SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Shilinku yaanu ku doorin.

Ladnaantu hadday kii shalay liitay dhaxalsiiso laafyood, libaaxayn iyo inuu laandheero is moodo, wuxuu moogan yahay in laab lakacu lugooyo yahay oo leebka liishaanka toosan ee waayuhu ruuxba maalin lufad ka dhigo. Ruuxna lacagtaa lumisoo ka tuurta laag iyo xaraar dheer, ruuxna maskaxduu maalaa oo milgo iyo maamuus ayuu maalmaha kooban ee uu uunka joogo mutaystaa.

Indheer garadka waayaha nolasha u dhuun daloola mooyee, dabaalka maalintaa ladani wuxuu moodaa in dadkoo idil la mid yahiin. Waxa ka dhaadhiciwayda isba waakan faraxsanee dadka qaarkii waxay la il go’an yihiin ee ay muragadu uga muuqato. Waa calooshiisa la ciyaar aan caqli badan lahayn, waa hoori nasiibku calankiisa taagay, waa doqon fariid isku haysta, waa ruux aan Rabi iyo ragtoona aqoon, oo haynta iyo barwaaqu u been sheegtay.

Wuxuu u haystaa in wareega ayaamaha, iyo isbedelka wakhtigu ay nimco waarta weligii waraabin doonaan. Wuxuu moogan yahay, in faanka iyo fotooshnimada, santaaga iyo kibirka, kadeed iyo hoog ba’an uun laga dhaxlo.

Dhalinyaro bilaa camala oo makhaayad ku cawaynaysa ayaan dhegonugul sheekooyinkoodii ku dhegaystey, waxay ka cabanayeen niman ay asxaab ahaayeen oo markay shaqo heleen, madax taag iyo islawayni la soo baxay, oo intay labis wacan, mobil wacan iyo baabuur yar iibsadeen, boqoro is mooday. Waxay calool xumo ilaa aakhiro ah u hayeen, nimankay shalay ilkaha wax ku kala goosan jireen, maantana mobilka aan ka qaban, guubaabo iyo dhiirigelinbay isla dhex mareen, wacadbay ku galeen inay nimankaa ka fooraan oo ku foorjeeyaan.

Shaqadaadu shaqsiyadaada yaaney bedelin, ku shukri shilinka ALLE ku siiyey, shaaha shub, shaxaadkana bixi, waa hubaal inaad sharaf bulshada ku dhex shamaaxi doontid. Ha noqon jinni boqor, jeebkiisa la ciyaar iyo jano kabood. Dadkaagaa dhinac ka raac, ha doorin dabeecadaada. Dadnimo, dulqaad iyo wanaag dadkoo idil kula dhaqan.

W/Q: Abdirisak Haji Hussein.

No comments:

Post a Comment