SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Daruur lagu amray in ay waraabiso nin saalix ah beertiisa.

Muslim ayaa ka wariyay Abuu Hureyra in uu Nabigu (scw) yidhii: iyada oo nin ku sugan yahay dhul bannaan ayuu daruur ka dhexmaqlay cod dhahaya: waraabi beerta hebel, markaas ayaa daruurtii yara leexatay oo biyeheedii ku shubtay meel shiila madaw ah, markiiba biyihii oo dhan waxaa koobay biyo mareen ka mid ah biyo mareenada, markaas ayaa ninkii dabagalay biyihii qulqulkoodii, kadib ayuu ku soo baxay nin dhextaagan beertiisii oo biyaha ku leexsanaya majarafad, markaas ayuu ku yidhii: addoonka Allow magacaa?, waxa uu yidhi: hebel oo ah magacii uu daruurta ka dhexmaqlay.

Markaas ayuu ku yidhi isna addoonka Alloow maxaad magacayga ii weydiisay?, markaas ayuu yidhi: waxaan ka dhexmaqlay daruurtii biyahaan lahayd cod odhanaya: waraabi beerta hebel oo ah magacaagan ee maxaad ku samaysaa beerta? Wuxuu yidhi: haddaad saas tidhi anigu waan eegaa waxa ka soo baxa beerta sadix dalool oo hal dalool thuluth waan sadaqaystaa, aniga iyo ilmahayguna dalool ayaan cunnaa, daloolna waan ku celiyaa beerta oo dib ayaan ugu beeraa


Faa’iidooyinka qisada:
1.Ilaahay in uu ilaaliyo oo xifdiyo addoomadiisa wanaagsan ee ku toosan amarkiisa, sida uu u amray daruurta in ay waraabiso beerta ninkaan wanaagsan ee sadaqaysta hal dalool oo ka mid ah waxa u soo go’a.

2.Ilaahay addoonkii uu ka raalli noqdo wuxuu u sakhiraa khalqigiisa cir, dhul iwm, sida Ilaahay u amray daruurtaani inay waraabiso ninkaan beertiisa, sidoo kale biya mareenku wuxuu koobay biyihii, ka dibna wuxuu u shubay dhankii ninka beertiisu ka jirtay.

3.In ay wanaagsan tahay in la baaro sababta keentay dhacdooyinka la yaabka leh ee lala kulmo sida ninkaani u raadiyay sababta ninkaan beertiisa loo waraabiyay, taas oo keenaysa in lagu daydo.

4.Ilaahay wuu jecel yahay addoonka ay isu dheellitiran yihiin arrimihiisu ee siiya cid kasta oo xaq ku leh xaqeeda, sida ninkaniba uu isugu dheellitiray xaqa naftiisa iyo ehelkiisa, xaqa masaakiinta iyo tacabkiisii adduunyo ee aanu dhinac ugu dheelliyin.

5.Qiimaha shaqadu leedahay, Ilaahay wuu i’laaliyey ninkaan sharaftiisa, shaqadiisa iyo sadaqadiisa awgeed, mana aha ninka wanaagsani kan cibaado uun u go’a ee ka taga shaqo oo dhan, isla markaana dayaca ehelkiisa ama dadkaba ku noqda dulsaar. Nabigeenu (S.C.W) wuxuu ku amaanay nabi Daawuud in uu cuni jiray wuxuu gacantiisa ku shaqaysto.

6.In la isku boorriyo shaqada iyo sadaqada. Nabigeenu (S.C.W) wuxuu yiri: in ninkiin qaato xargihiisa oo uu soo xaabaysto oo uu soo qaato xidhmo xaabo ah ayaa uga khayr badan in uu dadka wax weydiisto ha siiyeen ama ha u diideene. Haddaba waa in aynu ka fogaano dawarsiga, gaar ahaan kan diinta loogu gabbado iyo kan maldahan ee loo baxshay shaxaad oo ay ku qaraabtaan dad badan oo loo hanweynyahay!!.

xigasho,dariiqa toosan.