SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso cajiib ah: Safarkii Daawo cunista!

Dadku inta badan waxa ay ismaan dhafaan iyaga oo aan si fiican wax isu waydiin ama isu dhagaysan,waana mida inta badanb keenta in la isku dhaco ama khaladaad la kala tirsado,taasi oo mararka qaarna keentay khasaare aad u badan oo aan laga soo kaban karin.

Nin oday ah ayaa waxa uu ahaa mid aad u xanuusanaaya,waxa uu qaadan jiray daawoyin xanuunka markaasi haya ka bogsiiya ama hoos uga dejiya oo uu dhakhtar usoo qoray .Maalin maalmaha ka mida ayaa Odaygii waxa uu damcay in uu magaladii uu joogay uu ka safro ,tagana Tuulo kale oo magalada xoogaa u jirta .

Odaygii inankisii uu dhalay ayuu u sheegay in uu safar damacsan yahay,inankiina waa uu ka ogolaaday waanu soo anba-bixiyay Aabihii ,waxaanu soo saaray gadhigii markaasi u safraayay Tuuladaasi uu Aabihii ku socdo.

Madamaa sida aynu soo sheegnay uu Odaygu yahay mid Xanuusanaaya ,qaatana dawooyin Kiiniino ah,wayeelna uu yahay ,waxa uu wiilkii Aabihii kula dardaarmay in aanu ilabin liqista Kiininka/dawada,madama uu gaadhi raacaayo,Kiniinkana loo baahan yahay in aan wakhtigiisa la kala goynin.

Odaygu madamaa uu gaadhi raacaaya ,wax saacadana aanu sidan,waayeelna uu yahay ,waxa uu Wiilkii Aabihii siiyay qiyaas uu ku ilaashado saacadaha Kiniinka la liqaayo.Maadaama ii wiilku aqoon buuxda u leeyahay jidka uu Aabihii ku safraayo iyo tuulo kastaaba tan kale inta ay u jirto,waxa uu dawadii Aabihii cuni lahaa ku cabiray Tuulooyinka ,waxaanu ku yidhi Aabihii:

"Aabo Darawalka gaadhiga waydii hadba Tuulada uu maraayo,intaa wixii ka danbeeyana , marka aad Tuulo heblaayo marayso hal Kiniin liq ,marka aad Tuulo heblaayo kale maraysana waxaad liqdaa laba xabbo Kiniin ah,marka aad tuulo..............

Odaygii waxa uu soo qaatay taladii iyo awamiirtii uu inankisu soo siiyay,waxanu maskaxda ku adkeeyay in uu taladaasi fulindoono madamaa ay dantiisu ku jirto.Markii Gadhigii uu soo fuulay Odaygii, kadibna uu dhaqaaqay waxyarna uu socday,ayaa ilayn odaygii Balantii wiilkiisa ayaa qalbiga kaga jirtee ,waxa uu lasoo booday hadal ah"waaryaa darawal Tuulo heblaayo ma la gaadhay"(haddii Darawalku yidhaa,haa waa la gaadhay, waxaa Odayga u qorshaysan in uu hal xabbo oo Kiniin ah liqo),Darawalkii waxa uu ugu jawaabay"maya maya adeer".

Waxyar uun intii aanu aamus-naynba waaba odaygii ,kuyee"Darawal Tuulo heblaayo ma la gaadhay"? *Darawalkii iyo dadkii Baabuurka saarna ayaa hal mar wada eegay odaygii,iyaga oo iswaydiinaaya maxaa ka khaldan odayga,Darawalkii ayaa ugu jawaabay isaga oo cadhaysan ," *Aadeer lama gaadhin ee hadalka naga daa"!

Odaygii hadana mar sadaxaad ayuu cod intii ka dheer waxa uu ku yidhi "waaryaaaaa darawal adeer tuulo heblaayo sideen loo gaadhin",markan Darawalka laftisii ayaa cadhooday, kadibna isaga oo aan hadalkii odayga dhag-jalaq usiin,ayaa waxa uu dalacay Rikoodhkii gaadhiga ,si aanu mardanbe u maqal Odaygan ku wareeriyay Tuulo heblaayo ma la gaadhay.

Wakhti yar uun ka bacdi,ayaa Odaygii qaylo bilaabay ,ilayn waa nin talo dhakhtar iyo tii Wiilkiisa fulinaayee ,kuyee "waaryaa darawal ma waxa aad iga dhaa'dhicinaysaa Tuulo heblaayo lama gaadhin",Darawalkii oo markan dareemay in tuulada oo odaygu sheegaayo in mar hore lasoo dhaafay ,ayaa waxa uu ku yidhi odaygii:

"Adeer Tuulo heblaayo waa lasoo dhaafay, balse hadda ayaan kugu celinayaa,hadalkaaga iyo buuqaaga aanu ka raysanee",kadibna halmar ayaa uu gadhigii dib u celiyay iyada oo ay dadkii oo dhami ka wada xanaaqsan yihiin,waayo tuulada uu dib odayga ugu celinayaa waa mid aad u fog wakhti badana lagasoo gudbay.

Markii uu darawalkii cidna dhagaysan waayay, isaga oo cadhaysana uu Tuuladii ku noqday,ayaa markii uu tuladii soo istaagay ,waxa uu ku yidhi odaygii"adeer waatan Tuladii aad nagu wareerisay ee nagasoo deg,hal mar uun aanu qayladaada ka raysanee".

Odaygii danba kama galin hadalka iyo xanaaqa darawalkee,inta uu Bacdisii ay Daawooyinku ugu jireen lasoo baxay,Caagad Biyo ah oo uu sitayna furka ka jaray,ayuu hal xabbo oo Kiniin ah afka *DALAQ ku siiyay , Biyahiina waa uu ka daba geeyay.

Dadkii Baska saarnaa iyo Darawalkii oo yaaban ,eegayana waxa uu odaygu samayndoona,ayaa waxa Odaygii kasoo yeedhay hadal ah "Alxamdu lilaah, Ilaahow shifo nooga dhig , ina dhaqaajiya waanigaa liqay dawadiiye";Darawalkii iyo dadkii ayaa hal mar wada qayliyay,iyaga oo leh"waa maxay Odaygan waalani,sidee ayuu noo lugoynayaa".

Odayga laftisiina kiiskaba iskama waaline si yar oo tartiiba ayaa waxa uu u yidhi"Darawal anigu Tuulada maa rabin in aan ku dego,balse cunista daawada ayaa wiilkaygii aan dhalay uu iigusoo cabiray,sababta aan kuu waydiinaayayna taasay ahayd, hadana ina wada,hana i dhibsanina marka tuulada tan ku xigta la gaadhana ii sheega,waayo waxaa ii qorshaysan in aan laba xabbo oo Kiniini ah aan li'qo,hadana sidaa si leeg tuulada taasi ku sii xigtana,waxa ii qorshaysan...................... !

Odaygii waxa uu ka bixiwaayay qorshayaal iyo li'qi taan daawo.Darawalkii iyo dadkii ayaa hal mar wada yaabay,qaar ka mida dadkii aad ayay ugu qosleen ,waxaanay layabeen qaabkan odayga loogu soo qorsheeyay in uu daawada ku liqo.

Balse aakhirkii waxa ay noqotay in taladii odayga loo fuliyo ,tuulo kasta oo uu Baaburku istaagana waxa loo sheegayay in ay tuulo heblaayo ay tahay,isna Bacdisii iyo Dawadii uu sitay ayuunbuu lasoo baxaa, waanu li'qaa,Ilahayna waa uu ku mahadiyaa ,ilaa intii uu ka gaadhaayay meeshii uu ku socday ,qorshahaasi ayuu ku tegay dhibta badan.

Muhiimada aynu sheekadan yar usoo qaadanay, ayaa waxa ay tahay,khaladaadka iyo is-faham waaga inta badan bulshada ka dhex dhacaa waxa uu yimadaa marka ay si fiican isu fahmi wayaan ama is dhagaysan wayaan,taasi ayaa aakhirka waxa ay keentaa in ay isku dhacaan ama ay la kulmaan khasaare aad u badan.

Iftiinkacusub.com

Khadaraar101@gmail.com

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment