SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Caruur mataano ah oo kala aabo noqday.

Dalka Vietnam waxa ka dhacday sheeko yaab badan oo indhaha caalamka soo jiidatay , lamaane is qaba ayaa waxa soo kala dhexglaya shaki ku saabsan laba maataano ah oo wiilaal ah oo ay dhaleen, ka dib markii ay si weyn u kala baydheen dhanka isku Ekaanshaha, waxana shakiga dhaliyey ka dib markii mid yeeshay timo xabad weyn oo dhumucleh oo Dameeri buni ah oo dhaadheer oo jiif jiifa ama ah kuwa isku mar marma, halka kii kalena yeeshay timo aad u dhuudhiiban , yaryar oo taag taagan. Aabaha ayaa arintaas si weyn uga duday.

Kadibna waxa uu dalbaday in lagu sameeyo baadhitaan, waxana la geeyey goob caafimaad oo ku samaysay baadhitaan noociisa hidde sidaha ah{DNA}, waxana ka soo baxay arin fajaciso ah, taasoo dhigaysay in ilmaha mid ka mid ah uusan Aabuhu dhalin, balse labada caruuraba Hooyadu dhashay.

Madaxweynaha ururka Hida raaca ee dalkaasi Le Dinh Luong ayaa sheegay in qadiyadani tahay mid ku yar dalkiisa iyo guud ahaan caalamka, isla markaana ay noqon karto mid dad badani la yaabaan, balse wuxu sheegay inay suuragal tahay, oo marka Ukumaha hooyadu diyaar u noqdaan inay Qarxaan haddii mudo shan maalmood guhadood ah ay la kulanto laba nin ay suuroobayso in Shahwo kastaa qarxiso ukunteeda sidaasna ay ku noqdaan mataano, laba Aabe leh oo hooyo wada dhashay.

Wuxuu sheegay in xaruntooda cilmi baadhistu ay sameysay baadhitaanka ayna ku xaqiijisay kala Duwaananshaha labada caruura ee dhanka Aabaha.

Bishii May sanadkii hore ayaa maxkamad ku taalaa dalka Maraykanku xukuntay kiis kanoo kale ah, ka dib markii ay sheegtay in nin la sheegay inuu mataano dhalay, uu lee yahay mid ka mid ah, ayna tahay inuu kaas Biilkiisa kaliya bixiyo.

Taasoo mar gilgishey Maraykanka balse DNA cadeysay in go’aanku ahaa mid sax ah.

Ugu danbeyntii dhacdadan ayaa sidoo kale waxa aad uga hadlay dhaqaatiir ku taqaqusay dhanka dhalmada iyo arimaha haweenka, waxayna isku raaceen in Haweenayda qawlaysataa xiliga inay Uur qaado jidhkoodu u diyaarsan yahay ay suuragal tahay inay la timaado laba caruur ah oo kala Aabe ah, halka qaarkoodna ay hal Ukun uun diyaar tahay oo ay tahay cida ku horaysa ruuxa yeelanaya ilmaha ka sameysma qarxiska Shahwada ninka.