SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Wax-badan ka ogoow ,waxa uu yahay, cudurka Babaasiirta iyo ka hortagiisa

Baabasiir oo afka qalaad lagu yiraahdo haemorrhoids waa xidida daloolka futada ama malawadka oo soo gorora ama waynaada. Waxyaalaha fududayn kara cudurkan waxaa ka mid xaaladaha kor u qaadi kara cadaadiska xididada malawadka sida haweenka uurka leh iyo qofkii ay calooshiisu fadhido - maadaama saxarada adag ay keeni karto docosho badan. Waxaa kaloo keeni kara arimo la xiriira da’da iyo hidaha qofka.

Calaamaadka lagu garto: waa kala nooc waxayna u dhaxeeyaan kuwo aamusan oo aan wax calaamad ahba lahayn iyo kuwo sababa:

Dheecaan ama axal,

dhiig cas oo saxarada dusha kaga dahaaran ama marka la iska nadiifinayo la arko,

xanuun iyo

cun-cun.

- Ka hortaga caloosha oo fariisata ama saxarada oo adkaata.

- Daawo meesha la marinayo: waxaa jira daawooyin ka samaysan boomaato ama saboosto meesha la galinayo.

- Qaliinka: haddii baabasiirku aad u daran yahay waa la qali karaa. Banding: Waxaa lagu xiri karaa rabar laastiik ah oo lagu quun-goynayo meesha uu ka imaanayo. Sclerotherapy: Waxaa daawo lagu duri karaa salka baabasiirka taasoo ka dhex-samayn karta tahar.


- Bukaanada qaba baabasiir aad u daran ama ay wax ka tari waayaan hababka aan kor ku soo xusnay waxaa lagu sameeyaa qaliin lagu jarayo baabasiirkaba ama lagu xirayo xididka waraabiya.

Waxaa kaloo jira habab kale oo lagula tacaali karo baabasiirka waxaana ka mid ah: infrared coagulation; photocoagulation; diathermy; electrotherapy. Hase yeeshee waxtarkooda looma amaanin sida laastiika rabarka oo kale.

Xuquuqda Qoraalka waxa leh:Cabduqaadir dhagacade.

No comments:

Post a Comment