SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Gabadha Muslimada ah ee Soonku ka jaban yahay maxaa la gudboon.

Gabadha Muslimada ah wuxuu Alle ku qoray dusheeda in bishiiba mar ay u dhaafto cibaadooyinkey la iman jirtay cudur daar sharci ah dartii

Waana inay ku raali noqotaa waayo maaha waxaad adigu gacanta ku haysid ood badali karto, sidoo kale maaha wax kaa reebaya guud ahaan acmaashii saalixa ahayd ee aad la imaan jirtay waa laga yaabaa in qaar ka mida lagaa reebay laakiin in badan ay kuu banaan tahay.

Nebiga salalahu calayhi wasalam ayaa maalin Caaisha u soo galay iyadoo oynaysa maxaa yeelay cudur daarkii sharciga ahaa ayaa haleelay iyadoo ku dhex jirta acmaashii Xajka markaasuu niyada u dejiyay kuna yiri "Waa wax Allaah ku qoray korkooda gabdhaha aadam dhamaantood’ wuxuuna u raaciyay waxay sameyn lahayd iyo waxayna sameyn karin inta ay Xajka ku guda jirto.

Halkaa waxaa inooga cadaatay in maalmaha ay gabadhu ku jirto cudurka sharciga ah ay la imaan karto cibaadooyin badan waxa loo diidayna ay yihin wax kooban iyadoo isla markaa heleysa ajarkii ay heli lahayd markeedii hore Allaah subxanaahu watacalaa waa mideey deeqdiisu badan tahay qofkii la imaan jiray camalo wanaagsan haduu xanuunsado ama cudur daar la soo gudboonaado waxaa loo qoraa ajarkisii.

Rasuulka salalahu calayhi wasalam wuxuu yiri

 

قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ” إذَا مَرِضَ الْعَبْدُ أَوْ سَافَرَ كُتِبَ لَهُ مِنَ الأَجْرِ مِثْلُ مَا كَانَ يَعْمَلُ صَحِيحًا مُقِيمًا " .


"Adoonku haduu safro ama bukoodo waxaa loo qoraa ajarkii markuu caafimaadka qabay safarkana ahayn" Bukhaari baa wariyay,

Xadiisyo badan ayuu Rasuulku calayhi salatu wasalaam ku cadeeyay in qofka niyadiisa lagu abaal marinayo maadama cudur daar ka reebay wuxuu sameyn lahaa ee camal wanaagsan ahaa waa hadii niyadu wanaagsan tahay kana xun yahay waxaa kheyree dhaafay jeclaan lahana inuu la yimaado laakiiin awood dari ama cudur daar lasoo darsay .niyadeena hadaan hagaajino waxaa xaqiiqa in wanaaga niyadeena aan ku helayno wax aynaan la imaan awoodna u lahayn sameyntiisa,

Waxaad sameyn kartaa acmaaal badan hadaaadan soomanayn waxaana ka mida,

Adkaar badan nooceey doontaba ha ahaatee, Ducooyinka oo aad ka faaideysato adoo gaadaya waqtiyada ducooyinka la aqbalo

Xiriirinta qaraabada Rasuulku salalahu calayhi wasalam wuxuu yiri

 

عن أنس بن مالك -رضي الله عنه- قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : “مَنْ أَحَبَّ أَنْ يُبْسَطَ لَهُ في رِزْقِهِ ، وَيُنْسَأَ لَهُ في أَثَرِهِ ، فَلْيَصِلْ رَحِمَهُ” . متفق عليه

(Qofka jecel in risiqisa loo balaariyo cumrigiisana loo dheereeyo ‘yacni loo barakeeyo’ ha xiriiriyo qaraabadiisa)

Dhagaysiga quraanka iyo cajalado faaiido leh sida Muxaadaraad ,Duruus, Fatawa, iwm,

Waxaad kaloo sameyn kartaa sadaqo inaad la baxdo, dad afuriso hadaad awoodo,, dad masaajid ku ictikaafaya afur u geyso iwm..

inaad caawiso walal kuu baahan, Rasuulka salalahu calayhi wasalam wuxuu yiri

 

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم

 

" والله في عون العبد ما كان العبد في عون أخيه “[أخرجه مسلم )


Ilaahay wuxuu caawiyaa adoonka intuu adoonku yahay mid caawiya walalki)

akhrinta kutub faaiido kuu leh , iyo qaar kaloo badan

Markaa walaasha cudur daarku ku yimid Ramadan gudihiisa yaysan is dhigan ee ha dadaasho iyadoo qaban karta wax badana yaysan ku soo koobin faaiidadii bishaan Soon iyo taraawiix kaliya Cibaadadu waa Kalmad koobaysa dhamaan wuxuu Allaah jecelyahay raalina ka yahay albaabada khayrku waa badan yihiine midkaad awoodaba ka gal yaana lagaaga dheereeyn Xaga Alaah iyo raali gelintiisa.

Xigasho:wajilad.wordpress

No comments:

Post a Comment