SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ramadaanka shan(5) badso shanna(5) yarayso.

Ramadaan waa bil barako badan haddaba si aynu uga faa’iidaysano waa in aynu badsanaa camalada wanaagsan oo dhan oo aynu joojinaa wax kasta oo xun oo soonkeena wax u dhimaya.
Waxyaabaha aynu badsanayno waxaa ka mid ah:-

1. Akhriska Quraanka kariimka ah

Qur’aanku waa kalaamkii Illaahay Swt waxaana Ilaahay uu jecel yahay Ehlul qur’aanka waana dadkiisa gaarka u ah,

Qur’aanka hadii aan ka akhrino xaraf ka mid ah waxa la inooga qorayaa 10 ajar hadii qofku akhriyo alif-laam-miim wuxuu helayaa ajar dhan 30 xasanadood.

Qur’aanku wuxuu u shafeeco qaadaa qofka akhriya maalinta qiyaame, qur’aanku wuxuu dawo u yahay quluubteena iyo nafteena qur’aanku waa ka nooleenaya quluubteena ee nuurinaya, qur’aanka akhriskiisa oo la badiyaa waxay ka dhigan tahay in qofku uu yahay ka dadka ugu khayrka badan, qofba qofka uu ka qur’aan akhris badan yahay ayuu ka ajar badan yahay oo Illaahay xagiisana uga dhow yahay,

Quraanka akhriskiisa waa inaynu ku dedaalnaa inaan fahano macnihiisa waxaana la yidhaahaa qur’aanka wuxuu noqonayaa in si fiican qofku u akhriyo marka uu sadex isla helo

1. Carabkoo saxaya akhriskiisa waa inaan qur’aanka la jejebin

2. Caqligoo Tarjuma marka carabku akhriyo .

3. Iyo qalbigoo fahma ama ku khushuuca.

Saddexdaas marka qofku isla helo xaqiiqo ahaan qur’aanka ajar aad u wayn ayaa Alle uga qorayaa.

Qur’aanka inta aynu ka naqaanaa haba yaraatee waa inaynu akhrinaa oo ku dedaalnaa fahankiisa.

2 Xuska Alle

Waa qodobka labaad ee mudan inaan badsano Illaahay xusitaankiisa qofku hadii uu badsado xusitaanka Alle swt wuxuu ka dhigan yahay qof ka dhuuntay ama ka badbaaday cadawgeena koowaad oo ah Iblays,

Qofka Ilaahay xusaya wuxuu ka dhigan yahay qof nool qofka aan ilaahay xusayni waa qof dhintay sidaas waxaa yidhi Xabiibkeenii scw.

Qofka Illaahay xusaa wuxuu ku jiraa dhufays adag oo uu kaga badbaadayo shar oo dhan,

Qofka Illaahay xusayaa qalbigaa u nuura oo naftaa u xasisha oo werwerka adduunayadaa ka yaraada,

Qofka Illaahay xusaa Alle ayaa jeclaada oo maalinta qiyaame ka dhiga qof derejo leh oo ka horeeya kuwii aan Illaahay xusi jirin,.

Qofka Illaahay xusa isagana Alle ayaa xusa oo malaa’iigtiisa ka dhex sheega oo ka amaana,

Qofka Illaahay xusa dhamaan kuwa Alle aan xusin wuu ka derejo sareeyaa.

Hadii qoom fadhiistaan meel oo Alle ay xusaan waxay abaal u helaan afar arrimood oo waa weyn sida uu sheegay Nebigeenu scw wuxuu yidhi : qoom marka ay meel fadhiistaan ee Illaahay xusaan waxaa lagu abaal mariyaa 4 shay oo kala ah

1. Malaa’iig ayaa ku soo degta

2. Raxmad ayaa daboosha

3. Xasilooni ayaa ku soo degta.

4. Illaahay ayaa ka xusa agtiisa

Dhamaanteen waynu jecelnahay in sidan uu Illaahay inagu abaal mariyo, walaalayaal Alle xuskiisa aan badino ,

Waxaa ka mid ah xuska Alle kelmadahan,

Subxaan alaah , Alxamdulilaah. Laa, Illaaha illa laahu afartaas kelmadood adduuunyada iyo wixii qoraxi u soo baxdoba way ka qiimi badan yihiin sida uu inoo sheegay Xabiibkeenu scw,

3 Istiqfaarta,

Qodobka saddexaad ee muhiimka ah in la xasuusnaado waa in Illaahay aynu denbi dhaaf waydiisano, Xabiibkeenana waxa caado u ahayd mar kasta inuu Illaahay denbi dhaaf weydiisto,

Waxa liibaanay qofka laga helo kitaabka xasanaadka loogu qoro Istiqfaar fara badan.

Luqmaan inankiisa wuxuu ku odhan jiray inankaygiiyow Carrabkaaga uga caado dhig Istiqfaar fara badan.

Nin ayaa u yimi IImaamkii waynaa ee la odhan jiray Xasanulbasri oo waydiiyey : Xassanow waxa I haysa dhibaato faqri ee ii ducee wuxuu ugu jawaabay Illaahay denbi dhaaf waydiiso, mid kale ayaa waydiiyey Xasanow iiga ducee beertii oo iga xumaatay midna wuxuu yidhi Abaar ayaa na haysee noo ducee dhamaantood na wuxuu ku yidhi :Ilaahay denbi dhaaf waydiista.

Nin ag fadhiyey ayaa yidhi: sheekh Xassanow qofkasta oo cabanaya waxaad leedahay denbi dhaaf Illaahay waydiisto waa maxay sababtu? Wuxuu Iimaamka ku jawaabay: miyaanad maqal Qowlkii Nabi Nuux ee uu ku yidhi dadkiisii: Illaahay denbi dhaaf weydiista Waa denbi dhaaf badane, Roob ayuu idiin shubi, wuxuu idin siin doonaa awlaad iyo adduunyo iyo arzaaqadba, Beeraha ayuu idiin hagaajin iyo webiyada )

Haddaba sidaas ayay muhiim u tahay in Istiqfaarta la badsado Nebigeenuna wuxuu Illaahay maalintii Istiqfaar samayn jiray in ka badan 100 maalintii, xataa marka uu meel fadhiisto wuxuu badsan jiray kelmada Istiqfaarta,

Walaalayaal waqti wax walba waa inaan badsanaa Istiqfaarta marka aynu jiifno marka aynu soconayno marka aynu shaqaysanayno , waayo shaqadaas Istiqfaarta carrabkeena culays kuma hayso waa shaqo fudud.

4-Saliga nebiga scw.

Saliga nebigu (scw ) waa arrin aad u muhiima wuxuuna yidhi nebigeenu scw : ma garanaysaan bakhaylka ? bakhaylku waa qofka inta agtiisa la igu soo qaaday igu saliyi waaya.

Qofka mar qudha ku saliya 1 mar Illaahayna wuxuu ku saliyayaa 10 goor.

Maadaama oo ay sidaas tahay miyaanay mudnayn inaynu badino saliga Xabiibkeena scw.

5-Taraawiixda & Hadalka wacan.

Taraawiixdu waa salaad aad u muhiima sida uu sheegay Nebigeenu waa inaan la tukano jamaca hadii aan karno weliba qofka caynkaas sameeya Illaahay ayaa u denbi dhaafaya qofka salaadaas tukada.

Sidoo kale

Hadalka wacan oo qofku caadaysto waxay ka tarjumaysaa wanaagiisa iyo taqwadiisa had iyo goor waxaa mudan inaynu caado ka dhigano, dherigu marka uu karayo waxa ka soo ura wixii lagu dhex ritay sidaas oo kale qofka hadalka wacani wuxuu ka dhigan yahay in tarbiyadiisa iyo akhlaaqdiisu sarayso uuna yahay qof qalbigiisu wacan yahay.

Laakiin marka qofku uu hadlo ee uu ku hadlo hadal xun ummaddoo dhan ayaa wada karhaysa oo nacaysa oo la yaabaysa oo u khajilaysa,

Walaalayaal hadii aynu caado ka dhigano cayda xumaanta xanta isku dirka umada waxaa la inooga qorayaa denbi aad u weyn khaasatan maalmahan aynu ku jirno waa maalmo sumad gaar ah leh.

Waxa yaab ah in dadku yidhaahaan waan soomaynaa oo cuntadaan ka soomaynaa, dadka hilibkoodana ka soomi mayno oo waanu xamanaynaa.

Waxay ka dhigan tahay wixii Illaahay iga xaaraantimeeyeyna waan samaynayaa wixii uu ii xalaaleeyeyna waan iska daynayaa.

Walaalayaal Illaahay aan ka cabsano oo aan iska dayno hadalka xun iyo xanta iyo laqwiga.

Shan aan yaraysano bisha ramadaan

1-Cuntada iyo cabitaanka

Dadku waxay caadaystaan had iyo goor inay maalintii soomaan habeenkiina aad moodo inay ka aargoosanayaan gaajada maalintii, cunto badan iyo cabitaan badana sameeyaan taaso sababta marka qofku dhergo inuu taraawiixdii tukan kari waayo oo uu caajiso.

2-Qaflada iyo mooganaanta.

Qofku marka uu soomo sidii aan hore u sheegnay waa inuu badiyaa dikriga Alle oo iska ilaaliyaa inuu qaflad galo ama xuska Alle iloobo.

3-Hurdada iyo waqti lumiska.

Sidoo kale waxaan yaraynaynaa in aan waqtigeena ku dayacno oo ku lumino ciyaar iyo hurdo si waqtigu inoo dhaafo oo waqtiga eedaanka uun aan u yaacno cuntadii iyo cabitaankii.

4-Fadhi ku dirirka iyo filimaanta.

Bishan Ramadaan waxaa dadka qaar caado ka dhigteen inay daawadaan filimo ay waqtiga ku dhaafaan iyo waqtiyada qaarkood ayay ku dhameeyaan makhaayado ay ka sheekaynayaan taasina waa inaan ka dheeraano oo ka fogaano, waayo daqiiqad kasta oo waqtigeena ka mid ah Illaahay wuu inaga xisaabin doonaa.

5-Fududaysadka taraawiixda.

Ogow qofku hadii uu fudadaysto waajibaadka Alle saaray iyo sunayaasha wuxuu adeecay Iblays taraawiixdu waa salaad ay mudan tahay inaynu ilaalino bishan ramadaan oo tukano.

Qalinkii

Hussein Jama Guudcade.

Diintuwaanasteexo1@gmail.com

No comments:

Post a Comment