SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso layaableh:Saxiibka oo geeriyooday ,hadii lasoo noolayn lahaa ,maxad kula talin lahayd?

Nin dhalinyaro ah ayaa waxa uu yimi aaska saaxiibkii, kadibna isagii oo kor taagan qabrigii saaxiibkii ayaa waxaa su’aal waydiiyay nin shiikh ahaa oo ay isgaranayeen su’aashuna waxa ay ahayd

– Hadii saaxiibkaa uu Alle ( swt) dib u soo nooleeyo maxay kula tahay in uu samayn lahaa ?

Kadibna ninkii dhalainyarada ahaa waxa uu ugu jawaabay :

" Waxa ay ila’ tahay waxa uu isku dayi lahaa inuu soo qaleeyo salaadihii uu katagi jiray, Waxa uu isku dayi lahaa in uu dib u barto quraanki labaray ee uu dayacay, Waxa uu isku dayi lahaa inuu soo qaleey wixii soon ahaa ee lagu lahaa oo cudurdaar la’aanta uga tagay, Waxa uu isku dayi lahaa inuu hagaajiyo xidhiidhka ka dhaxeeya isaga iyo rabbigii "

Intaa kadib Ninkii shiikha ahaa waxa uu ku yidhi wiilki dhalinyarada ahaa :

" Waxa ay ila tahay wanaaga aad soo sheegtay dhammaan adiga ayaa fursad u haysta in aad samayso waayo saaxiibkaa marnaba ma soo laabanayo si’ uu u hagaajiyo wixii uu ka tagay balse maanta adigaa haysta jaanis aad ku samaysan karto gunaanadka wanaagsan ee hadaba isku day in aad adigu hagaajisato xidhiidhka adiga iyo rabbigaa idin ka dhaxeeya ee ah in aad samayso wixii uu ku faray "

Hadii ay maanta noqoto maalinta ugu dambaysay ee aad katagi lahayd gurigaaga kumeel gaadhka ah ( Adduunyo ) oo aad u guuri lahayd gurigaaga dhabta ah ( Qabri) Maxaad u sii diyaarsatay ???

Waxaan isleeyahay waa su’aal wax ka baddeli karta qofka iyo sida uu noolasha u arko !!

Ugu dambayntii waxaan Allah (سُبْحَانَهُ وَ تَعَالَى ) kamagan galaynaa in aysan geeridu noogu iman si’ lama filaan ah iyadoo aysan hagaagsanayn xidhiidhka annaga iyo Allah (s.w.t) inaga dhaxeeya Aamin Ya Allah
xigasho.wajilad.wordpess.

No comments:

Post a Comment