SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso yaab leh: waligaa ha yeelanin dhaqanka Daba-qalooca.

Nin oday ah ayaa aaday webi u dhawaa si uu u soo daawado waxaana raacay nin saaxiibkiisa ahaa .

Odaygii wuxuu fadhiistay webiga dhiniciisa waxaanu daawanayey biyaha qulqulaya quruxdooda waxaanu sanka la raacayey saxansaxada & udgoonka ka soo baxaya biyaha xareeda ah ee soconaya iyo dhirta ku hareeraysan ee uduga iyo dooga

Wuxuu si kediso ah u arkay Dibqalooc ama Raaraan biyuhu sitaan waxaanu doonay inuu badbaadiyo dibqalooca laakiin maxaa dhacay?

Odaygii gacanta ayuu u fidiyey dibqaloocii kadib dibqalocii ayaa qaniinay ! wuxuu la soo noqday gacantiisi isagoo qaylinaya oo dareemaya xanuun badan,

Hadana mar labaad wuxuu u fidiyey gacantii kale si uu u soo badbaadiyo hadana gacantii kale ayuu ka qaniinay odaygii ayaa la soo noqday gacantii kale isagoo qaylinaya oo gacantu aad u xanuunayso.

Hadana kama quusane wuxuu ku dedaalay inuu soo badbaadiyo dibqaloocii waanu ku guulaysatay !

Ninkii la socday ayaa waydiiyey : oday dibqaloocan aad isku mashquulisay oo ku dhaawacay dhowrka goor maxaa kugu kelifay waaba cadaw ku cunayee inaad noloshiisa badbaadiso mar, laba, iyo mar sedexaad?

Odaygii xikmada badnaa wuxuu yidhi {intuu garabka saaxiibkii gujiyey saxiib dhaqanka Dibqalooca waa inuu wax qaniino anigana,anigana dhaqan kaygu waa in an wax badnaadiyaa ,waa inaan debecsanaado oo naxariisto oo dulqaato, markaa ma ogolaanayo in dulqaadka iyo naxariista iyo debecsanaanta ay ka adkaato qaniinyada iyo cadhadu , maxaadse adigu u rabtaaa inaan dabeecadiisa ku raaco cadhada ah oo dabeecadayda aan bedelo?

Xikamda Qisadan ku jirta

In aan lagula dhaqmin dadka dhaqanka xun dhaqankooda oo kale.

In wixii xumaan ah ee cid kale kuu gaysato lagaga jawaabo wanaag.

In dulqaadku uu yahay ka badbaadinaya dadka kale ee kula dagaalamaya.

In cidii ku qaniinta gacantaada aad ku siiso cuntada .

In cidii qodax kuu daadisa adigu aad gogol u fidiso.

Isku soo wada duubo odaygan xikmada badani wuxuu ina baray cashar la yidhaaho (cidii ku xumaysa wanaaji ,cidii sun ku siisa subag waraabi}

Akhriste is waydii dulqaadkaagu ma yahay mid aad cafido cidii ku xumaysa mise waxaad jeceshahay mar kasta inaad ka aargoosato.

Bal aan isku dayno dhamaanteen inaan dabeecadeena wanaagsan kula dhaqano cidii ina xumaysa.

Waxa Qoray "

Xasan Madaxey

No comments:

Post a Comment