SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso yaab-le: Sheeko na dhex martay aniga iyo shaydaan!

Maalin maal maha ka mid ah ayaa nin salaada subax u soo kacay isaga oo doonayo inuu Masjid-ka ku tukado. dhar ayuu xirtay, kadib-na waysa qaatay, kadib-na Misaajid-ka u anba baxay. Jidkii dhexdiisa ayuu ku kufay

, kadibna gurigii ayuu kusoo laabtay asaga oo iska badalay dharkii uu xirnaa ee ka wasakhoobay. Mar labaad ayuu wayso qaatay kuna laabtay Misaajidka. Markii uu marayay halkii uu ku kufay markii hore ayuu mar kale hadana ku kufay.

Boorka ayuu iska tirtiray, kadibna kusoo laabtay gurigii si hadana uu dharka isga badalo, waysana u qaato. Markii uu jidka marayey ayuu la kulmay nin gacantiisa ku hayo faynuus (lamp). Ninkii ayuu waydiiyay waxaa uu ahaa, faynuus hayihii ayaa ku jawaabay:

Waxaan arkay adiga oo ku kufay jidka labo mar, sidaasi darted waxaan soo qaatay faynuustan si aan jidka kuugu ifiyo. Mahad celin ayuu ka bixiyey arinkaas. Kadib labadii nin ayaa Masjidka isu raacay. Markii ay Masjikda gaareen, ayuu ninkii koobaad ugu yeeray faynuus wadihii inuu salaado la tukado. Faynuus wadihii ayaa taasi diiday. Ninkii ayaa dhowr mar ka codsaday faynuus wadaha inuu tukado balse mar walbo wuu ka diiday.

Ninkii koobaad ayaa waydiiyay faynuus wadihii wuxuu u diidan yahay inuu tukado. Faynuus wadihii ayaa ku jawaabay: Aniga Shaydaan ayaan ahay. Ninkii ayaa jawaabtan ka naxay. Shaydaankii oo sii wata hadalkiisa ayaa yiri: Adiga oo Masjika usoo socda ayaan ku arkay, aniga ayaana ku ku kufsiisay. Markii aad guriga ku laabatay ood isa soo daahirisay, kadibna aad soo aaday Masjidka, Ilaahay dambigii oo dhan ayuu kuu dhaafay. Mar labaad ayaan hadana ku kufsiiyay balse hadana Masjidka ayaa kusoo laabatay, markani Ilaahay wuxuu u danbi dhaafay dhamaan dadkii gurigaada ku noolaa.

Hadii aan mar sedexaad ku kufsiin lahaa waxaan ka baqay inuu Ilaahay u danbi dhaafo dhamaan dadka ku nool tuulada, sidaasi daraadeed ayaan kaa caawiyay inaad Masjikda si nabad ah ku timaado si aanan dadka tuulada ku nool oo dhan loogu danbi dhaafin adiga daraadaa.

Hadaba walaalayaal, marnaba yuusan Shaydaan ka faa idaysanin camalkiisa oo mararka qaarkood u eg mid waangsan balse ah il-duuf. Dibna ha u dhigan camal wanaagsan oo samayn rabtay maadama aadan ogayn inta ka faa iidaysan karta camalkaas.

W/Q: Mohamed Abdi Mouse


No comments:

Post a Comment