SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso cajiib ah: furfuridii saddexda xigmadood .

Waxa uu ahaa boqor aad u caqli iyo garasho badnaa; afarta maal aduunyo wax ka maqanina aanu jirin. Waxa uu ilaah ku manastay sharaf, cisi, karaamo, maamul wanaag iyo aftahanimo ay ku dheehan tahay xigmad qof weyni.waxa kale oo ilaah siiyay hal gabadh oo qurux, Jamaal iyo joogba rabbi ugu deeqay.

Rag badan ayaa boqorka waydiistay in gabadha uu dhalay loo guuriyo. Balse, boqorku inanta waxa uu la jeclaystay inuu siiyo nin caqli iyo garasho u saaxiiba oo masuuliyada gabadhan qaadi kara. Boqorku waxa uu caado u lahaa inuu todobaadkiiba hal mar kulmiyo dadyawga indheer garadka ah ee deegaanka uu ka taliyo ku nool. Hadaba maalin ka mid ah maalmahaas kulanka ayaa waxa uu isku yeedhay dhamaan dadkii aqoonyahanada ahaa ee deegaanka , markii layskugu yimi geedka arrimiska ayaa waxa uu ku yidhi dadyawgii isugu yimid goobta " waar yaadhaheen waa ragga waxaan saaka iskugu kiin yeedhay inaan inin waydiiyo dhawr su'aalood. cidiise garata waxa iga sharad ah inaan siiyo inantaydaa quman luula eed arkaysaan quruxdeeda iyo inta rag ee iga soo doonanatay ee aan u diiday."

Odayaashii goobta isugu yimid aad ayay ugu riyaaqeen arrinkaas sababta oo ah waxa mid walba uu ku hammiyay inuu guursado lana aqal galo inanta uu boqorku dhalay halkaasna reer boqor xidid kula noqdo. Saddexda su'aalood ee boqorku waydiiyay ayaa ahayd:-

" Sali aan dhamaanayn.

" Socod aan daalayn..

" Sahay aan wax kuu tarin.

Si looga jawaabo waxa laysku dayay su'aalihii uu boqorku waydiiyay.balse, gow adigaaba sheegaya. Waaba la dhaqaajin waayay. Dadkii meesha iskugu yimid waa la waayay cid ka jawaabta. Inan dhalinyar oo ka mid ah shaqaalaha qasriga boqorka oo isagu meesha ku sugnaa ayaa boqorka ka codsaday inuu su' aalahaa ka jawaabo maadaama oo la garan waayay.ileyn waxa lagu qaadanayaa abaal gud weyn oo ah in aad guursato inanta boqorka magaalada'e. boqorkii waa ka yara warwareegay in uu u ogolaado ka jawaabidaas. Waayo isagu kama mid ahayn dadkii meesha layskugu yeedhay balse waxa uu cunto iyo cabitaan u keenayay dadka goobta isugu yimid. Oo marka uu alaabada dhigaba waxa isaga ood moodo sidii qof dhegta taagaya is hor qotomin jirey dhabarka danbe ee dadka meesha yimid isaga oo qoorta hoos u yara dhigaya tarayga alaabta uu ku soo qaadayna calooshiisa ku yara tiirinaya. Hadal iyo dhamaan waxa loo ogolaaday in uu ka jawaabo su'aalaha boqorka. Dabadeed waxa uu yidhi:-

" Sali aan dhamaanayn waa ciida ilaah simay. Socod aan daalayna waa siigadaa ilaah wado. Sahay aan wax kuu tarina waa siraad dab oo damay.

Boqorkii ayaa aad ula yaabay su'aalaahaas dadkiiwaaweynaa ee aqoonyahanka iyo indheergaradka ikugu jiray oo dhami garan waayeen ee inankan yare ee waliba shaqaali

hii gartey!!.

Isaga{boqorkii} oo u qushuucsan dhanna la yaaban wiilkan yaraantiisa iyo maskax wanaagiisa uu wax ku fahmi og yahay meelna wax ka arkaysa aan laga arkayn ayaa uu siiyay gabadhii uu dhalay, guri iyo waliba lacag ciidaas iyo camaarkaas ka badan.

DHAMAAD

W/Q: sakariye (WADDANI)

No comments:

Post a Comment