SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qosolka: Erayada ay isticmalaan dhalinyarada ee ku soo biiray Afka Soomaaliga.

Erayada ay isticmalaan dhalinyarada ee ku soo biiray Afka Soomaaliga, ma yihiin kuwa ku fiicanin la isticmaalo? Inta badan waxaa lagu arkaa goobaha ay isku yimaadeen dhalinyarada ama Qololka Wada sheekeysiyada u gaarka ah ee internet ka ee loo yaqaano Chat rooms ka, Erayo Af-Soomaali ah oo ay isticmalyaan da’yarta Soomaaliyeed, kuwaaso dadka waa weyn, aynan si fiican u fahmi Karin, horayna ay ugu bixiyeen Af-suuqeed.

Balse dhalinyarada qaar kamid ah, ayaaba ku faanay iney keeneen Erayo cusub oo ku haboon in lagu daro Afka Soomaaliga dadkana la wada baro maadaama Af-Soomaaligu uu yahay luuqada koreyso oo u baahan in la sii bala

ariyo, fikradaas waxaa qabo dhalinyarada qaarkood. Dhanka kale Sanadihii ugu danbeyay, waxaa soo shaac baxay Erayo badan oo qaarkood ay kala fog yihiin micnaha loola jeedo dadkuna aynan wada fahmi Karin.

Hadaba si aan wax badan ag ogaano, ayaan isku dayay inaan soo koobno qaar kamid ah erayadaas Afka Soomaaliga ku cusub ee la isticmaalaayay Sanadihii ugu danbeyay oo uu Sanadkaan ku jiro. Erayadaas, ayaa waxey yihiin kuwa ay jiilka hada soo kacay, ay aad isku fahmaan marka ay isticmaalayaan, inkastoo ay ku adkaan karto qofka markaas ay damacsan yihiin da’yartu iney ka qariyaan sheekada ay wadaagayaan, inuu fahmo halka hadalkoodu uu usocdo. Erayada iyo Jumladdaha Cusub ee la iskukeenay oo boqolaal garaayo, ayaa waxaa kamid ah oraahyada hoos ku qoran, oo aan isku dayay bal inaan jawaabahooda ku daro.

Erayada CusubMacnaha ay ula jeedaan

1. Igu lambari–—————————-I bar qof kale.

2. Waa Baska dambe –——————Waan iska daayay.

3. Waan ka lushaa ———————–Waan jecelahay.

4. Cid kale, ay u raran tahay –——-Qof kale ayey sheeko la wadaagtaa.

5. Gaarigeyga ma’ahan –————–Noocan kama helo

6. Igu soo tuur—————————-Warka isii

7. Wuu ku yaacay–———————-Waxbuu ka xaday

8. Waa, igu jiq –—————————Lacag ma haysto ama Taleefoonkeyga gacanta waa lacag la’aan

9. Ii daadi–——————————– lacag isii

10. Waan tufay—————————-Qofkaas, waa nacay

11. Waan ku haystaa–——————-Waan daneynayaa

12. Luuq buu ku jiraa–—————–Qofkaas guriga kama soo baxo/wuu guursaday

13. Caawadii waaye–——————–Aynu kulano caawa

14 Wuu dhalaalayaa–——————-Lacag ayuu haystaa

15. Banaan kaan jogaa————— –Waan iska dhaafay wixii hore

16. Way is tuurtay–———————-Wey guursatay

17. ii gooy————————————Ii dhaaf

18. Lug bay aastay-–———————Way guursatay

19. Tacsibaa u taallo–——————-Waa lala guursaday

20. Ha igu shidin————————-Ha sheegin wixii aan sameyay

21. Hawuu soo doontay—————-Dibaduu ka yimid

22. Badu galay—————————-Bal-wad ayuu yeeshay

23. Wuu ka wataa————————Qof qurux badan, ayuu la socdaa

24. Magaalku, kuu jiraa—————Wuu dhaqan doorsoomay

25. Jeebkiisaa qoslaya–—————Waa Oday lacaghaysto

26. Qofkaas xuux weeye—————Wuu dabeecad xun yahay ama Wuu fool xun yahay

27. Wuu baxsan yahay—————–Sheekadda lama uu socdo

28. Timuhuu deystay——————Wuu Waashay

29. Cirkuu galay————————-Wuu dhoofay

30. Wuu is yareynayaa—————-Odaygaan Gabdhuhuu Shukaansadaa ama Labisku jecel yahay

31. Wuu da’ayaa————————–Lacagtaa ku badan

32. Gooy———————————–soco

33. Ehlu Beydka Waaye————–Qaraabada Weeye

34. Ducadii ma timid—————–Bilkii ma yimid

35. Nafteey dhigeen——————-Wey tahriibeen

36. Waad kacsan tahay—————Labis qurux badan ayaad wadataa

37. Jiiq aa looga dhigay————–Waa loo diiday

38. Madaxaa laga xiray—————Waa la guuriyay

39. Idhig———————————-Idaa

40. Dhiigbuu kaga keenay———-Aad buu u isticmaalay/u fiirsaday/u xirtay

41. Nalbuu ku isku shiday—————–Sirtiisi buu sheegay

42. Wuu ku qarxiyay—————–Wuu ku cadeeyay

43. Indhuhuu u shitay—————Wuu u hanjabay, u booteeyay

44. Aboor ayuu noqday————–Tuuganimuu bilaabay

45. Falaaraha iga daa——————Kaftanka iga daa

46. Maskaxduu furtay—————-Maandooriyuu soo isticmaalay

47. Isoo gal——————————Isoo wac

48. Qofkaas waa la isbaray———-Waa laga adkaaday

49. Jilbuhuu aastay——————-Caruurbuu dhalay, waa Aabo ama Hooyo

50. Waa loo raran yahay————-Urbaa loo leeyahay

51. Macsaraduu kabadaa————-Qamrigguu cabaa

52. Waa lala soo dersay—————Jaceyl baa ku dhacay

53. Dhiiqaduu cabay——————Wuu ceeboobay

54. Nal baad, iska soo dhigtay——Waad isi soo cadeysay

55. Afkuu furtay————————Wuu caaytamay

56. Waan ku haystaa——————Waan rabaa, waan taageeraa

57. Boor, ayey isku kicisay———-Wey is kashiftay

58. Baladkuu, ka baxay—————Lacag la’aan, ayaa ku dhacday

59. Wey shidan tahay—————–Wey qurux badan tahay

60. Biyaha dahabka iga daa–——-Beenta iga dhaaf.

Erayadaan Iyo qaar kale oo badan ayey isticmalaan dhalinyarada,

Kuwaas oo ah waxa loo yaqaano hadal Suuqeed, dadku aynan wada fahmi Karin balse ay dhalinyaradu isku Af-gartaan.

Hadaba, su’aasha la iswediin karaa waxey tahay, jumladahaan ka kooban erayada la isku keenay, ma yihiin kuwo ku fiican in la isticmaalo?

W/Q: Yaxye yare.

1 comment: