SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso cajiib ah:Arooskii Geerida iyo nolosha u dhaxeeyay!!

Nabiyadu waxa ay dadka kaga duwan yihiin waxyaabo badan oo aynaan halkan kusoo koobi karayn.Waxa uu Ilahay u siiyay awood iyo karaamo ay ku arki karaan Mala'igta ,walibana la sheekaysan karaan.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa Nabiyulaahi Sulaymaan CS ,waxa uu damcay in uu tago ama uu booqdo xaflad Aroos oo ay lahayeen dad qarabadiisa ahi ,waxa uu u diyaar garoobay sidii uu xafladaasi u booqan lahaa.

Markuu usoo jahaystay safarkii booqashada Arooska, ayaa waxa jidka kula kulmay Malak ka mida Mala'ikta Ilahay ,kaasi oo ah Malkul Mawt; salaan iyo isbariidin ka bacdi,Malagii waxa uu Nabi Sulaymaan waydiiyay meesha uu maanta uu u socda,Nabi Sulaymaan-na waxa uu u sheegay in uu ku socdo booqashada Aroos ay qaraabo yihiin.

Halkii wax kale laga sugaayay ayaa malagii waxa uu yidhi "ma waxa aad u socotaa Arooska aan nafta hadda kasoo qaadaayo,ee la i amray in aan noloshooda soo gaba-gabeeyo"? Nabi Sulaymaan ayaa dib isu taagay,naxdin iyo murugo ayay ku noqotay fariinta Malagu u sheegay.

Nabigii CS ayaa inta uu isla shawray/tashaday, waxa uu iskula hadlay"maxaabad ka doonaysaa meel iyada oo lagu faraxsanaa ,hadana hal mar murugo isu badalaysa",kadibna waxa uu uu go,aansaday in uu iskaga joogo.

Subaxii danbe markii uu Waagii baryay ayuu Nabi Sulaymaan CS waxa uu booqday reerkii,isaga oo isle bal sida ay wax u dhaceen ka wardoon ,ilayn waxa uu ogaa iyada oo reerka uu Malakul Mawt kusoo maqan yahay'e.

Horaantiiba waxa uu la kulay,Abiihii dhalay inankii arooska ahaa.Abihii waxa uu Nabigii Sulaymaan CS uu waydiiyay sababta oo xalay xafladii uga baaqday iyo waxa uu i iman waayay ?Nabigii intii aanu su'aashii ka jawaabin,waxaa markiiba si mucjiso ah usoo istaagay Malakul Mawt;kadibna Nabigii ayaa Malakul Mawt waxa uu waydiiyay wixii dhacay?

Malakul Mawt waxa uu ku jawaabay,amarkii aahaa naf ka qaadista, aniga oo raba in aan fuliyo,ayaa Ilahay hadana i amray in aan soo laabto,taasina waxaa sabab u ahaa,kadib markii uu wiilkii arooska ahaa uu si fiican u sooryeeyay una soo dhaweeyay,walibana ka farxiyay Islaan(Duq) ah oo maskiinad ah, taasi arooskii ugu ducaysay in uu Ilahay cimrigooda raaji wax dhibaata ahna aanu tusin;waana mida baajisay in nafta laga qaado,farxadoodiina loo daayay.

Taasoo (ducadaasi) oo uu Maligii yidhi waxa ay noqotay mid Ilahay aqbalo,waana ta baajisay in aan nafta ksoo qaado.

Waxa aynu qisadan ka faa'idaysanaynaa isu naxariisashada iyo iska warhayntu in ay tahay mid wax badan inaga baajinaysa oo aynaan inagyu ka warhaynin .

Iftiinkacusub.com

W/Q:Khadar Aar

No comments:

Post a Comment