SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Cali Khaliif Galaydh oo Hargeysa soo gaadhay maanta.

Cali Khaliif Galaydh iyo wafti uu hogaminaayo ayaa soo gaadhay magalada Hargaysa,Cali Khaliif ayaa ujeed-ka uu Hargaysa u yimi ,waxa uu ku macneeyay mid isaga gaar u ah.

Hogaamiyaha iyo waftigii la socday ayaa waxa la dejiyay Hotelka Maansoor ee magalada Hargaysa,ilaa hadda lama yaqano Hogaamiyaha Khaatumo sabab cad uu u u yimi Hargaysa,balse waxa la filaya uun in ay la xidhiidho hawlahii isaga iyo dawlada u socday.

Bahda saxafada oo isku dayday in ay Cali Khaliif waydiiyaan sababta uu Hargaysa maanta usoo gaadhay,ayaa ku gaabsaday in aanu wax tafasiil ah ka bixinayn safarkiisa ku saabsan Hargaysa, iyo inta uu joogi doono ,isaga oo si qayaxan u sheegay in aanu waraysi xiligan diyaar u ahayn.

Cali Khaliif ayaa la cadayn karin in uu Hargayse meel kale u dhaafi doono iyo in uu joogi doono,dhanka Somalilana ma jiro wax warar ah uu dawlada kasoo baxay.

Balse sida ay dadka qaar sadalinayaan ayaa ah in aan marnaba la kala qarin karin Cali Khaliif iyo Somaliland,goor ahatana Cali Khaliif uu hoygiisu noqon magalada Hargaysa.

No comments:

Post a Comment