SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Way is caayi taqaanaaye, isma caawin taqaano!

Waxaan ku waabariistay oo hurdadii aandhagida kaga jiray iga kiciyay, dhawaaqa iyo sawaxanka haweenka tirada badan ee intay isku soo urureen, mid kastaa duryamayso, waan soo booday anigoo macawista darafkahaysta, waxaan ka fikiraayay oo igu soo dhacaayay kun su'alood oo sida onkodka maskaxdayda uga sanqadhaya ,oo ay ka mid haayeen, talaw maxaa dhacay, ma cidbaa dhimatay, ma cidbaa dhibi soo gaadhay, mise waa haweenoo labaa is af .......dhaafay.

Aniga oo xiimaya ayaan isa soo taagay kaabada guriyaga, si aan war uhelo- ilayn warbaa u gaajo kulule, isma dhibin ee waxaan hadal la gaadhay islaan jaarka ah ,waxaan anoo hadalka dirqi iga soo baxayo naxdin awgeed ku idhi islaantii eedo maxaa dhacay ? intay qosol yar dhag kaga siisay, ayay igu tidhi,"Gabadh baa halkan ku dhacday oo gaajo ayay u dhacday ayay na leyihiin,".

"Dhacdayaaa ,naxdin waynaa- sidiiyoo geeri la ii sheegay ayaan giijistay guntiga macawista, waxaan dib ugu noqday guriga si aan wax ay afka galiso ugu geeyo,nasiib daro wax badan kamaan soohelin guriga oo wakhti inta la kala quraacday la kala anba baxay, saacaduna ku sii siqayso abaaro 8:00 subaxnimo.

Inta badan quraacdii way dhamaaday waxaase aan mad-bakhii oo aan miciin biday ugu tagay waxoogaa laxooxa iyo shaah yar oo aan badnayn, intii ayaan soo qaaday iyo waxoogaa biyo ah si aan ugu gargaaro.

Waan dul istagay waa gabadh dhalinyaro ah oo da'deedu hada uun madaxa la gashay gugii soddonaad ,hadanay bilo dheerayn, waa xaamilo aan ku qiyaasay inay sidkeedi ka hadhay ugu yaraan 30 cisho; mar labaad ayuu gariirka wadnuhu uu samaynayay is libin laabay,waxaanan ku war helay anoo tin iyo cidhib wada dhidid noqday.

Ma awoodo inaan kaliday kiciyo dhaqankuna wuu I habranayaa oo goob ay haween joogan kuma dhiiran karo inaan caawiyo mooyee inaan haweenay sidkeedu dhawyahay qab-qabto.

Waxa ugu badan waa haween ee dul taagani, hadii laga tagi waayo wiil yar oo hadda uun madaxa la galay da'dii 13 jirka ayaa garabkayga taagan oon xoog iyo xiniin uu igu caawiyo toona aan lahayn.

waxaan u diray haweenkii dul taagnaa codsi ah inay gabadha qabtaan oo ay meesha ka kiciyaan ilaahay dartiina ugu gargaaraan, gabadh dhalinyara oo ka mid ahayd inta u soo daawashada tagtay ayaa igu tidhi oo "halkeen geeyaa, Sideen idhaa" .

Waxba yaanan hadal idinku daaline isku tagnay oo meel hadha ayaanu caw u dhignay halkaas oo ay ku nafistay wixii gasiin aanu u heynayna ay gawska galisay, saacado ka bacdi markii ay nafistay waxay igu eegtay laba indhood oo daymo hooyonimo oo naxariis lihi ka muuqato, waxaanay ii sheegtay in ninkeedu uu ahaan jiray shaqaale dawladeed oo aad u hooseeya ugu danbayntiina shaqadii laga eryay , waxayna igu tidhi:

Waxaan ahaa hooyo naxariis badan oo gurigeeda ku negi ka hor intii aanu shaqada ka tagin odaygaygu .waxa aanu nahayqoys balaadhan oo dakhliga soo galaa aad u yaraa , odaygaygu awood uma uu lahayn in uu wada dabbaro cuntada aanu afka gelinayno iyo dalabaadkayaga aan dhamaanayn oo khaati bilaahi ka dhigay oo dhiig karkii u ka qaaday uu ka dhigay sariir yaal aanu suuliga gaadhi karin.

Sidaasi daraadeed ayaan ana go'ansaday maadaama uu hadda odaygiina dhul yaal noqday bal inaan suuqa tago si hadba wixii aan awoodo ee uu ilaahay iga soogaliyo ee arsaaqada aan u soo helo, ilayn fadhi waxba igu soo gali maayaane .

Sida ka muuqata wajigayga, dharaar-taydu, waxay ay ku dhamaan jirtay dhidid iyo tacab , habeenkuna is rog rog, warwar iyo qufacanoo ku jira ayuu waagu iigu baryaa,ma tahli karo damiirkuna ima siinayo caruurtaydii oo gaajaysan iyo odaygayii oo sariir yaala inaan sii fadhiyaa aniga oo taydii qaadi kari lah, waadigaa arkaya in xanuunkii I hayay uu maanta isoo ritay anoo wadada maraya.

Waxoogaa ka bacdi markay nafistay ee ay dareenay inay cagaheda ku kici karto oo ay qaarkeeda hoose ay sidi karaan qaarkeeda sare, ayay socodkii dib u bilawday iyadoo usii jeeda halkaa iyo suuqa idaacada oo ay u socotay.

Waxaanay xaladeedu ka dhignayd ,Caydhi Ma Bukooto-dhibaatooyinkaa iyo in ka badan oo kale ayaa danyarteenii haysata ,se'isma ogee way isugu timid, kuwii dul taagnaa ee hadalada naxliga iyo nashuushada miidhan ah la dul tagnaaba marnaba umuu dul qaadan karayn qof inuun damiirkiisu ay bini'aadminimo ku sii hadhay.

Waxaan ka sii xasuustaa hadaladooda,"Maxay ka guursatay nin aan waxba haysan,Iyadoo xaamila maxaa soo saaraya" ,iyo hadalo noocaas ah oo u badnaa hiif iyo hiiritaan .

Waxaanse leeyahay dunida waa hadhka labadeeda galin,Haynta Iyo Maalkuna Hido Dhaxale Mahee , Hadh Wareega Weeyoo La Helaa La Waayaa,la arkaa iyadoo bari dharagsan- in badan oo dul taagnaydna ay diiftu hayso, ugu danbayntii waxaan ka codsan lahaa qofkasta oo maqaalkan akhrista inaynu isku dayno inaynu u naxariisano inteena itaalka daran si uu ilaahayna inoogu naxariisto-somalidana waxaan kaga tagayaa xikmada tidhaa (Waad Is Caayi Taqaane, Isma Caawin Taqaanaan)

Qalinkii: Abdifatah Sh.Nouh Jaamac ( Suldaanka)

No comments:

Post a Comment