SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso cajiib ah:Ninkaasi waa Tuug ee ha la iska ilaaliyo!

Cayda iyo aflagaadada dadka wanaagsan laga faa'fiyaa waa mid baryaha danbe iska noqotay wax iska caadi ah.Hadii aad qof walaalka ah aad xumaan ka sheegto kama duwana in aad xabad ku dhufatay ama aad dishay oo kale.

Gabadh ayaa waxa ay si aan caadi ahayn u cayday waxna ka sheegtay nin jaarkeeda ah oo aan waxba u gaysan,nacayb iyo xumaan iyada ku jirtay ayay ninkaasi sharaftisii iyo karamadii uu lahaa oo dhan ku dhaawacday.

Waxa ay ay ku sheegtay in uu yahay nin Tuug ah oo dadka xada;ceebtaasi aanu lahayn ee ay dhulka u marisay ayaa meelkasta gaadhay,ninkii ayaa waxa ay dadku u maleeyeen in waxa lagu sheegaayo uu yahay,kadibna qofkastaa waa uu iska ilaaliyay.

Ninkii markii uu u adkaysan waayay gabadha ceebta iyo fadeexada la daba socota,isla markana aan kaba daalayn,ayaa waxa uu kaso dacweeyay maxkamada,ayaamo ka bacdina gabadhii ayaa loo yeedhay,waxaana la waydiiyay sababta ay ninkan Tuug ugu sheegtay.

Jawabaheedii ka bacdi,xaakinkii maxkamadu markii uu kiiskii dhankasta ka eegay ,waxa uu arkay una cadaatay in aanu ninkani tuug ahayn waligiina aanu cid waxba ka xadain,taas awadeed ayaa waxa gabadhii maxkamadu ku xukuntay xukun adag oo ah xadhig.

Gabadhii ayaa waxa ay damacday in xukunka lagu riday in ay Aanbiil ka qaadato,waxaanay ku andacootay in aanay ninkan wax dhibaato ah u gaysan,nabarana aanay ku dhufan, balse ay wax ka sheegtay uun.

Xaakinkii markii uu arkay doodan rafcaanka ee gabadha, ayaa si uu u tuso qofka oo sharafta lagaqadaa xumaanta ay leedahay iyo in ay dilka iyo nabarada ka xun tahay ,ayaa waxa uu ka codsaday gabadhii in ay soo qaado warqado cadcad oo aanay waxba ku qorayn.

Waxa uu ku yidhi gabadhii xaakinkii"warqadkasta waxa aad ku qortaa Cay iyo aflagaado,kadibna waxaad waraqaha ku daadisaa Suuqa,markaana ii kaalay.Gabadhii sidii ayay yeeshay ,warqadahii ayay midkasta ku qortay cay iyo aflagaado,kadibna waxa ay ku daadisay ama ku qobtay shaaracyada wadooyinka,waxaanay ku noqotay xaakinkii,iyada oo filaysa in uu hada sii dayndoono.

Markii ay xaakinkii u tagay ayaa waxa uu ku yidhi,warqadahii maye,waxa ay ku tidhi waxaan ku daadiyay suuqa sidii aad ii amartay,waxa uu ku yidhi dhamaantood ii keen xabadina yay maqnaan,kadibna waan kusii daynayaa.

Iyada oo ka warwarsan sida ay u helayso warqadahii ay shalay wadooyinka ku qubtay,hadana doonaysa in xukunka lagu riday laga saamaxo,ayay waxa ay tagtay wadooyinkii ay shalay ku qubtay warqadaha,halxabana waa ay soo wayday.

Xaakinkii ayay kusoo noqotay waxaany u sheegtay in warqadahii aanay haynin,hal xabana aanay wadooyinkii oo lin,waxa uu ku yidhi xaakinkii"sidaa aad warqadahii aad cayda ku qortay aadan usoo cilin karayn una soo helayn,aayaanay usoo noqonayn sharaftii qofkii aad dhaawacday ama aad ceebaysay.

Akhriste wax badan aynu ka dadaalno in aynu wax ka sheegno dad aanay haboonayn in wax laga sheego.Qoraalka ugama jeedo qofna yaan wax laga sheegin,waayo qofkii umada wax u dhimaaya ama sharaftooda iyo karamadooda ku ciyaaraaya xaq ayaynu u leenahay in aynu farta ku fiiqno ,dadkana uga digno ,ceebahiisana aynu soo bandhigno. Balse waa in uu inaga badbaada qof bulshada sharaf iyo karaamo ku leh,

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment