SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso yaab leh: Baga ayay dhimatay ,haddii aan dhakhtar gayn lahaa, kharash badan ayaa iga bixi lahaa!


Dumarku inta badan Ragga waa ay ka xanuuno badan yihiin,taasina waxa keenayaa abuurka Ilahay uu marka horaba ku kala du'way iyo qaabka uu midkastaba u abuuray noloshiisa iyo hab dhaqan kiisa.


Nin bakhayla,"hadda maaha bakhaylkii aynu naqaanay,kani waaba gacantii go'dey" ,ayaa waxa in badan xanuun iyo dhibaato ka kici wayday xaaskii uu qabay; Maalinkasta oo Ilahay keenaba waxa ay ku tidhaahdaa,xaaji maad dhakhtar i gaysid xaalkaygu ma fiicnoo marba-marka kasii danbaysa waa uu kasoo darayaaye.

Ilahay SW Qofna si xun uma abuure,Xajiga isaga ah, waxaa ku adkaatay oo kaliya in uu huro dhaqalaha uu dhakhtarka ku gaynaayo xaaskiisa ,Tagsiga uu ku qaadaayo iyo dhamaan hawshaa uu galaayo lacagta ku baxaysa ayaa isaga agtiisa waxa ay ku noqotay"laaa-cadad walaa xisaab,"waxa uu iska dhaadhiciyay hadii aad gabadhan dhakhtargayso waad fakhriyaysaa .

Xajigu waxa uu gabadha markasta ku yidhaahdaa waad bogsan doontaa ee iska daa taaha faraha badan iyo tiica aad markasta ku celcelinayso;taasi oo uu ku daboolayo diidanaanta aanu ogolayn in ay marnaba dhakhtar geeyo .

Maalintii danbe ayaa Xaaski ama gabadhii waxaa ku timi Geeridii waanay dhimatay;markii gabadhi la aasay ee Qabriga la dhigay ,lagana soo dareeray xabasheedii ,ayaa Xaajigii isaga ahaa waxa uu yimi gurigisii ,oo ay markan gabadhii ka maqan tahay,ilayn waatan geeriyootay'e.

Markii uu gurigii soo galay ayaa uu fikiray,isaga fikirkiisa iyo wax iswaydiintiisu marnaba ma dhaafsana dhinaca dhaqaalaha iyo in uu la dagaalamo waxkasta oo uu isleeyahay lacag ayay ku waydiinayaan naftiisana ha ahaatee.

Ninkii isaga ahaa sidii uu Kursi gurigiisa yaalla ugu fadhiyay,maskaxdiisana uu la shawraayay,ayaa inta uu halmar kacay oo kor u booday,kadibna sacaba isku garaacay ayaa waxa uu ku dhawaaqay hadal ah""hadaaaaan dhakhtar geeyn lahaa,oo dhaqale aad u badan aan ku bixin lahaa,maanta ayuunbay dhiman lahayd,anigana dhaqalaha iyo lacagtu waa ay iga bixi-lahayd,Alxamdu-lilaahi in ay dhimatay iyada oo aanay lacagtaydii iga bixin.

Taasi oo kale lama yadhii bakhayl nimo waa gacantii go'day iyo nolol la'aan,haddii qofku ilaa xadkaa uu gaadho in uu shilimaadka yar ee uu haysto uu naftiisa iyo tan qoyskiisa midna uu u quudhi waayo waa mid sub'xanalaah.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment