumarkeenu badankoodu ay facbook ugu jiraan oo kaliya in ay soo galiyaan maalinkasta sawir cusub iyo maalinba dirica cusub ee ay soo iibsatay, kadibna ay facbooka kusoo tuurto, iyada oo xidhan diric Bacwayne ah oo ay faraqa jiidayso, kadibna sida u cadada ah facbooka dadkuna waxa ay ku kaalmaynayaan"waad nuuraysaa,mahadsanid,quruxleey iwm,balse waxaa fiican in haweenka Somaliyeed intaasi ay ka caqli roonadaan.

Taasina waxa ay ku tusinaysaa in hablaheenu badan koodu ay jecel yihiin uun in ay facbook u isticmalaan "i-arkaay i-maqlaay,waxanan kula talin lahaa hableeheena ama gabdhaheena sharaftale,in ay Facbooka u isticmaalaan si ay faa'ido ku jirto ama iska dayaan ,intii ay maalinkasta quruxdooda soo dhigi lahayeen,Ilahayna ugu cadhoon lahaa.

Waxa kaloo iyaguna jira dad u isticmaala dhinaca fariimaha iyo war-isgaadhsiinta,facbookana kala xidhiidho dadka ay u bahan yihiin oo kaliya,balse ay adag tahay in aad aragto iyaga oo wax kale soo dhigaaya.

Waxa kaloo Facbooka isagana ka caan ah dhalinyaro rag iyo dumarba leh oo midkastaba uu leeyahay ugu yaraan 5 ama 10 barood oo Facbook ah,kuwaasi oo ay ugu talagaleen in ay dadka ku khayameeyaan gaar ahaan dhinaca Hasawaha iyo wada sheekaysiga.

Halkan kuma soo koobi karo Facbook fashilka uu inagu hayo ,oo ah in waxa aynu nahay oo uu ina sheegay,bal amarka Ilahay qofkasta waxa uu qorayaa ama uu soo dhigayaa waa waxa uu jecel yahay,kadibna waxa aad u turjumanaysaa waxa uu yahay.

Saxiibayaal ma ogtihiin ,hadii maanta mid inaga inaga mida shaqo loogu yeedho in ay dhici karayso in marka hore akhlaaqiyaadkiisa iyo inta uu masuuliyad qaadi karo in laga ogaado barta uu ku leeyahay Facbooka.

Saxiib ma ka warhaysaa in ninkasta ama gabadhkasta oo Guur doona maanta,aqoonteeda iyo dabeecadaheeda laga ogaan karo xarunteeda Facbooka kadibna ay dhici karto in ay dhibaato u keento nolosheeda.

Waan ogahay oo caad igama saara, in dhalinyarada Somalida, iyaga oo qaarkood ah dad wanaagsan ,oo aan xumayn ,in hadana dhalinyara nimada iyo madadaalada faraha badan ee ay Facbook ay la taraarto,kadibna ay dhinaca xun u isticmalaan.

Sidaa awgeed waxa aan idin kula talin lahaa dhalinyaroow Facbook inta aad moodaysaan waa uu ka xeerdheer yahay ee ka digtoonaada, oo ha ku sirmina sawirada iyo hadba quruxdiina aad soo galinaysaa.

Waxa kaloo iyana aan si gaar ah ula hadlaya gabdhaha Somaliyeed ee Facbook in ay sawir soo galiyaan mooyaane aan dankale ka lahayn,waxa aad ogataan in dhamaan sawiradiinaa ay isticmalayaan dadka xunxun ee raba in ay sharaftiina ku cayaraa,taas awadeed waxaa idiin fiican in ad aad uga taxadartaan Facbook iyo qorshayaashiisa qarsoon.

Waxyabaha kale ee maanta soo baxay waxaa ka mida ,in Facbook uu galaaftay noloshii dad-yaw farabadan oo Somaliya ,khasatan dhinaca sharciyada ,kadib markii la ogaaday in sawirada iyo tageerada ay u mujinayaan cid gaar ah ,ay caqabad ku noqotay waxbadan oo ka mida noloshooda.

Facbook ma lihi, ha la iska daayo,balse waxa aan leenahay sida fiican ee sharaftu ku jirto ha loo isticmaalo,Facbook waa guri ay dad kugula jiraan,waxaan ku odhan lahaa dadkaasi sharaf kula nooloow.

Facbook cidna ha ku caayin,ogsoonow qofkasta oo aad caydaa adna wa uu ku cayayaa,waxa jira in Facbook qoralada ku jira dadku ay faaloyin ka dhibtaan,balse waxa fiican in qofka faalada soo dhigayaa uu keeno goobta wax fiican oo laga doodi karo,kan kalana wa in uu si akhlaaqle doodisa ugu qortaa.

Hadii aad isleedahay Facbook malaha waxa aad soo qorto aduunyadu kama warhayso,waxa aad ogataa waxkasta oo aad facbook soo dhigtaa in ay yihiin kuwo la heli karo ,xataa hadii aad adigu masaxdo.

Qofkasta oo inaga mida waa uu qaldamayaa,balse waxa fiican sidii Nabigu csw uu sheegay qofka Khaladkiisa ka noqda isla markana ka toobad keena,lakiin waxaa ceeba in aad khaladka u haysato in aad saxan tahay ,saxiibadana ay kuugu sacab tumayaan.

Qofkasta Facbooka waxa uu jecel yahay ayuu kusoo qoraa, Ilahay waxa aynu ka baryaynaa in aynu noqono kuwo jeclaada wax ifkeena iyo aakhiradeenaba u wanaagsan,hadhawna aan caqabad inagu noqonin.
Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar