SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso dhab ah: Qof dhintay iyo mid nool oo Habeenkasta wada sheekaysta!

Suuragal ma tahay in laba qof oo saxiibo ah oo midna uu dhintay oo uu Aakhiro joogo,kan kalana uu nool yahay oo uu Ifka joogo ,in ay habeenkasta wada sheekaystaan,midkastabana uu kan kale uga waramo waayaha iyo xaalada uu ku jiro.

Maxay ayaad dareemi lahayd haddii saxiibka uu habeenkasta Riyada kuugu yimaado isaga oo hore u dhintay,kadibna uu kaaga waramo waxa uu kala kulmay Aakhiro iyo hawsha taala inta ay leeg tahay ,adiguna aad kolba uga waranto xaalada aduunyada iyo kolba waxa aad ku sugan tihiin.

Madhici kari lahayd madamaa aad wali Adduunka joogto ,kuna jirto xaladahii qalafsanaa ee Dunidu caanka ku ahayd, ,in saxiibkaa marka uu habeenkii Riyo kugu soo booqdo in aad uga waranto kolba waxa ka jira dalkii,warka aad saxiibkaa siinayso ma ugu dari lahayd deegaankiina waxa ka jira iyo halka aad kala maraysaan reer hebel ama siyasada mandaqada aad ku nooshahay ka jirta.

Hadaba qisadani waa mid dhacday wakhtigii saxabada Nabiga CSW,waana arin dhab ah oo dhamaan ay Kutubuhu ay qoraan,waana mid u baahan in aynu ku cibro qadaano,kuna dadaalno bal sidii aynu u gaadhi lahayn mucjisooyinka caynkaasi oo kale ah.

Waxaa Kutubaha Siirada qaar ka mida kusoo arooray qisadii labadii saxiibi ee Ilahay dartii u walaaloobay kuwaasi oo ahaa , Sacab ibnu Juthaama iyo Cawf ibnu Maalik,labadaasi Saxaabo oo ku balamay in hadii mid ka midii uu dhinto uu kan kale Riyo kusoo booqdo,taasi oo ah mid ay Ilahay ka baryeen,waayo qofna haduu nool yahay iyo hadduu dhintay toona awood uma laha in uu hawshan oo kale uu isagu sameeyo.

Saxabigii Cawf ayaa saxiibkii ku yidhi sidee ayay arintani u suura galaysaa ?kadibna Sacab ayaa yidhi haa way suura galaysa .Muddo ka bacdi waxaa hor geeriyooday Sacab waxaanu Ilahay idamkii Riyo ugu yimi saxiibkii Cawf waxaanu uga waramay dhamaan wixii uu Aakhiro kala kulmay.

Labadii nin ee saxiibada ahaa waxa ay isu waraysteen si rasmi ah waxa uu midkastaaba kan kale uu uga waramay xaalkiisa,arintaasi waxa ay ku tusinaysaa in saaxibada Ilahay dartii isu jecel in Ilahay qadarkiisa Talafoon ifka iyo Aaklhiro ah laysugu xidhaayo.

Cawf ayaa waxa uu ku yidhi saxiibkii Sacab:Maxaad walaal la kulan tay?Sacab ayaa waxa uugu jawabay:waa naloo naxariistay,kadib markii Imtixaan nala mariyay!Cawf ayaa waxa uu waydiiyay saxiibkiisa Sacad ee Aakhiro kasoo hadlaaya:Walaal ma dareentaan dadka Nool(kuwa Ifka jooga iyo xaalkooda)Sacab ayaa waxa uu yidhi:walaal waa nala soo gaadhsiiya wixii Ehelkayaga ku dhacay,walibana Bisadii ay Qoyskayagu lahayeen ee dhimatay waa la isoo gaadhsiiyay.

Cawf ayaa waxa uu saxiibkii Sacab ku arkay jidhkiisa Bar madaw oo ku taala Qoortiisa horana anu ugu ogayn ,kadibna waxa uu waydiiyay Bartan madaw ee aanu hore ugu ogayni waxa ay tahay?waxaanu ugu jawaabay

Waxa uu yidhi Sacab : waa Toban diinaar oo nin Yahuudiya oo aanu Jaar ahayn uu igu lahaa,kadibna waxa uu u sheegay meesha uu Lacagtaasi uu dhigay ee gurigiisii Ifka ,si uu ninkii Yuhudiga ahaa u siiyo,waxa kaloo ku yidhi : Inantaydii yarayd ayaduna waxay noo imanaysaa (soo dhimanaysaa lix maalmood kadib).

Inantisaa yar ee uu sheegay in ay soo dhimanaysoo, Boosta loogusoo ridayaa, marka dunida laga soo qaadaayo ,waa Xabaasha iyo Qabriga,Subxanalaah.

Layaab sow maaha , ninkii Cawf markiiba hurdada ayuu ka kacay,waxaanu u tegay qoyskii walaalkii(saxiibkii) kadibna waxa uu salaamay xaaskii Sacab, ayadiina way canaanatay oo ku tidhi: ma sidaas ayaa loo kala tagayaa markii uu walaalkaa dhintay! Cawf waxa uu bilaabay in uu kasoo saaro Lacagtii meeshii guriga uu uga tilmaamay ,waxaanu kasoo saaray lacagtii tobanka diinaar ahayd, wuxuuna u geeyey ninkii Yahuudiga ahaa ,isaga oo ku yidhi : qaado lacagtii aad ku lahayd walaalkay Sacab.

Waxyar kadib Cawf reerkii Sacab ayuu wareystay,waxaanay uga warameen in xataa Bisadii ay layeen ay ka dhimatay ,waxa kaloo uu waydiiyay meeday inantii yarayd ee Sacab uu dhalay ,waxa ay u shegeen in ay dibada ku cayaarayso,waana loogu yeedhay ,misse waxa uu dareemay markii uu jidhkeeda taabtay in ay hadaba xumaday-santahay,aakhirkiina inantii yarayd waa ay Geeriyootay, lixdii maal mood ee Abaheed sheegaayayna may dhaafin.

Qisadan waxa aynu ka faa'idaysanaynaa saxiibtinimada qaaliga ahi in ay tahay tan Ilahay dartii iyo Allah ka cabsi lagu saaxiibo,waana mida aynu sheekada ka fahamnay in labadaasi saxiib iyaga oo kala jooga labada nololeed ee kala nooca ah in ay hadana wada sheekaystaan isuna shaqeeyeen wararkana ay kala qaataan.

Iftiinkacusub.com



No comments:

Post a Comment