SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Gurmad Qaran oo aan lahayn Qorshe dambe.

‘Mustaqbalka Madow ee ku gedaaaman Bulshada Somaliland, waxa sabab u ah Dabar-goynta dhirta iyo ka faa’idaysi la’aanta Biyaha Roobka..
Gurmad intee le’eeg ayey dawladdu u fidisay dadka ay abaartu saameysay, Maxayse halmaantay?
Cashar ma laga bartay Abaaraha soo noqnoqday? Warbixin Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Somaliland:- Abaartu waa mid kamid ah aafooyinka Dabeeciga ah ee Caalamka saameeya, taasoo cakis ku ah nolosha wanaagsan iyo nimcada eebbe SWT ku manaystay Koomka iyo inta ku kor nool.
Waa aafo laga dhaxlo dhibaatooyin fara badan, balse xalka qudha ee lagaga gudbi karaa waa in lala tacaamulo mushkiladaha ka dhasha, miisaankay doonaan ha yeesheene.
Saameynta Abaartii sanadka
Abaarta ka dhacday gobolada Galbeedka Somaliland sanadihii u dambeeyey, ayaa saameysay in ka badan nus-milyan qoys oo u badan xoolo dhaqato, kuwaasoo waajahay xaalad qalafsan bilihii hore ee sanadka, kaddib markii ay duunyadii dabar go’day, dadkuna uu nuglaaday.
Nugulka Dadka ayaa gaadhay heer ay Carruurta iyo waayeelka nafaqo daro ku dhacdo. dhimasho ayaanay gaadhay xaaladdu gobolada galbeedka, wallow todobaadkan uu alle raxmad khayr qabta ku shubay deegaamaddii ugu darnaa ee gaajada iyo haraadka loogu bakhtiyey dabayaaqadii Jiilaalka.
Marka loo kuur-galo baaxada ay leedahay abaartu, waxa muuqata inaanay muddo kooban kaga soo kaban Karin dhibaatada ay u geysatay bulshada xoolluhu ka madheen iyo kuwa uu ka siidh guuray dalagii beeruhu.
Fadxiya Meecaad, waa hooyo da’deedu tahay 34 jir, waxay dhashay 4 Carruur ah, laba Wiil iyo laba gabdhood, waxaanay kamid tahay ku dhawaad Boqol Qoys oo laga soo raray Deegaamada hoos yimaada degmada Lughaya ee Gobollka Selel, kuwaasoo lagu daadiyey Deegaanka Jidhi ilaa Madax dadlay oo ah buuralayda dhinaca Galbeed ee soohdinta Gobolka Awdal.
Warran guud oo ku saabsan mushkilada abaarta ka dhalatay kaddib, waxay ka war bixisay sida ay qoyskeeda u saameysay . " Xoolihii way naga dhamaadeen. Inyar oo adhi ah ayaa noo hadhay oo aanu kaga nimi odaygii reerka. Mooji inay na soo gaadhi doonaan iyo in kale" ayey u sheegtay Gobanimonews iyadoo ku sugan barxad banaan oo ah duleedka tuulada Jidhi.
Waxay halkaa ku sugayeen waxoogaa cunto ah oo ay u qaybinayeen wefti ka socda dawladda oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenku, waxaana iyadoo halkii taagan loo dhiibay dhowr xabaddood oo Roodhi Qalalan ah, Bushqad caanaha nooca la qaso ah oo ku jira Caag yar, Kartoon yar oo timir ah, iyo dhowr kilo oo Sonkor ah.
Baahiyaha ka muuqda dusheeda oo ay la qabto tobaneeyo qoys oo halkaa la wada dejiyey, Irbad caaraddeed kama tarayso Taakulada jalka ah ee la siiyey, hase ahaatee dareen ahaan way ku faraxsanayd quudka gacanta looga dhiibay "waanu ku faraxsanahay inay dawladdayadii noo timi oo ay wax noo keeneen, laakiinse waxaanu u baahanahay in naloo soo gurmado"ayey hadalkeeda raacisay.
Dhamaan qoysaska la dejiyey deegaankani ma haystaan Hoy ay Samadda cad-ceeda iyo dabeysha ka hoos galaan, waa bacad-yaal, banaan deg iyo baahi qabeyaal baxra soonka abaartu baadiye ku heshay oo badhaadhaha noloshu buur-dheer ka fuulay. " haddiiba Caawa Roobku da’o ma haystaan meel ay ka galaan Roobka, waa dadkaa banaanka wadhan ee bacadka meel ay ka galaan aan haysan"ayuu sheegay Xasan Yoonis Xasan oo kamid ah reer Guuraa la dejiyey meel aan ka fogayn Deegaanka Jidhi oo magaceeda la yidhaahdo Madax Dadley.
Yoonis wuxuu kamid ahaa Dad saf dheer ugu jiray Raashin mucaawimo ah oo halkaa loogu keenay, isagoo ka waramaya sida ay u saameysay dhibaatada abaartu, waxa uu sheegay " dadku wuu noolyahaye waxba lama noola". " dadka ayuunbaa iminka u darane xoolo ma jiraan, Gaadiidkii la raranayey wuu dhamaaday." Ayuu ku daray Xasan hadalkiisa.
Ka sekow Gaajada, waxay xoolluhu u dhinteen cuduro ku dhacay oo Geela, Dameeraha iyo Lo’da, sida uu sheegay Xasan Yoonis Xasan. "Xoolaha xanuunbaa ku dhacay ee iskamay dhiman, haddii ay xaab yar iyo wuxuun meelahaas ka heli lahaayeen xanuunkaasaa dilay" ayuu yidhi. " Geellihii iminka waxa iiga nool Hal lamaan, adhigiina waxoogaa maqal ah oo aan geedahaas u lullayo" ayuu raaciyey.
"Boqolkiiba lixdan (60%) Adhigu wuxuu dhintay bilihii ugu dambeeyey, halka lo’da oo gabi ahaanba dabar go’day ay ku le’atay horaantii Abaarta" sidaas waaxa sheegay xoolo dhaqatada oo intaas ku dareen in dhibaatooyinka dhimashada xoolaha bilowga u ahaa ay kamid tahay Dal tabyo ay la kulmeen Dadka ka soo hayaamay gudaha dalka Itoobiya, kuwaasoo badhtamihii sanadkii la soo dhaafay ee 2015-ka u soo guuray dhulka Xeebaha gubanka galbeed.
Reer Guuraaga ka soo hayaamay dhanka itoobiya, ayaa badankoodu waxay abaartu ku haleelshay Deegaamada hoos taga Gobolka Selel ee dhanka Xeebta ku gedaaman, waxaana meelaha xoogooda Kaliilshugu soo gashay kamid ah nawaaxiga Degmooyinka Lughaya iyo Caasha caddo.
Deegaamada hoos yimaada Degmooyinka Xeebta ee Ceelalsha Biyaha leh, sida Geerisa iyo Ceel-gaal oo Riigag biyood leh, waxa dul hoganaya Dad iyo duunyo isku-itaal ah " haddii raashin iyo biyo la I siiyo iminka, waxaan ku qaato oo reerkii ugu geeyo ma haysto, markaa wax walba waxa nagaga daran murkii la raranayey oo dhamaaday" ayey tidhi Malyuun Cumar oo ah hooyo kamid ah Bulshada ku dhaqan deegaanka geed-dheere oo 12KM u jira Geerisa.
Malyuun waxay sheegtay in Dameerihii iyo Artii reerku raran jiray ruqdeen oo uu dadka badankiisu dhabarka kaga soo dhaansado Magaalada, waxaana si baahiyahooda loo khafiifiyo qoysaskaas ay wefti dawladdu u dirtay jiidaas oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha guduhu Kaymaha dhexdooda ugu geeyeen Booyado biyo ah oo ay afka u cabaan. Biyahaas oo loogu shubay Baco dhulka lagu aasay.
Caydha iyo iyo caatada ka dhalatay abaarta, waxa dadka u dheer Macaluul, arad iyo awood daro Caafimaad xumo sababtay, duruufahaas waxa ugu wacan munaafacaadsigii cadka iyo dhogorta Xoolaha oo meesha ka baxay tan iyo markii ay abaartu saameysay." markii hore xooluhu ha iska itaal xumaadeene wuxuunbaa Saylada la geyn jiray, balse iminka ma jiro neef Saylad kaaga iibsamayaa, waakaas adhigii oo neef laga soo qabto ma leh" sidaas waxa Gobanimo u sheegay mid kamid Bulshada ku dhaqan Deegaanka Beenyo galaad oo weftiga dawladdu ay gaadhsiiyeen cuntooyin jal ah iyo Biyo.
Gurmadka Dawladda
Dawladda Somaliland ayaa dabayaaqadii bishii March gurmad Awooddiisu ka yartahay in lagaga jawaabo baahiyaha ugu sahlan ee bulshada abaaruhu sameeyeen ku gedaaman gaadhsiisay deegamo kamid ah Gobolada Selel iyo Awdal.
Laba wefti oo usbuuc howl ka waday Degmooyinka Lughaya iyo Caasho caddo, ayaa taakulo jal ama dheef maalmeed ah gaadhsiiyey boqolaal qoys oo ku filiqsan jiidaas. Mid kamid ah labada wefti oo dhowr maalmood ku sugnaa Lughaya iyo deegaamada ku hareeraysan waxa hogaaminayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.
Qorshaha weftiga Madaxweyne ku-xigeenku u socdeen waxa uu ahaa mid laba waji leh. In dadkaas mucaawimo la gaadhsiiyo iyo in dalka Itoobiya lagu celiyo ku dhawaad laba kun oo qoys oo xoolo dhaqato ah oo ay abaartu ku heshay Xeebaha.
Qorshaha rarista Dadka ka soo guuray Itoobiya oo lagu guul-daraystay, waxa ka dhashay dood iyo ismaandhaaf ka dhex curatay weftiga iyo Bulshada Gobolka Selel, taasoo saameyn ku yeelatay howlihii bino aadanimo ee ay wufuudda dawladdu dadkaas gaadhsiin lahaayeen, waxaana caqabada ugu weyni ka dhalatay ololle Madaxweyne ku-xigeenku warbaahinta kaga dhawaaqay oo dadka reer Guuraaga ah lagu celinayo, kaasoo Beesha Ciise oo ay isir ahaan ka soo jeedaan Bulshada rarista loo qorsheeyey u turjumatay Khiyaamo dadkooda lagu mastaafurinayo. Dadka la doonayey in la raro ayaa waxa dareenka siyaasiga ah fahansiiyey Siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanka.
Ku dhawaad laba boqol oo qoys oo laga soo raray soonaha Degmada Lughaya ayaa lagu daadiyey tuulada Jidhi iyo nawaaxigeeda,kaddib markii ay codsadeen inaan halkaa la dhaafin, waxaana halkaa loogu geeyey Mucaawimo raashin qalalan ah oo kamid ahaa deeqda dawladda Imaaraadku ugu deeqday dadka abaaruhu saameeyeen ee Somaliland.
Qoysaska la soo raray badankoodu way ka yimaadeen xoolaha, marka laga yimaado waxoogaa u badan wixii uga noolaa ishinkii ay raran jireen oo aad u taag-daran. "banaankaas ayey nagu daadiyeen, xoolihii yaraa ee aanu haysanayna way soo socdaan" sidaas ayey sheegtay Fadxiya oo kamid ah Qoysaska dawladdu soo rartay oo dayacii iyo dar-xumaddii haysatay uun loo sii kordhiyey.
Dadka ku hadhay dhulka laga raray qoysaskan, ayaa sheegay in weftiga Madaxweyne ku-xigeenku u sheegeen inaan mucaawimo la siinayn ciddii diida in lagu celiyo Itoobiya, sida sheegtay Hooyo kamid ah Bulshada degen agagaarka Dooxa Beenyo-gaalaad. "shalay markuu noo yimi Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu nagu yidhi Raashin lama siinayo qofkii diidda in la raro,dabadeedna way na dhaafeen" ayey tidhi.
"Annagu dad xoolo dhaqato ah oo halkan iyo Itoobiyaba degen ayaanu nahay, meeshii aanu ka nimina waa abaar oo waxba nagagama horeeyaan, markaa halkee naloo rarayaa" ayey hadalkeeda raacisay.
Halista Caafimaad darada
Saraakiisha Caafimaadka ee Deegaanka Geerisa ayaa ka dayriyey xaalada caafimaad ee bulshada abaaruhu saameeyeen, waxaanay sheegeen inay maalinba maalinta ka dambeysa soo kordhayaan dadka ay xannuunada iyo nafaqo daraddu soo ridaysaa. " maalintay ugu yartahay konton qof oo Bukaan socod ah ayaa Cisbitaalka la soo gaadhsiiyaa, waayeelka iyo carruurta ayaana ugu badan dadka xannuunaddu asiibeen ee noo yimaada iyo kuwa aanu miyiga ka soo qaadno"ayuu yidhi Dr. Axmed Nuur Sh. Cabdiraxmaan Cilmi oo ah Maamulaha Cisbitaalka Geerisa oo la hadlay Gobanimonews.
Sarkaalka ayaa tilmaamay in dadka waayeelka ah nafaqo daro hayso, carruurtana jeeni-wareen iyo Shuban ayuu sheegay inay u soo dhacaan. Xanuunno kale oo ay jadeeco iyo Shubanku kamid yihiin, ayaa ka dilaacay Deegaamada Gobolka Abaartu ka jirto, sida aanu ka soo xiganay Saraakiisha Caafimaadka ee ee dhowr degmo oo ka tirsan Gobolada Awdal iyo Selel.
Wel-welka ugu badan ee dhinaca Caafimaadku wuxuu imanayaa xilliga roobku da’o oo ay cuduro badani ka dilaaci karaan dhulka abaartu bariinsatay, sababo dhanka saxada iyo nadaafada ah awgood. Maxaa yeelay waxa meel walba yaala bakhtiga Xoolaha dhintay xiligii Jilaalka, kuwa nolosha ku soo doogay oo itaal daro awgeed ay dhici karto inay qaar badani bakhtiyaan nugaylkii abaarta darteed.
Casharada laga bartay abaaraha
Inkasta oo cashar lama ilaawaan ah laga bartay abaartan, haddana su’aashu waxay tahay ma lagaga waantoobi doonaa dhaqannada aasaaska u ah, roob yaraanta, Abaarta, xaalufka dhulka iyo Biyo yaraanta, kuwaasoo amarka alle ka sekow Bulshaddu sabab u tahay.
Goynta Dhirta, xaalufinta kaymaha Geed weynta ah, ka faa’idaysi la’aanta Biyaha Roobka, kala oodashada Dhulka xoolo daaqeenkaa, fusuqa iyo fasahaadka, naxariis la’aanta iyo afcaasha kale ee Bulshaddu caadeysteen, arrimahaas oo dhamaantood isbiirsaday waxay kamid yihiin waxyaabaha ugu horeeya ee sababay abaaraha soo noqnoqday, waana acmaasha xun xun ee alle umadda kaga qaado barakada iyo raxmadda.
Dhulka iminka abaaruhu sida xun u saameeyeen waa deegaamo beerista raashinka kala duwan ku fiicnaa, meelo kaymoolay ah oo haddii la dhaqaaleeyo sannado badan la munaafacaadsan lahaa daaqa ka baxa iyo dhul saxara la mood ah oo haddii tamar iyo tacab la geliyo laga samayn lahaa Mashaariic wax soo saar oo loo aayo.
Sidaas awgeed, duruusta ugu muhiimsan ee abaartan laga bartay waxa kamid ah dhismaha nolosha Mustaqbalka iyo dhibaatooyinka laga dhaxlo ka foojignaanta la’aanta xaalufka dhulka.
Waxa kale oo laga bartay qorshe la’aanta dawladda ee ka hortaga xaaladaha noocan oo kale, taasoo ahayd in laga yeesho qorshe qaran oo ku talo-galkiisa leh, kaasoo lagu maareeyo dhibaatu markay gaadho heerka badbaadinta Ilaahaybaa wax badbaadiyee.
Qorshaha qaran ee masiibooyinka noocan ah lagula tacaali karaa waa sanduuq Qaran oo la sameey, sida qasnada sekooyinka, Mucaawimooyinka ama mid ay maamusho Hay’adda ka hortaga Masiibooyinka dabeeciga ah ee NERAD. Cidii doontaabase ha maamushee waxa muhiim ah inuu qaranku yeesho sanduuq dhaqaale gaar ah loogu kaydiiyo arrimaha debeeciga ah, kana qayb-qaadato Bulshadu, kaasoo lagaga maarmayo Mucaawimooyinka ay hay’adduhu bixiyaan ee lagu baaqo marka mushkiladdu bilaabanto.
FG: dhamaan xuquuqda Sawirrada waxa iska leh Tafaftiraha GNA Saleeban Kalshaale
Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Tafaftiraha Warbaahinta Gobanimonews iyo Barmaamuj soosaaraha SOMNEWSTV oo booqday deegaamo badan oo kamid ah Dhulka abaartu saameysay ee somaliland
Email: curad1986@hotmail.com