SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso ku yaab galin doonta:Malakul Jibriil waxyigii Cali-binu'abu-daalib loogu soo dhiibay,ayuu la khaldamay !!

Iftiinkacusub.com: Ma dhici kartaa in ay qaarkiin indhahaba ka war-wareejiyaan in ay si sax ah u akhriyaan qoraalkan,iyaga oo ka baqo-qaba in uu kaga soo baxo waxyaabo aanay nafsadoodu qaadan karayn ,ama ay isleeyihiin siday waxanu dad Muslim ah uga dhici karaan.

Waa sheeko iyo qisso na dhex martay aniga iyo nin Muslin sheeganaaya.*""haaa ,waxa aan amin sanahay in uu sheeganaayo, balse aanu ahayn,sida aan aamin sanahay""" " waana mid aan ka dhcin qof Muslim ah isla markaana caaqido wanagsan leh.

Waa tan sababtii isu kaaya keentay:

Waxa dhici karta in aad la yaabto,nin isagu sheeganaaya Muslim ,haddana muddo sadax bilood ah aan salaad/tukasho foodda dhigin,maaha layaabka aan sheegayaa salaad la'aanta sadaxda bilood ah,balse layaabka iyo mucjisadu waxa ay tahay sababta ku kaliftay madamaa uu hore u tukan jiray in aanu hadda sadax bolood salaad foodda dhigin.

Arintani waa mid si kadisa ah ama si lama filaan ah aan ula kulmay,inkastoo aanay igu cusbayn in aan maqlo amaba aan arko dad marka ay Sujuudayaan ama ay salaad tukanayaan isu haysta in aanay ka ansaxayn ,ilaa ay wajiga dhigaan dhagax yar oo ay jeebadaha ku sitaan; qaarkoodna Masajidoodaba uu yaallo.


Waxa ay ahayd-uun galabta Casarkii, markii aan hool wayn oo masaajid noo ah aan damcay in aan salaadii Casar kusoo tukado.Hadaba maadama dadka Masaajidka ku tukadaa ay ka kala yimadeen wadamo kala wada gadisan,sidaasoo ay tahay, hadana inta aydaan is baran ,ama aydaan sheekaysan,waxa ay kuula muuqadaan dad muslimiin ah,oo aanay waxba ka khaldanayn.

Balse maxay kuugu talaa Muslim-nimadoodu, hadiiba aydaan salaadi isku xidhan karayn,qaarkoodna ay caqiido ahaan khaldan yihiin ,kuuna haystaan in aad tahay qof aan salaad lala tukan karinba,amaba ay ku leeyhiin ,anagu ma aamin sanin in ay jirto salaad jameeco lagu tukadaa.

Waatan qisadii iyo siday ay wax dhaceen:

Wadamadan Yurubta marka aad timaado,shayga ugu wayn ee aad horta markiiba tabaysaa waa Masaajid,waa haddii aad ahayd qof masaajiida ku xidhnaa,kii aan xaataa ku xidhnayn marka uu wadankii joogay ,waxa uu tabayaa Eedaamkii iyo aragtidii quruxda badnayd ee ay Masaajidu lahayeen.Halkanse(Yurub) Eedaam hadalkiisa daa,dhagaha ayaa ku awd'maayaa ,Masajidka iyo guryaha ay dadku ku jiraan lama kala yaqaano ,balse marka aad gudaha usoo gasho ayuun baad fahmaysa in aad Masaajid ku jirto.

Afar qof ayaanu albaabka Masaajidka ku kulanay,waxa markaasi taagan xiligii salaadii casar, midkasta oo naga mida Kabaha ayuu la baxay, si uu salaadda Ilahay u tukado,"waa sida aan moodaayay markii hore " si ay iga noqotayba ,midka mida ayaan ku idhi "saxiib na tu'ki salaadda",halkaan ka filayaayay inta uu laba talaabo hore u qaado,ayuu odhan doonaa "Istawu taraasu........!kuyee,"ma aaminsani in uu jiro wax jamac layidhaa"! kadibna dacal ayaabu iiga siqay/durkay ,waxaa iigu war danbaysay isaga oo wax akhrinaaya,kadibna albaabkii aanu kasoo galnay ayuu dib uga noqday,malahayga waxaan is idhi,salaadiiba waa uu tukaday,oo intaasi ayay ugu dhantahay!

Midkale oo aan igaba fogayn, balse aad moodo in uu u diyar garoobaayo in uu salaad xidho,labisanna Shulug wayn(khamiis oo kale )ayaan ku idhi,saxiib adigu na horgal(macnaha na tuki),waxa uu keenay cudur daar kii ka daran,kuyee" dhagaxii aan wajiga dhigi lahaa,waxa la iika kiinayaa Karbala(Ciraaq),markaas ayaan idin tukindoonaa, walibana si fiican ayaan idiin tukin doonaa ayuu isna yidhi ",waxa kaluu ii sheegay in aanu isagu iminka aanu tukanaynba,sababta oo ah ayuu yidhi,madamaa uu dhagaxii Karbala iga maqan yahay,ma tukanaayo,waayo dhulkii oo dhan ayaa nijaas ah.

Midkale oo ka mida isla ragii aanu masaajidka soo wada galnay ,ayaan ku idhi"waar hadaba adigu na tu'ki ",waxa uu hadal ka bilaabay,waxa iiga maqan Koofidii madaxa la saaraayay, madamaa aanay madaxa wax iisaarnayna in aan idin tukiyaa waa mid danbi wayn ah.

Kan danbe lamabaan yaabin,waayo , Culimada Muslimiinta ah qaar ka mida ,ayaa waxa ay aamin san yihiin, in aanu qofna dadka horgali karin(tukun karin)haddii aanu madax wax u saarnay,balse ninkani waxa uu u haystaaba in ay tahay in dadka la tukiyaa ,iyadoo aanay madaxa wax kuu sarnayn,in ay tahay danbi iyo jariimo wayn oo Ilahay laga galay.

Salaadii ayaan anigu iska tukaday,waxyar ka dibna waxa aanu sheeko wadaag yeelanay ninkii dhagaxa Karbala salaadu kaga xidhnayd:

Ninkii reer Karbala ayaanu si gaar ah u waraystay,kaasi oo ahaa ninka loogu qaatay dhinaca furfurnaanta ;waxa aan waydiiyay "maxaa sababay in aad dhagaxaasi la'aantii aadan salaad tukan, foodana aadan dhihin",waxa uu iigu jawaabay:

"Waxa aan aamin sanahay, saxna ila ah, in dhamaan dhulku uu yahay mid nijaasaysan ,waxa aan ku idhi anoo la'yar yaaban""oo maxaa nijaaseeyay,miyaa lagu kaajay dhamaantii"",waxa uu iigu jawaabay ""maya laguma kaajin"" ,lakiin wax ka xun ayaa lagu sameeyay"!isla anigii oo yar cadhooday !"oo maxaa lagu sameeyay!

"kuyee ,"waxaa si gardaro ah loogu dilay,khalgiga Ilahay kii u sharafta iyo karamada iyo caqliga badnaa",waxaan la soobooday,intaan is-hayn kari waayay "*ma Nabi Muxamed CSW yaa dilayba furaashkiisa ayuu ku dhintee"!

Ilayn ninkuba Nabiga CSW waxa uu u haystaa in Waxyigii Ilahay kusoo dajiyay ,in uu si khaldan Malakul Jibriil ula anbaday,kuna dul akhriyay Nabiga CSW,waxaanu ku doodayaa, Waxyiga waxaa xaq ulahaa,Jibriilna loogu soo dhiibay Cali-binu abudaalib RC ,Subxanalaaah.

Halka marka ay nala marayso ee aan arkay in ay Baxaral buxuur nala gashay iyo buuro dhaadheer, ayaan ku idhi "Jibriil ayaa khaldamay macnaheedu miyaanay ahayn Ilahay ayaa garan waayay cidda uu Waxyiga Jibriil u geeyay".

Sheekadu markan way xumaatay,sababta oo ah Ilahay laftisii ayaabu fara galiyay,halkaa haynoo joogto,ma jecli in aan halkaasi isla dhaafno,Shiicada nimanka Raafidada layidhaa qofka Muslim u haystoow taariikhdooda dib u badh.

Aan isuu noqdo dhagaxii uu Karbala ka sugaayay iyo sababta uu u doonaayo.Waxa uu sheegay in dhamaan dhulku uu wada yahay nijaas,meel haba yaraatee daahir ahna aanu lahayn,xaataa hadaad fooq fuusho ayuu aamin san yahay waa nijaas,wayo Ciidii nijaasta ahayd ayaa lagu dhisay.

Waxa aan waydiiyay,"dhagaxa Karbala lagaaga keenayaa ,isagu miyaanu nijaas ahayn,ilayn waadigan dhulkii Ilahay wada nijaas ka dhigee",waabu xaanaqi gaadhay,cadhuu jiq noqday,hadal waxa uu ku bilaabay"" Karbala hadaad taqaano sidaa ilamaad hadasheen,waa meel baraykaysan" waxa aan ku celiyay hadal ah"ma waxa ay ka barako badan tahay xaataa Xaramka (Maka) miyay ka barako badan yahay" isaga oo aan isba dhibin, ayuu inta uu sidii uu Xaramka iyo Sucudiga yasaayo ayuu yidhi" waxaan aamin sanahay in Karbala ka ajar iyo xasanaad badan taay".

Maxaan ula yaabayaa,aniga laftayda dib ayaan maskaxdayda xasuus dheer ugu celiyay,waxa markiiba i hortimi ,siyaarooyinkii ay Somalidu Qabuuraha ku dhigi jirtay ,gaar ahaan tii aniga deegaankayga laga samayn jiray ee la magac baxday JIMCE BARKHADLE ,"shalilaa yaa sheekha buurtow almadad yaa...............".

Iga raali ahaada sheekadu halkeedii ha inooga socoto:

Su'aasha kale ee aan waydiiyay waxa ay ahayd ,"dhagaxan aad rabto in aad dhulka iska xigsiiso,maxaad u samaysan wayday,ilayn dad iyaguba fikirka aad qabto aaminsan oo waxa jira ,haddana iyaga samaystay dhagaxaasi ,isla markaana aan Karbala waxba uga baahnayn.

Waxa uu iigu jawaabay"maya waa ay jiraan kuwo sidaasi ,ama iyagu samaysta dhagax ama qori ay dhulka iska xigsiiyaan ,balse anigu taasi ma aamin sani,waxa aan wax ku soo bartay in Karbala ay tahay meesha kaliya ee laga heli karo dhagaxa daahir-ka ah ,ee nijaasada kaa ilaalinaaya;sababta oo ah dhiigii Sayid Xussen ayaa dhulka nijaaseeyay".

Yaab iyo amakaak,su'aal kale ayaan waydiiyay "Xussen Binu'Cali RC markii la dilay, dhigiisu ma sida Roobka ayuu u da'ay badnaayee , maxaa dhulka oo dhan dhigiisa wada gaadhsiiyay "? waxa uu iigu jawaabay "haa dhulka oo dhan ayaa nijaas noqday, waayo waxa uu ahaa qofkii Ilahay aaburay ee ugu karamada badnaa dunida oo dhan",intaan yaabay,ayaan lasoo booday """" yaaaa, maxaad tidhi,xaa'taa Nabiyadii oo dhan miyuu ka fadli badnaa """ ,waxa uu isaga oo dhoola cadaynaaya igu jawaabay ""haa Ilaa Aadam,waana la dulmiyay,waananu u aari doonaa"!

Aniga oo aad moodo in ay cadho iga muuqato,ayaan waxa aan ku idhi ""wa'ayo cidda dishay ee aad ugu aaraysaan,waxa uu yidhi""waa la yaqana"".

Hadalkii ayaa nala sii dheeraday,su'aal kale ayaan dib ugu celiyay oo ah ""hadiiba aad rumaysan tahay in dhiigii Xussen dhulka oo dhan uu nijaaseeyay,aadna rabtaan sida aad sheegayso,goor ay noqotaba in aad u aari doontan ,maxay ayaad kaga duwan tihiin Nasarada, iyaguba leh Ciise CS waa la dilay, dadkii jeclaa danbigooda ayaanu u dhintay?

Waxa uu iigu jawaabay ,"aniga Ciise hayla galin,balse ogsoonow in Xussen xanuunkii labaday wali anaan anaggu dareemin,waana mida aanu jidhkayaga Mindiyaha iyo Shabuuga ula dhacno.

Aniga ayaabad moodaa in aan faduuli ahay,waxa aan ku celiyay markale hadal ah ""Xussen RC ma waxa uu ka karaamo badnaa Nabi MuxamedCSW" jawaabta sida uu ii siiyay degdeg badnaydee ,hadal kooban waxa uu ku yidhi ""Yes,nacam"",kadibna inta uu iga dhaqaaqay ayuu hadal igu soo tuuray ah ""Xussen Ilahay ayaa doortay"; isaga oo sii socda ayaan sidii wax kor u dhawaaqaya ku idhi ""XASSAN OO WALAALKII AH XUSSEN isaga ka waran ,kuyee"Nacas ayuu kaasi ahaa"!!!!****.

Xassan iyo Xussen waa labadii caruur ahaa ee uu Nabigeenu CSW uu soo koriyay,awawgana uu u ahaa ,soo tarbiyeeyay,sharafta iyo karamada ay leeyhiin ay xadiistu inoo sheegtay.

Xassan oo uu nacas ku sheegaayo,Nabigu CSW waxa uu in badan ka sheekeeyay wiilkaasi yari in uu noqon doono, xilli xiliyada ka mida, mid ku guntan-doona dhib Muslimiinta soo kala dhex gasha,waanay dhacday ficlan ,xiligii dagaaladii Cali iyo Mucaawiye.

Hadaba dadka caynaasi ah ,maxaad ka filan kartaa in ay ka amin karaan haddii aad is-dhex gashaan, saw markaasi kuuma haboona in aad jidka ku kala leexataan. Waxaa yaab iyo amakaak iyana igu ahayd ,Ramadaankii hore markii aanu meel ku wada afurnay ,dad ka yimi ,dalka Ciraaq iyo Suuriya ,kadibna marka la gaadho wakhtiga Eedaamka,halkii ay ka afuri lahayeen,waxa ay naga danbayn jireen ,wakhti dhan Hal saac ama 60 daqiiqo,taasoo markii aan waydiiyay waxa ku kalifaaya,waxa ay iigu jawabeen , in ay rumaysan yihiin,in dadka Suniga ah oo markasta la khilaafaa ,in ay agtooda ka tahay shayga ama cibaadada ugu ajarka iyo xasanaadka fiican.

Ka waran qofka Muslim sheeganaaya,dhibtaada iyo lugooyadaadana u arkaaya in ay tahayba ,shayga kaliya ee uu ajarka iyo xasanaadka uu ku helaayo, amaba uu Janada ku galayo,taasi saw ku tusi mayso in uu yahay cadawgii Ilahay.

Taas cakiskeeda ma aamin sana Shiicada badankoodu xaasatan Raafidadu,in ajar iyo xasanaad laga helaayo gaalada oo dhibaato iyo dhagar loo gaystaa,waxaa dhici karta in ay qaarkiin arimahan aan ka waramaayo ay u qaadan wayaan,balse waa wax jira oo anigaygan idinla hadlaaya ay igula sheekaysteen.

Qofka Shiicada qaar ka mida u haysta in ay Muslim yihiin,waxaan kula talin lahaa,radiya taarikhdooda la sheekaysta ,si aad u famtaan waxa ay aamin san yihiin ,iskana ilaaliya sharkooda iyo shirqoolkooda.

Inta badan dhalinta Somalidu waa iska xamasiyiin,waxaan xasuustaa wakhtiyada qaar marka Idacadahu ay ka waramayaan kooxdii la magac baxday XISBU'LAH,ee uu madaxda u ahaa ninkii lagu magacaabi jiray Xassan Nasru-lah ,in ay dhalinta Somalidu u sacaba tumo jirtay,sababta oo ah *Yuhuud ayuu la dagalamayaa.

Yaan lagu sirmin dagaalada ay ku jiraan,waxa ay aad iyo aad u jeclaan lahayeen halka ay Yuhuuda kala dagalamayaan in ay adiga (Suniga) ka takhalusaan.

Waxa hubaala in wakhtigan xaadirka ah ay dhulka Somalida aad uga buuxaad ,jiraanna dad yaw Soomali ah oo fikirkaasi khaldan qaatay,kuwaasi oo u baahan in laga taxadaro.

Iftiinkacusub.com

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment