SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Shaydaanka iyo xariifnimadiisa.

Sheydaanku waa nin khabiir ah oo in muddo ah kusoo noolaa aduunka , shaqada uu qabtana waa in uu kala fogeeyo dadka iyo Allah SWT.

Shaydaanku markiisii hore waxaa uu ku caasiayay Allah oo uu ka amar diiday kedibna Allah SWT waxaa uu u balan qaaday in uu cadaabi doono isaga iyo inta soo raacdaba , waxaa kale uu uu sheydaanku Allah ka codsaday in uu u kaadiyo inta qiyaamuhu ka dhacayo, Allah SWT wuu ka aqbalay codsigaas, waa shaydaankiiye islamarkiiba waxuuu ku dhawaaqay in uu dhankasta uga dheeli doono adoomada a llah si uu u halmaansiiyo in ay Allah SWT Caabudaan .

Shaydaanku waxaa uu Allah u sheegay in uu umaadiisa dhankasta ka baadiyeentoono oo uu uga imaan doono Bidix, Midig, horay iyo gadaal, balse meesha uusan awoodin inuu kaga yimaado waa kor waayo kor raxmada a llah ayaa ka timaada qof umadiisa u d iidi kartana amrjirto.

Dhanka kale waxaa shaydaanka Allah ugu goodiyay in uu cadaab xanuun badan gelinayo isaga iyo qofka raacdaba, balse Allah waxaa uu intaaasi sii raaciayay in uusan shydaanku awood u laheyn in uu baadiyeeyo dadka wanaagsan ee cibaadadiisa aan qof kale ula wadaajin.

Ninka layiraahdo shydaanku waa khabiir weyn oo fac kastaba lasoo nooloaa marka waxaa u fudud isaga iyo ciidankiisaba in ay kaa arkaan meel aadan adin ka arki Karin taas oo dad badan halis gelisay in ay isaga raacaan.

Waxaa sidoo kale shaydaanka heysta dhib kaas oo kaga imaanaya dadka Allah ka cabsada kuwaas oo marar bvadan shaqadiisa ka dhiga wax kama jiraan , kedib markii ay toobadkeeneen oo ay garteen in uu shaydaanku dhuminayo oo uu been u balan qaadayo.

Haddaba waxaa aad u badan halista shaydaanku kuhayo dadka Muslimiinta ah, taas oo ah in uu cadaawo kala dhex dhigo inuu ugu sheekeeeyo been iyo wax aan raad iyo saal toona laheyn, taas oo marka dambe halaag iyo naas u sabata ilaahey hanaga bad baadiyee.

Waxaan aad ugu boorinayaa dadka muslimiinta ah in ay iska ilaaliyaan ninkaasi ilaahey caasiyay oo aysan wax ka dhageysan oo ay Allah wax ka maqlaan oo ay raacaan Sunnada Nabiga SCW. Shaydaanku waxaa uu isku dadyaan in uu wadada toosan ka leexiyo qof kasta, yar iyo weyn, sheikh iyo shaab, marka haddii aad qald ku dhacdid isla markiiba Allah u toobad keen waayo toobad keenku dhib iyo jab weyn ayuu shaydaanka u gestaa, oo shaqadii uu hayay ayaa bur burtay.

W/Q: Daahir Maxame.

No comments:

Post a Comment