SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dhaarta Beenta ah iyo khatar teeda.

Ibn Mascuud, Alle haka raalli ahaadee, wuxuu yidhi waxaan maqlay Rasuulkii (scw) oo sheegaya "qofkii ku dhaarta dhaar been ah uu ku doonayo inuu ku dhaco ama ku boobo xaq qof Muslim ah leeyahay wuxuu mutastay in Alle naar ku cadaabo, Janno inuu galona wuu ka xarrimY (ka mam-nuucay.) Markaasuu ibn Mascuud ku yidhi "Rasuulkii Allow ma xataa hadday tahay waxyar? Wuxu ugu jawaabay "xataa hadduu yahay caday gabalkiis" (jabkiis). (waxaa weriyey Muslim).

Cabdulaahi Camro bin Caas, labadoodaba Alle haka raalli noqdee, wuxuu sheegay inuu Rasuulkii ka maqlay "dembiyada wayn (major sins) waxaa ka mid ah "Alle oo loo shariig yeelo; labada waalid oo la caasiyo; naf xaq darro lagu dilo iyo dhaarta beenta ah ee lagu bililiqaysto ama lagu dhaco ruux Muslim ah maalkiisa." (waxaa weriyey Bukhari).

Haddii wax caday gabalkii leeg naar lagu gelayo, bal ka warama waxay mutaysanayaan madaxdii soo xukumay dalka Soomaaliya laga soo bilaabo 1991 kuwaaso lunsaday wixii dalka dakhli soogalay iyo wixii beesha caalamku ugu deeqday dalka Soomaaliya? Waa niman keligood cunayaal ah oo aan Alle ka baqayn, dadka ay madaxda u yihiina u naxayn una naxariisanayn. Waxay dhiigii dadka ugu cayileen sida cayayaanka kafanaha ee xoolaha dhiigga ka jaqa. Allahayow u naxariiso shacabka Soomaaaliyeed ee tabaalaysan, madaxda joogtana ka kaxee uguna beddel kuwo khayr qabta adigaa wax walba awoodee.

Qore: Mohamed Dad

mohameddad@hotmail.com

No comments:

Post a Comment