SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Hooyo waa Hoy iyo Guri loo hoydo.

Hooyo waa nolosha Hoygeena,magaca Hooyo asal kiisu waxa uu ka yimi Hooyga ama Guriga,qof aan Hoy haysan Dunida sida uu ugu nooladaa waa ay adag tahay,waana mida sababtay in Hooyo loo bixiyo magaca Hoyga ama Guriga.


Hooyo waa Guruga nolosha oo dhan,Hooyo qofkastaa waxa uu caloosheeda kusoo jiray muddo aad u badan oo Bilo ah,Caloosha Hooyadu waa Hoyga u horeeya ee aynu ku soo noolayn.

Hoyga caloosha ee Hooyada marka aynu kasoo baxno hadana waa aynu nolol raaxo leh ka helkaa waa oogadeeda iyo korkeeda,waxa aynu noqonaa kuwo sida ay doonaan ugu noolaada korka Hooyada iyo dusheeda.

Waxkasta oo inagu soo dhaca waxa aynu ku samaynaa Hooyada korkeeda,waa aynu ku saxaroonaa,Kaadiba,mantagnaa,waxa kaloo aynu ku samaynaa habeen iyo maalin korkeeda iyo oogadeeda ayaynu ka dulqaylinaynaa.

Hooyadu waa qof aad u cajiib badan waa nolol la'aanteed aan aduunka aanu jireen.Hooyadu waxa ay xamishaa oo ay aqbashaa wax aanu aabuhu yeeli karin isla markaana aanu aqbali karin.

Hooyadu waa mid habeen iyo malin usoo jeeda sidii aad u noolaan lahayd,markaliya ma ogolaanayso hooyadu in aad la kulanto nolol cidhiidhi ah,xataa ma yeelayso jidhkeeduna aqbali maayo in aad ooydo,markasta oo ay oohin afkaaga kasoo baxdo waxa ay jeceshahay hooyadu in ay ku aamusiiso.

Hadii aad maalin xanuusato hooyadu iyada ayaa ka xanuun badan,kaa soo jeed badan,adiga hadii aad tahay Ilma yar ama qof wayn,waxaa laga yabaa in marka aad doonto aad iska seexato ama aad iska qososho,balse Hooyadu waxa ay u shaqaynaysaa si aynaan garan karayn.

Hooyadu dhamaan dareenkaaga oo dhan ayay la shaqaynaysaa, Hooyadu waa Hooyo waa hoy iyo guri laga galo dhaxamaha.Haddii adiga oo korkeeda saaran ay dhibaato idin soo gaadho ,waxa ay ku dadaalaysaa in ay adiga horta kaa nabad galiso.

Hooyo waa gacmahii nolosha waana ababshahii Dunida,waan jeclaan lahaa in aan qoraalkan intaasi kasii badiyo balse waxaan ii samaxayn xasuusta sida aadka ah iigu soo maaxanaysa ee Hooyo macaan oo maanta qabriga iyo xabaasha ku jirta.

Hooyo Ilahay qabriga ha u nooro

Hooyo Ilahay Janadii fardawsa ha geeyo

Hadraawi:

Hooyoy la’aantaa


Aduunyadu hubaashii

Habeen kama baxdeenoo

Iftin lama heleenoo

Dadku uma hayaameen

Xiddig hawd ka lulatoo

Sida haad ma fuuleen

Dayax heego joogoo

Hubka laguma tureen

Hawo laguma gaadheen

Cirka hirar ka muuqdoo

Hooyoy addoomuhu

Halkay maanta joogaan

Adigow horseedoo

Intaad hanad xambaartee

Haaneedka siisee

Horaaddada jaqsiisee

Habtay baan xisaab iyo

Tiro lagu heleynoo.

 

Marka aad nin hiilloo

Laga baqo hashiisiyo

Halyey diran dhashaa baa

Hooyo lagu xasuustaa

 

Marka aad nin hoo-loo

Gurigiisa habaqluhu

Isku soo halleeyoo

Hayntiisa quudhoo

Hor Illaahay geystiyo

Lama hure dhashaa baa

Hooyo lagu xasuustaa.

 

Mar aad nin himilada

Hilin toosan mariyoo

Hir markii la gaadhoba

Ku labaad hilaadshoo

Haga maatadiisoo

La higsado dhashaa baa

Hooyo lagu xasuustaa.

 

Marka aad nin hoogiyo

Ka hor taga daalkoo

Garta hubin yaqaanoo

Xaqa hoos u eegoo

Halistiyo colaadaha

Dabka hura bakhtiiyoo

Ku haggoogta dhiiggoo

Dadka kala hagaajoo

Kala haga dhashaa baa

Hooyo lagu xasuustaa.

 

Markaad hoobal caaniyo

Hindisaa farshaxanoo

Hab-dhaca iyo luuqdiyo

Hawraarta maansada

Heensayn yaqaanoo

Rabbi biyo u siiyoo

Labadaba hannaanshiyo

Hal-abuur dhashaa baa

Hooyo lagu xasuustaa.

 

Dumar iyo haween baa

Nolol lagu haweyntaa

Kuwa lagu hammiyayee

Sida hawd caleen weyn

Rag u wada hammuumee

Ishu calacsanaysaa

Hablahaaga weeyee

Marka guur la haybshee

Gabadh heego dheeroo

Hoobaan la moodoo

Karti iyo hubqaadloo

Quruxdana ka hodaniyo

Hira laga aroostaa

Hooyo lagu xasuustaa

 

Hooyoy la’aantaa

Higgaad lama barteenoo

Hooyoy la’aantaa

Hadal lama kareenoo

Ruuxaanad habinoo

Kolba aanad hees iyo

Hoobey ku sabinoo

Hawshaada waayaa

Hanaqaadi maayee

Hoygii kalgacalkee

Naxariistu hadataay.

 

Hooyoy dushaadaa

Nabad lagu hubaayooo

Hooyoy dhabtaadaa

Hurdo lagu gam’aayoo

Hooyoy taftaadaa

Dugsi laga helaayoo

Waxa lagu hal-maalaa

Hooyo ababintaadee

Hayin lagu badhaadhaay

Hogol lagu qaboobaay

Gogol lama huraaneey

Dugsigii hufnaantaay

Hidda lagu arooraay.

 

Intaad hooyo nooshahay

Hambalyiyo salaan baan

Hanti kaaga dhigayaa

Hamrashiyo xaq dhowr baan

Dusha kaa huwinayaa

Hooyo dhimashadaaduna

Hooggayga weeyoo

Hiyiga iyo laabtaan

Kugu haynayaayoo

Weligay hoygaagaan

Ka dul heesayaayoo

Hengel baan u xidhayaa

Inta haadka duushiyo

Idil habar dugaaggee

Ifka hibo ku noolow

Aakhiro halkii roon

Amiiiiiiiiiin amiiiiiiiiiiiiin amiiiiiiiiiiiiiiiin

Iftiinkacusub.



No comments:

Post a Comment