SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Haa, Noqo laba mid!!

Ammintu waa gadiid {Duhur}, cad-ceedu waxay caga-cagaynaysaa cirka badhtankiisa. Waxayna dhulka ku soo ganaysaa fallaadho kulul, oo gamas afka loo tiifay in dhakada lagaaga wareemayo ad moodid. Dhulku waa jalaq, oo socodka dadka iyo sawaxanka baabuurtu way yar yihiin. Dadka inni way hadhgaleen, inna way hadhima doonteen, halka inta saddexaadna ay hurdo u holladeen.

Annu waxan ka mid ahay inta labaad, waxanan akhrinayay Dhigane ka mid ah kuwa ugu xalladda iyo xiisaha badan. Waa buugga Awoodda fikirka {Power of think}, ee uu qoray Dr. Scolor. Waa buug ka warramay horumarinta awooddaha dahsoon ee Bini’aadamka. Baal-qoraallada horeba wuxu tibaax murtiyaysan ku bixinayaa in isbeddelka noloshu ku sar go’an yahay hab fikirka shaqsiga.

Wuxu ballaysinkaba bildhaaminayaa in haddii hab fekerka shaqsigu isbeddello in kaalinta iyo doorka uu bulshada ruuxaasi kaga jiraana isbeddellayso. Waa buug ku tusinaya kuuna tilmaamaya awooddaha kugu kaydsan, ee adeegsiga u baahan.

Wuxuuna kuu sheegayaa inaad ka muhiimsan tahay, kana qaalisan tahay intaad hadda isku haysato. Haddii aad tahay mid waqtiga iyo waayuhu laciifiyeen, wuxu kugu dhiirrigalinayaa inaanad is dhiibin, wuxuna ku siinayaa awood kugu qarsoon oo aad kaga gudubto duruufaha qallafsan iyo aragtida qarracan ee aad nolosha ka aamminsan tahay.

Wuxu buuggani kugu adkaynayaa inaanad noqon {Nin dhintay oo calafkiisu nool yahay} Haa, ha noqon nin dhintay oo calafkiisu nool yahay. Nin dhintay oo calafkiisu nool yahay waa labaatan jir wax cun, wax cab iyo seexo oo soo toos wax u dhexeeya ayna shaqadiisu ahayn!! Adigaa nolosha ku siyaado ah, mar haddaadan wax ku soo kordhin.

Buuggan awoodda fikirka xaashiba waxay kuu tebinaysaa xaashida ku xigta. Adigoon nuuxsan, is dhaqaajin, oo midba mida ka danbaysa ogaanshiyaheeda hammuun iyo harraad u qaba, ayaad is arkaysaa adigoo dhanka kale uga tallaabay. Mise waad dhammaysay ba! Qoraal markaad laasataba waxa kuu kordhaya fudfudayd nafsadeed iyo firfircoonni jidheed! Waxa baaxad yeellanaya adduun-araggaaga iyo aqoon oddoroskaaga.

Haddaba, iyadoo baalba baalka ku xiga ii tebinayo, ayaa sidaadan u rogay kaan akhrinayay markaan dhammeeyay, waxay indhuhu halacsadeen "Noqo laba mid!!" waaniga indhaha ku biniiniyay si aan u ogaado labadan la noqonayo midkood! Markaan u dhug yeeshay mise waxa far waaweyn oo ingiriisiya ku xardhan "DAAQAD IYO MURAAYAD {ISKAA-TUSA} MID NOQO!!" Haa, daaqad iyo iskaa-tusa mid noqo!! Waaniga ku sii dhaygagay si aan u ogaado sababta daaqad iyo iskaa-tusa mid loo noqonayo! Mise qoraagu tafniid iyo sharrax midna kama bixin, ee halkaasuu ku dhaafay.

Waxan ogaaday in akhrista looga baahan yahay helidda faa’idada Daaqad iyo Murayaad! Waaniga akhriska joojiyay, kor u fadhiistay, koob bigaysana soo shubtay, si aan u furfuro hal-xidhaalaha qoraagu igu soo tuuray.

Bal hadda akhriste adna ka fikir Daaqad iyo Muraayad! Maxay taraan? Maxaad Daaqad iyo Iskaa-tusa midkood aad u noqonaysaa? Waxan garwaaqsaday in maan godlid iyo maskax maaxini lagama maarmaan tahay. Waan fikiray, taladaan rogrogay, hoos baan isku hadlay, garaadkaan shiilay, laabtaan gilgilay, waan kacay oo haddana fadhiistay, Daaqaddaan furay oo haddana xidhay, Iskaa-tusaan soo qaaday, waan isku eegay oo haddana dhigay, dhankastana waan ka fiiriyay, markaan garaadkayga gaaban godliyay waxa ii soo baxay laba arrimood:

DAAQAD: daaqaddu waxay guriga ugu fadhidaa qiimo aad u ballaadhan. Daaqaddu waxay dhismaha ugu jirtaa kaalin weyn, marka ay mugdi tahay, amma laydhku tego, Daaqadda waxa guriga ka soo gala nuur iyo iftiin. Sidoo kale Daaqadda ammintay kulayl tahay waxa guriga ka soo gala neecow iyo nayaayiro qabow, oo ruuxa qolka ku jira siisa nafis niyadeed iyo negaansho jidheed.

Haddaba, akhriste markaad Daaqad noqotid, waxad tahay mid bulshadiisa iftiin iyo aqooni uga timaaddo. Waxad tahay mid kaalin weyn kaga jira bulshadiisa oo anfac iyo waxtar u leh. Daaqad noqo, macnaheedu waa inaad noqoto mid bulshadiisa baanta markay bugto. Waa inaad noqoto mid neecow qabow ka soo gasho bulshada, waa inaad noqoto mid aragtidiisa lagu diirsado, agjoogiisana lagu dawoobo. Markaan sababta Daaqad loo noqonayo ogaanayay ayaan soo xasuustay in Abwaan Hadraawi hore Daaqad noqda innoo yidhi, markuu lahaa:

Marka haadu socod deyso Berri iyo siday doonto

Dhirta sare tuku fuulo Sug cad-ceeda maqan maaha

Gorayadu sanqadho reebto Saqda dhexe habeen soocan

Adna soonka xidho maaha Qudcur simay adduunkeenna

Mugdi talada sii maaha Wax siraata noqo weeyi

 

Haa, haddaba akhriste dhammaanteen aynu daaqad noqono! Haa daaqad noqo! Macnaheedu waa noqo mid iftiin, nuur, neecow iyo nayaayiro ka soo gasho bulshada. Taas oo ah noqo mid aqoon san, aragti suubban iyo waxtar qumman u leh bulshadiisa.

ISKAA-TUSA: {Muraayad} fikir iyo falanqayn kadib iyana waxa soo baxday in ay kaalin laxaad leh ku jirto Iskaa-tusadu. Markan uu qoraagu lahaa muraayad noqo; macnaheedu waa qof noqo soo celiya, oo warcelin amma weedh-celin ka bixiya waxa la gashado. Waayo muraayadu hadba waxay ku tustaa waxaad hordhigto. Adna waa inaanad noqon haan gun daloosha, balse noqo iskaa-tusa. Bulshadaadu waxay ku bareen iyo waxay kugu biiriyeen ha kaa soo noqdaan, oo bulshada mid falcelin wanaagsan u sameeya noqo. Waxan ogsoonahay Iskaa-tusadu inay ku tusto, hadba waxaad adigu tusto. Iskaa-tusa noqo macnaheedu waa ummaddu waxay ku tartay iyo aqoontii lagu soo baray intaad yarayd dib u gali bulshada.

Tusaale: Haddii aad arday tahay oo sannad dhan macallin wax ku soo barayay, oo casharro kuu soo dhigayay, kadib markuu sannadkii dhammaaday, ayuu macallinkii imtixaan kaa qaaday. Haddaba, haddaad imtixaankii derejo hoose keento, amma aad garan weydo, taas macnaheedu waa maad noqon Iskaa-tusa!! Haa maad noqon Iskaa-tusa!!

Waayo casharradii uu macallinku sannadka dhan ku soo barayay, maad soo celin! Waxanad ceeb iyo caaryaad u soo jiiday saddex; waalidkii, macallinkii iyo dugsigii aad dhiganaysay. Laakiin haddaad imtixaankii dhibco sare keentay ka warran, Haa muraayd baad noqotay!! Muraayad baat tahay! Haa muraayad baad noqotay!! Waayo waxad soo celisay wixii macallinku ku soo tabcay ee uu ku soo baray. Dhan kale haddaynu ka istaagno, muraayada waynu isku eegnaa.

Haa foolkeenna {Wajiga} iyo jidhkeenaynu ku eegnaa!! Haadaynu saxar iyo basaas isku aragno waynu feedhanaa amma maydhanaa, oo waynu is qurxinnaa! Haddaba, muraayad noqo, macnaheedu waa qaado amma samayso muraayad aad ku eegto aqoontaada, adduun-araggaaga, dad la dhaqankaaga, iyo waayo aragnimadaada nololeed heerkay taagan tahay. Haa muraayad noqo, waa ku eeg muraayad kaalinteed bulshada ugu jirtaa, hadday hoosaysana kordhi dedaalkaaga.

Waa muraayad ku eeg maskax maaxintaada, iyo garaad godlintaadu halkay taagantahay, sidaad wajigaaga iyo jidhkaaga ugu eegto aroortii muraayad!! Shaqsiyadaada muraayad ku eeg oo qurxi, aqoontaada muraayad ku eeg, oo kordhi!

Guntii: Haa, laba mid noqo! Daaqad iyo muraayad! Laakiin ha noqon mid saddexaad! Haa, bulshadaada u noqo Daaqad nuur, iftiin iyo neecow qabow uga soo gasho, amma Muraayad wixii la gashodo u soo celisa, laakiin ha noqon foosto gun daloosha!

HAA, NOQO LABA MID: DAAQAD IYO MURAAYAD!

W/Q. Cabdisalaan Axmed Muuse "Cagaf"

Email. Cagaf143@hotmail.com

Facebook. Cagaf Axmed Muuse

Hargeysa,. Somaliland

Allaa mahad leh.

No comments:

Post a Comment