SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Maansadii la magac baxday ,XUSUUS waxaa tiriyay Abwaan Yusuf Rooble Xirsi(Sandoon)

Iftiinkacusub.com: Waxa uu halkan Abwaanku kaga waramayaa,waagii dalka Somaliland lagu soo noqday,ahaydna xilligii 1991,siyaaro iyo booqasho uu ku tagay, gurigii loo yaqaanay Fooqa jajabka ee ku yaalay ,dooxa wayn ee Hargeysa dacalkiisa Waqooyi ; waxa uu abwaanku sida maansadiisa ka muuqata uu goobta ku arkay , raggii halgankii dalka loosoo maray ku naafoobay oo goobtaasi yaalla.

Waxa uu labadiisa indhood uu saaray , iyagoo meel dooxa qarkiisa ah, hangar weyn oo ku yaala jiif-jiifa, wuxuu ahaa muqaal aad looga naxo,aadna u niyad jabiyay Abwaanka,kuwaasi oo aan haba yaraatee aan haysan wax daryeel ah .

Aragtidii naxdinta lahayd ee uu Abwaanku wakhtigaasi arkay waxa ay ka keentay in uu tiriyo maanso la magac baxday XUSUUS, taasi oo uu ku tibaaxaayo,dayacii iyo darxumadii xiligaasi ka muuqatay Mujahidiinta.

Inkaastoo ilaa maantadan lafteeda la odhan karo, malaha ragii wakhtigaasi dalka usoo dhintay dadkii ay ka tageen iyo kuwii iyana usoo naafoobay ,qaar badan oo ka midii ,wali mayhelin,daryeelkii iyo xanaanadii ay uga baahnayeen dawladnimadii iyo calankii ay dhiigooda ku dhaliyeen.

Taas awadeed ayaa ilaa hadda aynu odhan karaynaa, waa mid jirta waxa ay maansadani ka hadlaysaa,iyada oo taagnaandoonta, ilaa inta ay helayaan xaqii iyo xuquuqdii ay ku lahayeen Qarankii ay u dhinteen una dhawacmeen.

Waxaa uu yidhi :-

Jirrab nolosha waa loo maraa

Belo usoo jooge.

Jaallihii markuu ina jaree

Dilayey jaandheerta.

Ninkii juuq yidhaahdaba markii

Jeelka lagu tuuray.

Jidh-dilkiyo naftoo layska jaro

Jiidashada Maydka.

Jumladaa xabaalaa markay

Cagaf ku jiidaysay.

Dhabar jabinta iyo ciidankii

Laga jalaadaayey.

Jananadi tadhahay wiilashii

Jiifka uga dhaartay.

Jarmaadaa aroortii raggii

Jeelasha u daatay.

Raggii jariyo buuraa jafee

Raadka daba joogey

Raggii shalay jidiinkoo qalalan

Wada jibboonaayey

Jiiftaanka daalka-leh raggii

Weerar kala jiidey.

Raggii aan dagaal laysku jaray

Dib uga soo jeesan.

Raggii calanka soo joojiyee

Faqash kasoo jiidey.

Jiritaanka Somaliland

Bay u jabayeene.

Jalka kama helaan nationkay

Dhamac u jiidheene.

Intii aan jihaadkii ku dhiman

Nolol wixii jooga.

Jajabkii ka hadhay baan arkoon

Cidi jalleecayne.

Togga-Herer badhbaa jooga oo

Dooxa jiifsada'e-

Waaxyaha kuwii laga jaraa

Jiitankii qaba'e.

Raggii jiibka lala beegsaduu

Jeexay bedenkooda.

Jeeraradii baa ku taal

Jiidhay berigiiye.

Jeenyaha raggii laga jaraan

Cidi u juuqayNe.

Araggaad kasii jeesataa

Jimidh yaraantoode.

Jabaqdiyo jugtii weli madfaca

May xusuus jarine.

Jirrab haysta awgii ayey

Weli jibaadaane.

Yaa ka jeebi xabadii ragbay

Weli dhex jiifaane.

Maansadan aadka u qiirada badan waxaa tiri yahy Abwaankeena wayn ee

Yusuf Roobleh Xirsi(Sandoon)

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment