SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Gal-mudug maantaan la yaabay !

Aduunka inta aad ku noo shahay waxkastaaba waa ay kusoo marayaan,waagii baryabana waxa uu kuu kordhinayaa waya'aragnimo iyo faham dheeraada ,taasi oo u bahan in lagu cibro qaato si loogaga badbaado waxa soo socda.

Waxa ayamahn si xoogle dhagaheena ugu soo dhacayey ,dagaalo aad u xoog badan oo ka socda gobolka mudug gaar ahaan magalada Gaalkacayo, dagaalkaasi oo inta badan u dhaxeeya labada maamul goboleed ee kala ah Gal-mudug iyo Puntiland.

Hadaba dagaaladaasi oo aan ilaa hada loo hayn wax xal ah oo lagu joojiyo ,ay adag tahayna sidii loo gaadhi lahaa nabad waarta oo goboladaasi laga dhaliyo ,ayaa maalinba maalinta ka danbayasa waxa soo kordhaaya iska hor'imaatinka ka taagan gobolkaasi gaar ahaan Gaalkacayo.

Hadaba waxaa wax lala yaabo ah, arintan hoos ku qoran:-

Waxa aan warbaahinta Somalida ka maqlayay maanta in ciidan ka tirsan AMISOM ay soo gadheen maamul goboleedka Gal-Mudug gaar ahaan caasimada maamul goboleedka ee Cadaado ,kuwaasi oo u yimi in ay ilaaliyaan amma ay waardiye ka noqdaan xarunta madaxtooyada ee maamul goboleedka iyo dhismaha baarlamaanka cusub ee dhawaan la dhisi doono.

Saxiibayaal hadaba, aniga arinta iga yaabisay ayaa waxa ay tahay ! hadiiba maamul goboleedka Galmudug uu awood u waayay uu ku ilaaliyo amma uu ku waardiyeeyo Madaxwaynahooda C/Kariim X Guleed iyo baarlamaankoodii ,sidee ayay awood ugu heleen colaada aadka u wayn ee ay kula jiraan Puntiland.

Waxa kaloo aan iyadana iswaydiiyay ? madamaa maamul goboleedka Galmudug ay maanta dalbadeen ciidan ajanabi oo waardiye ka noqda xarumahooda ,ciidankiina uu u yimi isla marklana ay ku qanac san yihiin madax iyo mijana ay u sacaba tumayaan ; awooda ciidan ee ay Puntiland iskaga celinayaan maxay ayay ugu ilaashan wayeen madaxwaynahooda iyo xarumahooda maamul goboleedka.

Waxa kaloo isu kay qaban waayay ! awooda ciidan ee aadka u faraha badan ee ay kula dagalamayaan Puntilaand iyo Tiknikada ay markasta soo bandhigayaan iyo awoodarada iyo kala shakiga ka jira gudahooda ,madamaa ay ciidan intaasi leeg ay puntiland kula dagalamayaan maxay ayay ugu ilaashan waayeen ciidankaasi xarumahooda wax-ku-oolka ah; balse maxay ayay tahay sababta ay ajaanibka ugu baahdeen.

Waxaa iyaduna isii yaab galiyay Maamul goboleedkaa Galmudug ,xiliyada ay dagaalka Gaalkacayo ku jiraan waxa ay soo bandhigaan cidamo aad u fara badan oo ku gaashaaman gawaadhida tiknikada ah,hadana waxaa muuqata in madaxwaynahii maamul goboleedku uu codsanaayo ciidan ajaanib ah oo ilaaliya.

Ujeedadu markaasi ma waxay tahay ,walaalkay marka aan la dagalamaayo waxa aan u haystaa cudud iyo ciidan xoogleh oo is-dhaarsaday,balse marka aan cidkale la dagalaamaayo waxa aan u baahanahay cidamo shisheeye.

Waxa aad markasta TV yada iwm aad ka arkaysaa reer Gal mudug oo Sheekh ,shariif,suldaan,haween iyo aqoon yahan dhamaantood u tafaxaydan ladagalanka dadka ay walaalaha yihiin.

Miyanay ka fiic nateen in cududaasi aadka u badan in ay galiyaan sidii ay marka hore ugu dhisan lahayeen maamul kooda,qoraalkaygan ugama jeedo in aan Galmudug ku ahay mucaarad lakiin waxaa si yaable isoo jiidatay,dalabka ay cidan shisheeye oo wadanka intisii kalaba haysta ay ugu yeedheen iyo awooda iyo kartida ku jirta marka ay Puntilan la dagalamayaan.

Saxibayaal bal ka garnaqa?

Khadar Aar.