SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso yaab leh: Ninkani Aabahay maaha waa shaqalahii guriga!

Sheekadaan waxaa ay ku saabsan tahay wiil wax kazoo bartay wadamada reer galbeedka kedibna kula soo laabtay wadankiisa dhaqan kale iyo dadnimo kale oo gaar ah, waxaa is bedelay dabeecadiisii waxaaa is bedelay damiirkiisii waxaa uu ku caasiyoobay waalidkiis waxaa bur buray dhaqankiisii suubanaa ee lagu yiqiin ee fiicnaa waxaa uu soo baxay qof kale oo reer galbeed ah.

Maalin maal maha kamdi ah aabihiis oo ku faraxsan soo laabashada wiilkiisa oo wax soo bartay ayaa waxaa uu gurigiisa (waa guriga aabihiisa) saaxiibadiis ku casuumay.

Wiilka aabihiis oo aad u faraxsan ayaa dhalin yaradii soo dhoweeyay oo ula dhaqmay si wanaagsan waxaa uu u geeyay cabitaan iyo wax kasata oo ay naftu ku raaxeysato oo faakiho ah si uu wiilkiisa u tuso sida uu ugu kalsoon yahay oo uu jecel yahay wiikiisa oo dalka dib ugu soo laabtay isaga oo weliba wax soo bartay.inta uu aabuhu adeegayo wiilku waxaa uu laqoslayaa oo uu labaashaalayaa saaxiibadiis.

Aabihii oo adeegaya ayaa waxaa uu aaday dhankaa iyo jikadii si uu wax ugu keeno, kedibna mid ka mid ah dhalin yaradii wiilka saaxiibadii ahaa ayaa ku yiri "waakuma ninkaani nasoo dhoweeyay oo cabitaanka noo keenay" wiilkii lagu qasaaray ayaa yiri "Waa adeege (shaqaale) gurigeenuu ka shaqeeyaa" bal kawaran maxaad ku sifeyn laheed wiilkaas maxaase niyad jab uga weyn aabihii dhalay oo nasiib xumo u soo hoyatay markii uu wiilkiisa ku nafcin lahaa. Waa wax laga xumaado oo ay calooshu ku xanuunsato, maduxuna laweynaado.

W/Q: Daahir Maxamed

No comments:

Post a Comment