SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Macalin xumada maanta jirta .WQ/Khadar Aar.

Iskuulka amma dugsigu waa goob wax lagu barto isla markana lagala socdo dhibaatoyinka iyo mushkiladaha dadka badan kiisa haysta,iskuulku waa goob ay waalidiintu geeyaan caruurtooda si ay wax uga soo fa'idaystaan.

Macalinku waa baraha ardayda ,waana midka kaliya ee dhinaca waxbarashada iyo tarbiyada ay la wadagaan ardaydu marka laga reebo waalidka,Macalinku waxa uu astaan u yahay u naxariisashada ardayda kulba kii uu baahan in si gaar ah loola socdo.

Iskuul kasta waxaa dhigta arday iyo caruur ay dhaleen dadyaw kala wada gadisan,sida mid faqiir ah ,mid dhex dhexdhexaad ah iyo mid reerkoodu uu yahay hodan ,intaasi oo dhan ayaa waxa la rabaa in uu macalinku kula dhaqmo sinaan iyo cadaalad.

Balse hadii uu macalinku, arday kasta uu kula dhaqmo doonistiisa iyo hab lololeedkiisa ,taasi waxa ay ka dhigan tahay in macalinkaasi uu yahay mid ardaydaasi baadiyeeyay isla markana aan garanayn shaqada iyo hawsha macalin loogu tala galay.

Cabdi-yare waa inan yar oo caruura,waxa uu gaadhay ,xiligii uu gali lahaa waxbarashada dugsiga hoose,sanado kooban ka bacdi waxa uu si rafaad ah kaga soo gudbay barashadii Malcamada,isaga oo kasoo bartay waxooga aan sidaasu u badnayn oo Quraanka kariimkaa ah.

Cabdiyare waxa uu la walaal yahay wiil yar oo isaga ka wan wax aan ka badnayn hal sano,Cabdiyare malaha wax aabo ah,kadib markii ay ku dhaceen madaafiicda ay iswaydaar sanayeen nimanka dagaal ogayasha ah ee aan dan iyo muraad toona ka lahayn caruurta yaryar iyo mustaqbalkooda.

Cabdi-yare waxa suuqa uga soo qadhaabta Hooyadii,taasi oo aan haynin wax aduuna,balse hadana maalin kasta waxa ay u kalahdaa suuqa si ay labada caruura ugu raadiso wax ay qutaan amma ay ku nooladaan.

Waa Hoyo iyo caadkeede maalmaha qaar iyadu wax ma cunto,sababta oo ah ,waxa ay arkaysa in dhariga yar ee ay dabka saartay uu yahay mid aan kuba filayn iyada iyo caruurteeda,waxaase farxad iyo rayn rayn u ah marka ay aragto in Caruurtedii oo wax cunay,kadibna ciyaar iyo qosol halkan la jeestay .

Cabdi yare markii iskuulka la keenay waxaa waday hoyadii,balse macalinka warmooge,isagu maha mid la socdaba xalada caruurta uu wax u dhigo,waxanu farxada iyo kalgacalka uu inta badan la qaata caruurta ay dhaleen dadka lacagta haystaa,madama ay isaga laftiisa ay dadkaasi ku guneeyaan ,siiyana lacag dheerada oo ka badan tan uu ardayda ka qaato.

Moddo aan ka badnayn dhawr casho, markii uu Cabdiyare dhiganayay dugsiga,ayaa macalinkii waxa uu ku arkay Cabdiyare dhaqamo aanay ardayda badankoodu aanay lahayn,kaasi oo ah in aanu maanta Cabdiyare aanu sidan wax Boog ah ,marka laga reebo hal xaashi iyo jab qalinka loo yaqaano Qalin Beensalka.

Macalinkii Warmooge,markii uu arkay Cabdiyare oo fara-madhnaan maanta ku socda,ma uusan su'aalin sida ay wax u dhaceen,balse dhangad ayuu dabada u qabtay, isaga oo leh,meeyay buugaag taadi iyo qalinkaagii.

Cabdiyare oo damqaday Ilmaduna ay ka da'ayso aya yidhi,macalin gurigayaga waxa yaala hal buug, kaasi oo galinka danbana aan anigu soo qaato, galinka horana waxa qaata oo wax ku soo qorta walal kayga iga wayn.

Macalin warmooge ma uusan fahmin Cabdiyare halka uu kala hadlay,waxa kaloo uu Macalin la moodkii ku xigsiyay isaga oo Cabdiyare dhagaha maroojinaya,waa maxay waxan aad xidhan tahay meeyay dharkaagi,tan iyo maalintii iskuulka lagu qoray labadan jeexjeexan ayuunbaad sidataa.

Cabdiyare oo dhangadahii iyo xanuunkii ay u dheertahay qosolka ardayda,ayaa waxa uu marlabaad ku jawaabay ,Macalin aniga iyo walalkay waxa naga wada dhaxeeya labadan shay ee aan xidhanahay,marka uu aroortii iskuulka ku tago anigu Guriga kama soo baxo, madama aanan haysan wax aan xataa albaabka ku gaadho.

Balse arimahaasi uu Cabdiyare ka sheekaynayaa,macalin Mooge may noqon kuwo u cuntama sababta oo ah maha nin leh akhlaaq iyo dhaqan macalinimo,waana sida ay maanta u badan yihiin macalimiinta wax ui dhigta ardayda Somaliyeed oo dhan ,marka laga tago waxooga aad u tirayar oo fahmaysa duruufta ardayda haysata maanta.

Cabdiyare waxa laga eryay Iskuulkii,kadibna waxa uu isaga oo ooyaya uu u tagay Hoyadii oo markaasi inta ay suuqa kasoo fadhiisatay dirqi ugu soo heshay waxooga yar oo cunto ah oo ay caawa ku casheeyaan.

Cabdi yare markii uu hoyadii uga waramay isaga iyo macalinka wixii kala qabsaday,ayaa inta ay Gacmaha kor u taagtay iyada oo Ilmaynaysa,ayay Ilahay bariday ,iyada oo leh,Rabiyow waxba nomaad waayin,waxa aanu ka baryaynaa in aan risiq khayrle aad na siiso.

Cabdiyare iyo Hoyadii ayaa malintii danbe waxa ay isu raceen iskuulkii,kadibna hoyadii waxa ay la kulantay macalinkii,waxa ay waydiisay Dugsiga amma iskuulku ma meel dadka kooda lacagta leh iyo kooda faqiirka ah lagu kala soocaa,mise waa meel dadku ay u siman yihiin,oo waxa kaliya ee laga bartaa ay tahay tarbiyad iyo waxbarasho?

Macalinkii warmooge,waxa uu si jeesjeesle ula hadlay hoyadii isaga oo leh,ma ilmahagan yar ayaad u wayday wax aad buugaag u siiso,waxa kaloo uu raciyay ,maxaa ilmahaga u diiday in uu sidan caruurta kale u labisnaado.

Hoyadii waa ay yaabtay,waxa ay u qaadan wayday ninkan macalinka ah ee halkii uu uga naxariisan laha ugana garaabi lahaa duruufta haysata awadeed kula yaaban,waxa ay afbuuxa ku tidhi,adigu matihid macalin ee waxa ay tahay macalin ceebeeye,adiga oo kalana maha kii ilmahayga wax bari lahaa,kadibna inta ay ilmaheedii gacanta qabsatay ayay kala dhaqaaqday goobtii.

Muhiimada qoraalkani waxa ay tahay,mushkiladaha iyo macalin la'aanta maanta dadkii iyo dalkiiba haysata,taasi oo u baahan in sida ugu dhakhsaha badan hadii aan wax looga qaban in ay faraha ka baxayaan,taasi oo aan la heli doonin arday fiican oo tayo leh madama aan lahayn macalin fiican oo ay ardatyda waxna ka bartaan kuna daydaan.

Iskulada badankoodii maanta waxa ay noqdeen Lacag,waxa kaloo taasi ka daran in dadka laftoodii aanay fahamsanayn waxbarashada ay caruurtooda la doonayaan waxa ay tahay,waxa aad arkaysaa hooyo amma aabe ku fanaaya in caruurtiisu ay dhigato iskulada basaska leh ee qaaliga ah.

Waxa ila fiican in ay dadku dib isugu noqdaan,oo ay ka fikiraan waxbarashada caruurtooda loo dhigaayo,waxa kaloo iyana meesha ku jirta ,maaha in la isugu faano caruurtaydu waxa ay dhigataa dugsi qaali ah ee waa in la isugu faano waxbarashada iyo tayadeeda .

Waxa aad arkaysaa Kalaas ay dhigtaan arday aan ka yarayn 60-70 iyo wixii kasoo badan,waxa kaloo iyana jirta in xataa anay jirin cid uu gaar ah oo waxaasi oo arday ah xanuunadooda iyo cudurada ay qabaan la socotaa.

Waxyabaha iyana wakhtigan xadirka ah dalkii jira waxa ka mid ah,macalimiinta oo ardayda u gaysta dhawacyo, qaarkoodna sida aan warka ku hayo amma aan ogaaba,waxa ay ardayda xiliga ay ciqaabta u bixiyeen ay la dhacaan wax ay ugu yeedheen SUUNKA GEERIDA.

Taasina inta badan waxa ay timadaa marka ay dhacdo in ardaygu uu casharka garan waayo amma uu wakhtiga ka habsaamo ,kadibna uu macalinku uu ardayga la dhaco shay aan loogu talagalin in caruurta lagu dhangadeeyo.

Waan ogahay in Caruurta laftoodu ay wakhtigan xaadirka ah ay dhib badan yihiin,balse taasi waxa ay inta badan ka imanaysaa isku xidhnaan la'aanta macalinka fiican iyo waalidka caruurtiisa ka warhaya.
Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar