SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waxaa wax lala yaabo ah in neef Geel ahina uu Janada galo,Geeljirahii raacayayna uu Cadaab galo!!

Akhirtayaasha sharafta lahoow waxaan idiin soo gudbinaynaa 10 ka xayawaan ee janada galaya sida ay diiinta Islaamku inoo sheegtay.Diinta islaamka waa diin qaali ah wana diin guda wayn wana Diin aanan katagin waxii lasoo dhafay iyo waxa hada taagaan iyo waxkasta oo soo socda ,waaxanu Ilahay SWC ku cadeeyay kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.

Aayadda kujirta suuratul-Ancaam aayadda 38-aad ee safxada 5-aad, taas oo Ilahay ku cadeeyay in uusan kitaabka Qur’aanka ah, Aduunka kaga tagin waxba ,haday tahay waxii hore iyo waxa hadda joogaba, iyo waxa soo socda ee aan wali dhicin .

Hadaba waxa aan idiin soo gudbinayaa 10-ka Xayawaan ee Janada galaaya:

1. Hashii Nabi Salah Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee

Waxaa wax laga xishoodo oo ceeb ah in ay hal Geel ah ay Janno gashaa, ninkii raacayayna uu Naar galo taas micnaheedu adoonka alle waxa u ku casayay allihi uumay oo ma uusan fulinin awaamirtii uu dul dhigay .

2. Dibigii Nabi Ibrahim Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee

Dibigii uu Nabi Ibrahim u qalay martidii rususha ahayd xiligii ay oogu bisharaynayeen ismaciil xili uu Nabi Ibrahim ahaa wayeel da’ay soo food saartay.

3. Wankii Nabi ismaaciil Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee

4. Sicii Nabi Muuse Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee

Sicii Nabi Muse ee suurada dhan ee Al-baqara loogu magaca daray

5. Xuudkii Nabi Yuusni Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee

Waxa kamid ah Xuutkii Nabi yuunis Liqay markii uu bada kudhacay

6. Dameerkii Nabi Caziiz Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee

Dameerkii Nabi Caziir Csw oo ay qisadiisu kujirto Suurada Al-Baqara Qisada Caziiz insha allah waan idiin soo gudbin doonaa insha allah

7. Qudhaan jadii Nabi Muuse Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee

Qudhaan jadii Nabi Muuse ka qoslisay kadib markii ay kusoo baxeen sulaymaan iyo junuudiisii qudhanjadan oo godadkeedii kasoo baxday ayaa waxa uu maqalay nabi suleymaan iyada oo leh "qudhaan jooy godadkiina kunoqda yaysan idin bur burinin sulaymaan iyo junuudiise kadibna nabi muuse waa uu dhoola cadeeyay

8. Hud-hudkii Balqiisa

Hud-hud kan waxa uu kamid ahaa adeegayashii Nabi suleeymaan CSW oo alle uu u sahlay u adeegida xayawaanaadka waxa uuna ahaa hud hudkan shinbirkii soo arkay dowaladii ay xukuntay Balqiiso oo xiligaas ahayd qoom Caabuda Qoraxada Hud-hud waxa uu kamid ahaa xayawaanaadkii uu Nabi Sulemaynaa CSW u dhaartay in uu gowrici doono ama uu six un u ciqaabi doono hadii uu war sax ah keeni wayay ama uu sheegi waayo meesha uu kumaqnaa ma uusan ogayn lakiin nasiib wanaag Hud-hud waxa uu keenay war wanaagsan kaas oo ahaa in uu soo arkay Balqiiso iyo qoomkeedii.

9. Aygii As-xaabul Kahfiga

Aygii wehelinayay As-xaabul Kahfigii loogu magic daray suratul Kahfi qisada Asxaabul kah fi way dheertahay hadii uu alle idmo waan idiin soo gudbin doonaa insha allah.

10. Hashii Nabigeena Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee

Hasha Nabigeenii Nabi Muhamed: N.N.D Hashii nabigeena waxay ahayd hasha uu gaadiidka ka dhigan jiray waxaana lagu magacaabi jiray Qaswaa.

Insh allaah waxaan idiin soo gudbin doonaa xawaan kaste qisadiisii oo dhamaystiran hadii uu alle noo ogalaado

Abdirashiid Abdulahi Ahmed (dhanaane)

Email Dhanaane22@hotmail.com

No comments:

Post a Comment