SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso yaab leh: Gabadh u dhalatay dalka Hindiya oo aan waligeed shanjir dhaafin!!

Aduunka hadaad ku noo shahay waxkasta waa aad arkaysaa,waxkasta oo aad aragtaana waxa ay noqonayaan kuwo ku yaab galiya mararka qaar.Gabadh yar/wayn,"waxaan ku sheego ayaan garan waayay" oo u dhalatay dal waynaha Hindiya ayaa qoyskeedu sheegeen in aanay cimri ahaan waligeed dhaafin shan jir.

Gabadhan oo magaceeda layidhaa Laxmi Yadev ayaa waxa dherer keeda hada lagu qiyaasaa Sadax Fiit iyo Inji,waxa aaynay xidhataa oo dhar u ah kuwa ay xidhaan caruurta aadka u yaryari,gaar ahaan kuwa ay da'doodu tahay lix jirka.

Gabadhaasi yar waalid keed ayaa waxa ay u sheegeen wargayska layidhaa The Sunday People,in gabadhan yar koritaankeedii uu istaagay markii ay ahayd shan jir,muddo iminka lagu qiyaaso shan iyo toban sanana aanay samayn wax koritaan ah.

Gabadhasi yari inta badan ma jecla in looga sheekeeyo ama la xasuusiyo yareen teedii iyo wixii ay soo martay,taasi oo ay sheegtay in ay u tahay niyad jab wayn. Waxa kaloo ay sheegtay in ay ka warwar san tahay mustaqbalkeeda guurka,waayo ayay tidhi wali maan arikin cid igala hadasha,Ragga oo dhamina waxa ay ii qabaan ilmayar oo caruur ah ama shan sano jiray.

Waxa aan niyad jab iyo murugo aan dareemaa ayay tidhi marka aan arko gabdhahii aanu mar wada dhalanay oo dhamaantood iga wada dhaadheer,waxa kaloo ay sheegtay in marka ay dharka soo iibsanayso ay iyadu dukaamada tagto si aan loogu sheekaysan ama aan loo garan.

Dadka ay ka dhalatay aad ayay uga warwaraan markasta,waxa ay ka baqanayaan in gabadhan yar laga afduubo,waayo ayay yidhaahdeen, dadka caynkan ah Hindiya waa la qafaashaa,taas awadeed ayaanu ku bixinaa cid ilaalisa oo aanu siino lacag dhan 8000 oo Rubood bishiiba.

Dhakhaatirta ayaa inta badan waxa ay gabadhan ku sheegeen in ay dhibaato ka haysato dhinaca korniinka balse ayay yidhaahdeen waa mid la daawayn karo.

Iftiinkacusub.com

Xigasho: Fridaymagazine .

No comments:

Post a Comment