SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Madoonaysaa in aad Nabi Muxamed Riyo ku aragto ?

Iftiinkacusub.com: Mahad dhamaanteed Ilahay ayay u sugnatay,innaga dhigay dadka Muslimiinta ah.Walalayaal malaha qofkasta oo inaga mida waxa uu jeclaan lahaa in uu mar'uun uu Riyo ku arko Xabiibkeenii aynu jeclayn Nabiyu'laahi Muxamad CSW.

Su'aashan ah ma rabtaa Nabigeenii sharafta lahaa CSW in aad Riyo ku aragto,waxa la waydiiyay nin macalin ah ,waxaana waydiiyay Ardaygisii kadibna waxa uu siiyay talo fiican oo tusinaysa qaabkii uu Nabiga CSW Riyada ugu arki lahaa.

Taladii uu siiyay ardayga waxa ay ahayd,in uu caawo macalinka marti ugu noqdo gurigiisa,ardaygiina waxa uu ka ogolaaday in uu macalinkiisa caawa guriga u raaca si uu Nabi Muxamad Riyo ugu arko,taasi oo aad ugu baahnaa.

Ardaygii markii uu tagay gurigii Macalinkiisa ,waxa uu macalinkii ardaygisii martida u ahaa ka codsaday in uu talooyinka uu siiyo uu qaato,talooyinkaasi oo sabab u noqonaaya in uu Nabigeenii sharafta lahaa uu riyo ku arko waana intuu uu ardaygu u baahnaa.

Hadaba intii aan la gaadhin wakhtigii hordada ,ayaa macalinkii waxa uu ardaygisii usoo dhigay cunto sooryo ah oo uu ku martiqaaday,cuntadaasi waxa uu macalinku si aan xad-lahayn uga buuxiyay Milix/Cusbo,kadibna markii uu ardaygii cunay ayaa waxa uu macalinkii ku yidhi "" macalin cuntadan milixda ayaa ku badan,waxa aan rabaa in aad isiiso Biyo aan cabbo oo aan iskaga yareeyo kulaylka milixda oo ah mid aan loo adkaysan karayn.

Macalinkii waxa uu ardaygii u sheegay in aanu wax Biyo ah aanu cabin si uu xabiibkeenii Muxamad SCW uu caawa u arko,waxa kaloo uu ka dhaadhiciyay haddii uuBiyo cabbo in aanu arkayn ,kuna riyoonayn xabiibkeenii aynu jeclayn Nabiga CSW.

Ardaygii waxa uu qaatay taladii macalinka,kadibna isaga oo jidhka iyo hunguriguba ay olalayaan,haraadna bestii ah ayuu furaashka seexday,kadib waa uu gam'ay.

Markii la gaadhay xiligii la tukanaayay salaada Subax ,ayaa macalinkii waxa uu waraysi ula dhaqaaqay ardaygii,waxaanu waydiiyay "Maxaad xalay markii aad seexatay aad aragtay ama aad ku riyootay""? kadibna ardaygii ayaa waxa uu ku jawaabay "waxa aan arkay oo aan ku riyooday Wabi Biyo ah iyo badwan dareeraysa.

Macalinkii ayaa waxa uu ku yidhi waa run naftaada iyo niyadaaduba run ayay sheegtay!hadii aad Nabi Muxamaed jiceshahay waad ku riyoon lahayd.

Qisadani waxa ay ina tusinaysaa in qofku waxa uu jecl yahay ku riyoodo,jacaylku maaha oo kaliya in aan qalbiga ka jeceshahay ama aadan necbayn,balse waxa uu yahay kudayashada iyo ku qanaancasaanta shaygaasi aad jeceshahay.

Haddii aynu dib ugu yara noqono qisadan iyo sababta uu macalinku ardaygiisa u siinaayay raashinka ay milixdu ku badan tahay,ardayguna ee sheegay in uu ku riyooday wabiyo iyo biya qulqulaaya;waxa ay ila tahay labaduba sax ayay ahayeen midkastabana waxa uu sameeyay sidii saxa ahayd.

Tusaale ahaan:Maxaa kalifay in uu ardaygu ku riyoodo Wabiyo iyo Biyo badwayn ka qulqulaaya,sababtu waxa ay tahay, Milixdii uu raashinka ku cunay ee faraha badnayd ,waxa ay jidhkiisa ku abuurtay harraad xad-dhaaf ah,waxaanu seexday isaga oo niyada ku haya jecelna in uu Biyo cabbo uu isku qaboojiyo ,taas awadeed ayaa waxa ay keentay in nafsadiisii bahidii ay biyaha u qabtay in ay riyo ku raadsato ,ilayn waakan macalinkii u diiday, isaga oo xigmad uga jeeda'e.

Waxkasta oo naftaada ay jeceshayay una hiloowdo/baahato waxaa hubaala in Riyadeedu kugu badato.

Iftiinkacusub.com

W/D: Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment