SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Warqad siidayn maxaabiis oo Maraykanku kaga codsanayay Siyaad Barre 1987 kadibna uu diiday.

HORDHAC:Waxaan idiin soo bandhigaynaa warqad ay hadda ka hor qoreen aqoonyahano Maraykan ah oo ka socday Akadeemiyada Sayniska iyo Machadka Dawaada iyo Injineeriyada oo Gugii 1987-dii booqday Soomaaliya oo warqad codsi cafis fidin maxaabiis u diray
Madaxweynihii Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre a.u.n.Iyagoo codsaday in Xabsiga laga sii daayo maxaabiis Soomaaliyeed (arday iyo shaqaale) oo xilligaa uu Maxamed Siyaad Barre xabsiga ku xiray.Warqdaii oo aan Af-soomaali ku turjumay sidan ayey ku bilaabatay. Warqadii oo ASAL (original) ah,oo PDF ah qeybta hoose ka akhrista.

Akadeemiyada Qaranka ee Sayniska iyo Machadaka Daawada.

National Academy of Science 2101 Constitution Avenue,

Washington, D.C. 20418.

November 1, 1987

Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre,Madaxweynaha Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Soomaaliya.

Mudane,

Waxaan nahay koox afar qof muwaadiniin Maraykan ah oo matalaysa|wakiil ka ah Akadeemiyada Qaranka ee Sayniska iyo Machadka Daawada.Annagu waxaanu marti ku aheyn dalkaada muddo hal todobaad ah. Waxaan u imaanay shaqo macluumaad baaritaan ee guddiyada xuquuqda Aadanaha ee labada hay'adood.

Guddiyada ayaa helay warar lagu kalsoon yahay in la xir-xiray asxaabteena Soomaalida ee machadka sayniska,daawada,iyo injineernimada.Waxaan u nimid si aan u helo macluumaad sax ah labadaba kan maamulka dawlada iyo maxaabiista oo ku saabsan xaaladaha iyo duruufaha xiritaankooda.

Waan ka xunahay taasi,inkastoo awood naloo siiyey inaan la hadalo mas'uuliyiinta dowladda,haddana ma aysan dhicin in aan la kulano maxaabiista,sidaas daraadeed waxaan aaminay oo ay warbixinta macluumaadka aan helay ku tiirsan tahay gacan labaad.

Waxaan filaynay/rajaynaynay inaan adiga ku aragno (kula kulano),mudane,intii aan joognay dalka,waanan ka xunahay taasi in aysan suurogalin (macquul ahayn) inaad na qaabisho. Si kastaba ha ahaatee, waxaan doonaynaa in aan idiin soo gaarsiino walaaca ay qabaan beesha caalamka ee Saynisyahanada. Iyadoo ku saleysan macluumaadka aan helnay, waxa ay u muuqataa in dadka hoos ku qoran yihiin maxaabiis dulman, kuwaas oo lagu hayo Xabsiga muddo ka badan shan sano.

Waxaan kaa codsanaynaa in aad u turtid/naxariisato oo aad cafiso dadkaas. Waxaan codsigan u samaynaynaa sababo bini'aadanimo iyo mid ah aqoonyahaniinta beesha caalamka iyo ardaydaba. Waxaan rajaynaynaa in aad codsigeena aqbali doonto iyo in iyagana la sii daayo.Tani waa aragtida guud ee bulshada Sayniska oo qabta in ay saaxiibadood mudan yihiin in la siiyo fursad ay shaqadooda wanaagsaneyd ee ahayd sayniska,injineernimada,daawada,iyo waxbarashada dib u bilaabaan.Fursada tani, weliba,waxay faa’iido weyn u noqon doontaa dalkaada.Dadka soo socda ee ay magacyadooda hoos ku qoran yihiin ayuu codsigeenna ku socdaa.

Aaden Yuusuf Aboker

Cusmaan Abshir Cabdulle

Maxamed Barus (Baaruud) Cali

Maxamed H. Maxamuud Cumar Xaashi

Faarax Xuseen

Cusmaan Cabdi Megaag

Aaden Warsama Saciid

Maxamed Aaden Sheekh

Maxamuud Sheekh Xasan Taani

Cabdi Ismaaciil Yoonis (Yuunis)

Cabdullaahi Cali Yuusuf

Dabcan,waxaan nahay,dad ka welwelsan xuquuqda aadanaha qof kasta adduunka oo dhan, laakiin,xubnaha Akadeemiyada Qaranka ee Sayniska iyo machadka daawada waxay si gaar ah u doontaa ilaalinta xuquuqda aadanaha ee saaxiibadood, maxaa yeelay,annaga kartideena gaar ee aqoon iyo masuuliyada naga saaran gaar ahaan arimaha meelahan oo kale.Waxaan ku faraxsanahay ogolaanshaha aan helay inaan imaano dalkaaada iyo waxaan u riyaaqnay fursadaha fikirada wax dhalin karay ee aan is dhaafsanay xirfadlayda saaxiibadeen iyo ardayda ee Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed.Waxaan ka xunahay in ayna suuragalin in aan kula kulano shakhsi ahaan oo aan ku soo gaarsiino (gudbino) walaaca aan qabno iyo codsigeenna (codsiyada) cafinta.

Waan kaaga mahad celineynaa haddaad ku wargaliso Madaxweynaha Akadeemiyada Qaranka ee Sayniska,Dr. Frank Press,falal kasta oo cafin ku saabsan shakhsiyaadka kor ku xusan.Waxaan rabnaa in ay talaabadani ka mid noqoto ama ku daro warbixinta laga daabacay booqashadeenna.

Mahadsanid,

Guddiyada Xuquuqda Aadanaha ee Akadeemiyada Qaranka ee Sayniska iyo Machadka Daawada.

Saxiixyada

Francisco J. Ayala

Carol Corillon

M. Alfred Haynes

Lawrence Klein

Waxa turjumay,

W/Q.Makatoone.

1 comment: