SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sideed Mas’alo oo Mas’uulka xumi sameeyo, keentana in Shaqaalahu ka tago!

Waxaa ugu horeeya :1- Shaqada oo lagu daaliyo, lagu dhibo, waqtiga ciriiri looga dhigo, saacado dheerna uu shaqeeyo, sidii isaga oo lagu ciqaabayo. Wax soo saarka qofku, 6 saadacood keddib, saacad kasra waa uu sii yaraadaa.

2- Wax soosaarkiisa oo aan la qiimeyn, laguna abaal marin. Qofka dadaalka badani waxa uu jecel yahay in dadaalkiisaas abaal marin dhaqaale lagu siiyo ama lagu dallacsiiyo amaba goob fagaare ah lagu ammaano.

3- Shaqaalaha oo aan la daryeelin. Shaqaalaha shaqada ka taga 50% ka badan waxa ay uga tagaan daryeel la’aan kaga timaada xagga madaxdooda. Suurtagal ma ah in qof 8 saacadood maalintii aad u shaqaysid, isaga oon shaqadaada qiimeyn, kaala qaybgelin, kuguna qaddarin ee uun kaa sugaya in aad waajibkaaga gudatid, keddibna iska tagtid.

4- Ballan-qaadyadooda oon la oofin. Qofka madaxda ah ee shaqaalihiisa ballan qaad u sameeyaa, haddii aanu ballan qaadkaas oofin, shaqaalaha niyadda ayaa ka jebaysa, shaqada niyad-sami ku qaban maayaan, mas’uulkaas ixtiraami maayaan, ugu dambaystana waxay keenaysaa in ay shaqada iskaga hulleelaan.

5- In ay dallacsiiyaan dad aan u qalmin. Shaqaalaha dadaalka badani waxa uu filanayaa in dadaalkiisaas lagu dallacsiiyo, waxa uu u qalmo in uu qabtana loo dhiibo. Haddii qof musuq ama qabiil lagu dallacsiiyo, qofkii xaqa u lahaa ee dadaalka badnaa niyad jab keena in uu shaqada iskaga tago ayaa ku dhacaya.

6- Qorshe la’aan. Madaxda aan jagada loo dhiibay u qalmini ma laha qorshe hawleed iyo yool xaddidan oo ay tiigsanayaan, mar walbana aragtidoodu waa ay is beddeshaa. Haddaba shaqaalihii dadaalka badnaa ee u heellanaa in shaqadii loo dhiibay uu ka miro dhaliyo, haddii maalin walba qorshe cusub loola yimaado, kalsooni darri iyo jaha-wareer baa ku dhacaya, niyad wanaagna kuma wadi karo shaqadiisa aan yoolka lahayn.

7- Codkoodu waa uu dheeryahay. Mas’uuliinta mansibka loo dhiibay aan u qalmini, erayo aan asluubeysnayn bay shaqaalohooda kula hadlaan, il yasmo iyo quursi leh bay ku eegaan, cod dheer oo canaan u badan bay wax ugu sheegaan, shaqaalahana ma siiyaan fursad ay isku difaacaan marka eedaymo ku saabsan shaqadooda ay u soo jeediyaan.

8- Ma awoodaan in ay dadka qaab fikir ah ula doodaan. Mas’uulka wanaagsani waxa uu shaqaalaha ku qanciyaa aragtidiisa, isaga oo waqti ku filan siiya shaqaaluhu in uu qanco, qaab cilmiyeysanna wax ugu sheega. Haddii uu arko in aragtida shaqaaluhu ay ka saxsan tahay tiisa, waa uu qirtaa waana uu ku bogaadiyaa shaqaalahaas, aragtida shaqaalaha ee saxda ah ayuuna qaataa, amarna ku bixiyaa in la qaato.

W/Q: Sabriye Musse.

No comments:

Post a Comment