SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Geeridu waa wacdiyaha aamusan!

Geeridu xaq weeyee haduu Ruux ku go’ meel.

Gacalkiyo xigaaluhu intay geba-gebeeyaan .

Marka ay gadoomaan , wuxuu galabsaduun baa ,

Godka ugu hoydee intaa mayla garateen?

Abdi laahi Ibnu cabaas RC ayaa ka soo weriyey Nebigeena scw inuu nin waaniyey oo ku yidhi: ka faa’iidayso shan arimood shan hortood,

1. Noloshaada ka faa’iidayso geeridaada ka hor.

2. Dhalin yaranimadaada ka faa’iidayso gabow ka hor.

3. Caafimaadkaaga ka faa’iidayso xanuunkaaga ka hor,

4. Qanintinimadaada ka faa’iidayso faqriga ka hor.

5. Firaaqadaada ka faa’iidayso Mashquulkaaga ka hor.

Waa shan qodob oo aad u muhiima in uu qofku ka faa’iidaysto intaan shanta danbe u iman , waana xaqiiq inay u iman doonaan oo aanay gaffi doonin, hadaba waxaa mudan inaan is waydiino shantan ma ka faa’iidaysanay ka hor intaan shanta danbe inoo iman mise waxaynu nahay kuwo qafladaysan?

Geeridu waa wacdiyaha aamusan,

Waxaa laga soo weriyey xabiibkeena SCW inuu yidhi: waxaan idiinka tegay ( Mid aamusan iyo mid hadlaya oo labaduba idiin wacdi ah, waa Geerida iyo Quraanka) quraankuna waa waaniye inala hadlaya Geeriduna waa waaniye aamusan oo maruun qofka dhufanaya, marka u qof dhinto waxay inoo tahay waano ay tahay inaan wax ku qaadano.

Labadan waaniye ee midna aamusan yahay midna hadlayo hadii ay waxba inaga tari waayaan ogow qalbigeenu waa qalalan yahay, qalbi qalalana Illaahay swt ma jecla mana jannaynayo.

Si aan mar walba dareenkeena ugu baraarujino geerida waxaa uu yidhi Xabiibkeenu SCW: Tuko Salaad sidii mid dadka sii sagootinaya. Macnaha wayn ee ku jiraa waxaa weeye aduunyada haka dhigan Daar aad sii joogayso oo adigu aad leedahay Salaada aad tukanayso u tuko sidii qof Salaadaasi ugu danbayso, oo mid danbe aan tukan doonin, wuxuu naftiisa ku soo ururinayaa hadii uu sidaa yeesho khawf Alle ka cabsi iyo baqdin iyo Khushuuc, iyo u diyaar garow aakhiro, wuxuu ka dherginayaa naftiisa Xamaasad uu u qabo aakhiro iyo Jannadda iyo Nimcooyinka uu u diyaariyey Alle SWT , wuxuu naftiisa qofku gelinayaa cabsi uu ka cabsanayo oo ka ducaysanayo Naarta iyo Kulaylkeeda wuxuu ka soo baxayaa qofku salaadii isagoo ah qof niyad sare leh oo Alle u baryey sidii mid hadaba la kulmaya.

Xadiisku waa mid kooban hadana macnihiisu aad u balaadhan yahay waayo Xabiibkeena scw Illaah wuxuu siiyey wax la yidhaaho Jawaamicu kelim waa kelmado kooban oo hadiise la yidhaaho macneeya laga qorayo buugaag badan.

Yaa ka fiican qofka qaata dardaaranka Xabiibkeena oo u tukada Salaadaha sidii qof hada aduunka sii macasalaameenaya,? Yaa ka fiican qofka ku camal fala xadiiskaas.

Qiso Kooban.

Wuxu yidhi Yaziid Raqaashi Alle ha u naxariistee: waxaa jiray nin aad u kibir badnaa oo madax ahaa oo dikteetar ahaa maalin isagoo madaxtooyadiisii jooga oo qolkiisii gaarka ahaa fadhiya ee u wadankiisa uga talin jiray ayaa gurigaas u wax ka maamulaana uu yahay guri si wayn loo ilaaliyo ayaa waxaa u soo galay nin muuqaalkiisu argagax badan yahay markaasuu ninkii Dikteetarka ahaa argagaxay oo yidhi: waar maxaad ahayd ? markaasuu yidhi: waxaan ahay Malakul mowt, boqorkii ayaa ugu hal celiyey oo maxaad u socotay ? wuxuu yidhi way kaa dhamaatay ee soo dhaadhac aduunyaddu way kaa dhamaatay, ajashaadii waa dhamaatay aakhiro ayaad u bislaatay qabrigaa lagu gaynayaa! Dikteeeratkii dulmiga badnaa ayaa dhulka isku tuuray oo yidhi: codsi Madaxwayne ayaan kuu soo qorayaa iga daa maanta geerida aan toobad keeno aan Rabbi baryo, aan dadkii aan dulmay u celiyo xoolohoodii aan amaanooyinkii aan hayey iska dhiibo, aan umadayda sii macasalaameeyo Malakul mowdow iga daa maanta geerida!

Malakul Mowt wuxuu yidhi: maya maya laba naqas ayaa kuu hadhay waan kaa qaadayaa nafta? Kibraanigii ayaa yidhi: maxaa igaga horeeya Qabriga? Malakul mawt wuxuu yidhi: camalkaagii ayaa kuu yaal dulmigaad samayn jirtay xumaantaad samayn jirtay , Naar baa kaaga horaysa Qabriga maad filanayn inay sidaas noqon doonto, markaasuu naftii ka qaaday ,

Markaasay ehelkiisii iyo dabaqoodhigiisii isku dareen oohin iyo qaylo haday ogyihiin waxa kaga sii horeeya qabriga way sii laban laabi lahaayeen oohinta,

Walaalayaal xaaladee ku sugaynaa qabriga ma inagoo qafladaysan mise inagoo aan qafladaysanayn, ma inagoo daacad samaynayna mise inagoo macaasi samaynayna.

In qabrigu ga’doon yahay inuu geeri go’an yahay.

Gacal iyo xigaaliyo inaan garasho kuu ool.

Intaas malay garateen?

Waa inoo mar kale iyo qormo qabriga ka hadlaysa Allena ha ina asturo.

Qalinkii

W/Q: Hussein Jama Guudcade.

No comments:

Post a Comment