SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Wadaniyadu waa maxay?

Dhalniyarada da’dayda ah waxaanu ku garaadsanay xornimo,indhahygu may qaban waxan xasilooni badhaadhe iyo nabdaglyo ahayn, dhagahaygu may maqal waxan guubaabo iyo rajo ahayn,

Nasiib daro waxa quluubta dadka waawayn raad aan bay’ayn kaga tegay dhibaatadi nafwaagi iyo luga beelki taariikhdu xaradhay,

Badh mise badh badhka dareenka togan kama go’ayso qalbigooda casharki iyo sandi madooba ee la soo maray ,

Silica saxariirki iyo soomalhaadki laga dhaxlay kaligii taliyihii daalinkla ahaa ee afwayne wali kamay salguurin shacabkayga,

Geeskasta waxa ku duugan shuhado xaqdaro lagu laayay , wadoonyinkana waxad halcsanaysa inadhahaaguna qabnayan naafada ku lugo iyo laxaad beeshay xoriyad u dirirki iyo xaqdaro diidki siyadbare , kudaafada iyo goobaha qashin qubka waxa u hoyda oo fadhanaya boqolaal halyay oo ku miyir belay holacii dagaalka iyo hoogi lasoo maray,

Badhka niyada naafada ka ahi waa mooge hurdo yoomal kaaf ku jira,

Ilmada iga da’aysaa maaha mid duunyon maaha mid jacayl, waa midaan la koray hayeeshe ninbalaga hayay ninwynbaan ahoo warami mayee waxan wado se waa la ogaan,

Waan caatoobay waayadan murugada waxa igaga daran qalbiga I holcaaaya markan maqlo ereyada qaar ,

Maan garan waxan aamusnaado mudo waxa dhagahayga kuso qab yidhi dhawaaq dheer " wadniyad wadaniyad wadaniyad"

War iguma seegana waxanse ahay moogane waxa dhawaqqaya ee codkooda dhagayhaygu kuso dhacay ma marko dhayahayguna ma arkaan,

Aano ludaya waxan lugta saaray dhagax meel qotoma si lama filaan wuxuu u yidhi,

Inkastoon dhagax ahay

Dhulkaaga layga beere

Qalbi dhiidhinaayiyo

Dhiig naxaya yeeloo

Iga dhawr cadaawaha,

Amakaag! Qalbiga I yidhi ka dhaqaaq wuu damqanayaa waa dareen layaable waxa dhamaan si kadisa ii dubaaxiyay jidhka jidhiidhicana wa laygu jabiyaya waxanan u jareeyay sidii qof jiran markan dhawaqaa maqlay,

Dhegta maqashaa anfariir waa u dhaxal, waa tusaale tilmaan toyashoo qalbiga si taban u taabanaysa,

Lugta hore aan ku rogaal noqdee dhawaaqa ahaa wadaniyad wadaniyad hadii aan u gonad dego dhab u qeexo oo aan raacdeeyo lugooyo igama ahaa oo waa dareen iga maqna, kabo ka dhaqaaqu igama ahaa culays diide ee waa iga haleeli waa ,

Banbaxay qumaati u dhaqaaqay ma haysto jiheeye waxase ii jiho ah muraadkan u socdo,

Kama naxo nafwaaga dhimashadayda hadaan ku furan karto naftayda dhimashada haldoorka ogoli waase ma dhacdo,

Ma dhalasho kaliyaa

Ma dhaqasho kaliyaa

Ma dhaadasho aduunba

Wadaniyadi maxay tahay?

Nususac dabadeed qacdi horeba waxan kusoo baxay guuguule geed dushii saran ,

Cabaar waxaan la shawro lana shekaysto waxan waydiiyay da’maad tahay?

Si xanshaashaqa wuxuu iigu yidhi 22 jir rugcadaa se ah,

Amakaag mid mise mid garawsaday inaad 22 jir tahay midakale se waxaan hoos isugu idhi rugcadaagu maanu ahayn siyaasiga gaamuray ee xariifka ku ah kasbashada bulshada qaabksata ,

Koodkayga waxa ku xardhan raacdadayda nasiib daro se muraayadan iska arki lahaa fikir shisheeya falfaliidh ka dhigay,

Wuxuu yidhi,

Raacdadaada garansani

Riiqda horaysiyoo

Raxanraadka kugu dhacay

Rafaadkaad ka dhaxashaa

Ridadaad u nugushahay,

 

Talo waayeel tuuris ma gaydo, wadaniyadu waa dareen mideeya quluubta dad isku mabda’ah kala diina kala qolo iyo qabiila, waa xidhiidh mideeya bulsho isku deegaan ah dana ka dhaxayso,

Waa albaabka horumarka barwaaqada nabadgalyada iyo midnimada umadaha dhexyaal,

Waa biyaha waraabiya gobonimada iyo ayaanka lagu cabiro aayaha la arko,

Ma moodayn wadaniyada manfac inta leeg inuu ku mariiman yahay igadh salaaxa qalbigayga holaday waa garti inaan halabsado qalinka,

Haa waxan dareemay qiimaha wadaniga iyo wadaniyada mararbadan oon dalka ka baxay ,

Waxan la dhacay sida ciidooda ay u ilaashadaan umadaha kale ee ay ugu fikiraan horumarka dadkooda iyo dalkooda ,

Bulshayahy I fahano

Fariintayda gunud!

Fahmadii horeba sidii shimbir indho dilaacsaday indhuhu wagac I yidhaahdeen waxase idinka dadan qiimaha wadaniyada iyo wadankeena,

Gacmo aan kuu tudhayni oohin kaama tiraan, aan gundo dego sibraarka xiga sifahaan daday gibilka aan ka faydo,

Waxan gucleeyo waxa ili qabatay iiga baxay humaag iftiin soo hiraaya horan u socday waxan indhah ku dhuftay Guuguule geed saran u tegay, anoon hadal hadhsiimana aan filayn ,

Wuxuu yidhi waan ku arkaa waanad gaydaa mid mise mid mid anba waan arka mdk kalse garo,

Waxan idhi waxaan ahay waddani lama filaan dheh, wuxuu yidhi wadaniga waa loo dhashaa,

Haday dhalsho tahay qof kastaaba miyaan la dhalin , wuxuu yidhi waaka iimansada wadankiisa iyo ciidiisa hooyo ee eebe ka unkay hooyadiina ku xanbaartay,

Waa ka dhulka hooyo ku naalooda hanaanka horumarka ee hiigsiga hammigana tabca,

Xaasidnimada xiqdiga iyo xumaha dalkiisana ka fog kaasa u qalma wadani,

Saar ima hayo waxaan wadaniyad aayn waxan ku nastaa markan dayma daymoodo xoriyada shacabkaygu ku taxtaxaashayaan ciidayda hooyo,

Qabaw nafaxaad iyo nolol waxa iigu filan hanaanka dawladnimo ee ka hanqaaday dalkeena qaniga ah,

Waxan ku ilaaba kagana doogsada dakharadi iagsaoo gaadhay dulmig afwayne markay dhaayahaygu milicsadaan qalbiyada dadkayga is ogol,

Waxan ku niyadsamahay inan gaadhi doono geediga nolosha aan hiigsanyo,

Hadii mabda’eenu noqdo waddaniyada waxaynu gaadhayna horumar hor leh hiigsigeena iyo himiladeenana waynu hanandoona,

W/Q: Maxamed Sadiiq Dhamme


No comments:

Post a Comment