SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso yaab leh: Aniga iyo xaaskayguba waxa aanu nahay Argagaxiso.

Iftiinkacusub.com: Aduunka intaad ku nooshahay waxkasta oo kaa yaabiyaba waa ay kusoo marayaan, duniduna sideedaba waxa ay u eeg tahay sida giraangir hadba dhinac u wareegaysa,hadii maanta aad aragto sheeko iyo wax ku cajab galiya, ku talagal barina waxa aad arkaysaa hadii aad noo shahay waxkale oo kasii daran.

Xiliga dhalin-yaranimadu waa wax aad u layaab badan ,una baahan in waxbadan laga xasuusto ,hadii maanta qofkasta oo cimrigiisu waynaaday uu ka fikiro waxyabahii uu samayn jiray dhalin-yaranimadiisii ,waxa ay noqonayaan kuwo tacajab galiya.

Qofkastaa dhalinyara-nimo waa uu soo maray,balse hadana waxaa jira wax uu gaar ah oo xasuus tiisu ay ku dheer tahay ,waxaa hubaala in dadku aanay isku-si aanay usoo wada marin dabayshaasi dhalinyaranimadu,balse uu qofkastaba qaab gooniya kusoo qaabilay xiligaasi dahabiga ahaa.

Saxiibayaal sheekadan aan halkan idinku hayaa waa mid hadii aad u fiirsato dhinacya badan wax kaa tusaysa,waxa ay sheekadani ku dareen siinaysaa sida dhalinyarada qaar ka midii ay u fudayd sadeen guurka iyo milgihii uu lahaa ,amaba ay naftooda ugu biimeeyaan halisbadan oo aanay baritoole ka dabaalan karayn.

Ninka dhalinyarada ah ee sheekadani ku sal leedahay ,marka aad u fiirsato ficilada uu samaynaayo ,mar waad layabaysaa ,marna waad ku qoslaysaa marna waad u garabaysaa,hadana waxa aad i odhanaysaa malaha waxaa ka xoog waynaaday Jacaylka iyo fudaydka ay dhalinyaranimadu ay leedahay .

Aan idiin bilaabe sheekadani:-

Nin dhalinyaro ah ayaa waxa lagu xidhay saldhig Bolis oo ku yaala magaalo ku taalla dhulka Soomalida mid ka mida ,iyada oo markaasi loo xidhay danbi fudud oo uu markaasi galay ,waxa uu saldhiga boliska ku jiray muddo dhawr iyo doban casho ah,walina wax maxkamada lama gayn.

Wakhtigii uu saldhiga ku xidhnaa ayaa waxa iyana jirtay gabadh dhalin-yaro ah oo iyana ka mid ahayd dadka saldhiga ku xidhan ,maadama uu saldhigu leeyahay meel barxad ah oo mararka qaar maxabiista losoo hawo saaro, waxaa ay isbarteen gabadhii iyada ahayd kadibna waxa ay yeesheen sheeko wadaag haasaawe.

Wakhtiyada ay labadooduba ku xidhan yihiin qolalkoodana waxa ay adeeg san jireen waraqaha oo ay u kala qaadi jireen askarta ka hawl gasha saldhiga boliska,kuwaasi oo si fiican ay usu barteen labadan eedaysane ee saldhiga ku xidhan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa labadii maxbuus ,wiilkii iyo gabadhi waxa ay wakhti aan sidaasi u badnayn ay ku kulmeen xafiiska danbi-baadhaha oo midkastaba ugu yeedhay in wax laga qoro.

Markii uu askarigii danbi badhaha ahaa uu ka dhamaystay midkastaba wixii uu uga baahnaa,ayaa waxa ay si wada jira uga codsadeen in uu u ogolaadu in wakhtiyar oo kooban ay wax iswadiyeen ee aan markaba la xarayn,taasi oo uu askarigiina ka ogolaaday madamaa uu in badan sheekadooda la socday.

Iyaga oo ka faa’idaysanaya wakhtiga yar ee ay haystaan ayaa waxa ay ka wada hadleen waxna iska wadiyeen sidii ay ku suura gali lahayd in ay iyaga oo xidhan(maxaabisa) ay usu guursan lahayeen ,arintaasi oo ay dhinacyo badan ka eegeen aakhirkii waxa ay isla go’aansadeen in ay iskuur sadaan inta ay xadhiga ku jiraan.

Arintan guurka ee labadan dhalin-yarada ah, waxa ay noqtay mid saldhiga boliska ka caan ah,waxaa arintii si fiican uga warhelay dhamaan askartii waxa kaloo isaguna arintan iyo sida ay u socoto lagu wargaliyay taliyahii saldhiga.

Wiilkii dhalinyarada ahaa iyo gabadhii waxa ay maalin maalmaha ka mid ah askartii ka codsadeen in loogu yeedho taliyaha saldhiga ,si ay ugu waaya sheegtaan,taasi oo ay askartiina ka aqbashay .

Taliyihii saldhiga ayaa waxa uu ka codsaday in labadoodaba qolalka ay ku jiraan laga soo saaro xafiiskiisana loogu keeno,kadibna wada sheekaysi iyo isfahamkii dhexmaray waxa ay go’aansadeen in ay inta ay xidhan yihiin isguursadaan ,taasi oo uu taliyahuna ka aqbalay balanna uu ku qaaday in uu gacan kasiin doono.

Taliyahii saldhigu waxa uu ka cawiyay in labada dhalin-yarada ahaa iyaga oo xidhan ay is meher sadaan,waxa uu gacan ka gaystay sidii hawshaa loo fudaydin lahaa,waxa kaloo iyaguna kaalin laxaadle ka qaatay hawshaasi askartii kale ee saldhiga joogtay.

Sheekadii waxa ay ku gaba-gabaydaw in Wiilkii iyo Gabadhii ay noqdaan kuwo iyaga oo xidhan laysu meheriyo,taasi waxa ay keentay in wiilkii iyo gabadhiiba ay ku niyad samadaan sida fiican ee ay arintu ugu dhacday.

Qaybtii kale ee sheekada:-

Akhristaw labadan dhalinyaro ee saldhiga gudahiisa jacaylku ku dhexmaray kadibna is guursaday, midina kan-kale war kama hayo aqoona uma-laha xaladahiisa gaarka ah iyo tiisa guud ,hadii ay iswaraysteen oo midkastaaba kan kale uu waydiiyay waxa lagu soo xidhayna ,midkastaba waxa uu sheegtay sidada cadada u ah dadka oo dhan marka la xidho in laga gardaran yahay .

Waa run oo waa lagaa gardaran yahay ayaa midkastaba uu kii kale ku yidhi,taasna waxaa sababaya xaalada iyo marxalada ay ku jiraan oo u baahan in niyada iyo qalbiga la isu qaboojiyo si farxad loogu wada noolaado inta xabsiga lagu jiro.

Hadaba maalin maalmaha ka mida ayaa waxa qolkii uu ku xidhnaa looga yeedhay wiilkii dhalinyarada ahaa waxana loo sheegay in maanta la gayndoono maxkamada si eedaymahii loo haystay loogu cadeeyo ,kadibna haduu danbiile noqdana xukun sharciya loogu rido hadii waxba lagu waayayana xoriyadiisa loosoo celiyo.

Markii fariintaasi loo sheegay runtii muu jeclaysan,waayo maba rabo in uu gacaladiisa ka ag-fogaado ,balse hadana waxa uu askarigii ka codsaday in loo ogolaado inta aan maxkamada loo qaadin in uu la kulmo gacaladisii,si ay wax isugu ogadeen una sheego in maanta maxkamad loo qaadaayo.

Markii loo ogolaaday in uu la hadla gabadhii uu jeclaa, ayaa waxa uu gabadhi u sheegay in uu maxkamada maanta la sarayo isaga oo ka codsaday in ay usoo ducayso,waxa kaloo u sheegay in uu jeclaan lahaa in aan saldhigan laga kaxayn amma lagu soo celiyo.

Waxyabaha aadka u layaabka badnaa ayaa waxa ay ahayeen,in gabadhii ay xajigeedii markii ay la dardaarmaysay ay tidhi,Ilahay ayaan kuu baryayaa waxkastana waa ay inoo fiicnanayaan isha Allah waxa aynu ku kulmi-doonaa Jeelka wayn!!

Runtii markii ay eraygaasi tidhi ninkii dhalinyarada ahaa waxba kamuu soo qaadin umanuu fiirsan waxa ay uga jeedo jeelka wayn,waayo isaga laftiisa ayaa waxa ka mid ahaa hadaladiisii ,waxaan jeclaan lahaa in aan halkan(saldhigan) kusoo noqdo .

Ninkan dhalinyarada ahi intii hore ee aanu gabadhan isbaran waxa uu mar walba ku doodi jiray in danbigan lagu soo xidhay aanu galin ,masuulna ka ahayn,balse hada waxa aad mooda in uu sii jeclaysanaayo xadhiga iyo ku jiritaanka saldhiga.

Qaybtii labaad:

Ninkii dhalinyarada waxa la saaray babuurki u qadayay maxkamada,intii uu baabuurku lasii socday ayaa waxa uu ku tashaday in maxkamada marka la saaro ee la waydiiyo danbigan in uu galay iyo inkale in uu ku jawaabo "haaaaaaa" tasoo uu uga jeedo caqligiisa in uu marlabaad kusoo noqdo saldhiga ,si uu ula kulmo agteedana aanu uga fogaan gabadhan uu guursaday .

Waxaa ninkii dhallin yarada ahaa la geeyay maxkamadii ,waxana la guda galay gal- dacwadeed kiisii ,waxaa maxkamada fadhiya goob joog ka ah waalidkii dhalay ,dood iyo dood celin waxa uu xaakinkii garawsaday in ninkan dhalinyarada ahi aanu wax danbiya aanu galain ,kadibna waxa uu ku dhawaaqay in xabsiga laga siidaayo.

Waakan isaga oo arintii inooga waramayaa:-

Markii uu xaakinku uu ku dhawaqay siidayntayda ayaa waxa aan idhi anoo kor u qaylinaaya ,xaakin dabigan aniga ayaa galay ,waanan qirsanahay ,xaakin xaq uma lihid in aad iga cafido danbi aan galay ,danbiile ayaan ahay,danbiile ayaan ahay .

Xaakintii iyo dadkii maxkamada joogay oo ay ka midyihiin waalidkay ayaa ila yaabay,waxaa markaliya ay dadkii wada yidhaah-deen malaha ninkani caadi maaha iyo waa la falay iwm, balse war kama hayaan sababta igu kalifaysaa arintaasi.

Xaakinkii waxa uu iigu jawabay,maan ku fahmin ,miyaad walan tahay,wax danbiya oo aad gashay ma jiraan,waanu helnay cidii danbiga gashay ,kac oo ka bax maxkamada oo raac waalidkaa .

Intaas markii uu xaakimkii i yidhi ,ayaa waxa markiiba igusoo booday waalidkay kadibna waxa ay i qabteen gacanta iyaga oo ileh maxaa kugu dhacay ma xabsiga intii aad ku xidhnayd ayaa wax kaa si noqdeen ina keen.

Runtii hadii aan idiinka sheekeeyo waxa kaliya ee arintaasi igu kalifaayay waxa ay ahayeen jacaylkii aan u qabay gabadhii aan saldhiga boliska ku mehersaday oo iyadu wali ku xidhan saldhigii boliska ee aan kaga imi,taas awadeed ayaa waxa aan go’aan saday in anaan kaligeed xabsiga kaga tagin.

Saxiibayaal si kastaba ha noqotee ninkii dhalinyarada ahaa waxa uu soo raacay walidkii,,kadibna waxa ay yimadeen gurigoodii,sida aynu ka warqabno waalidku kama warhayo in inankoodani uu xabsiga gudahiisa gabadh kusoo nikaaxsaday.

Ninkii dhalinyarada ahaa joogitaankii gurigu wakhti badanba kumuu qaadan ,waxa markiiba usoo anbabaxay dhankii iyo saldhigii booliska ee uu ku xidhnaa gacaladiisina ay wali ku xidhan tahay.

Markii uu afaafkii saldhiga uu yimi ayaa waxa ay markiiba salaan iyo waji furnaan isku qabilkeen askartii madamaa ay si fiican isu yaqanaan,waxanay ku boogadiyeen in ay ku farax sanyihiin siidayntiisa.

Intaasi ka bacdi waxa uu ka codsaday in ay usii dayaan si uu usoo arko gacaladiisii,balse askartii arintaasi waa ay ka diideen waxanay u sheegeen in ay qabaan amar odhanaaya in aan gabadhaasi cidna la tusin cidina aanay arkin kiiskeeda oo adkaaday awadii.

Waakan isaga oo inagooga warama:

Markii aan ka quustay in ay isii dayaan ayaan waxa aan go’aan saday in aan halkan aan taganahay danbi ku galo si markaba la ii xidho,kadibna aan ula kulmo gacaladaydii sheekaduna ay halkii nooga bilaabanto, waayo waxa aad moodaba in saldhigu uu ii noqday gurigaygii oo kale.

Waxa aan sameeyay amardiido,waxa aan hatigaad iyo cay u gaystay askartii ,kadibna waa ay ii diiri wayeen,dhagba jalaq iimay siin ,qaar ka mida ayaan laad iyo feedh la dhacay ,balse waxa ay ahayeen niman dulqaad badan ,waxanay ogayeen xaalkayga hore ,tasaa waxa ay sababtay in aanay marnaba gacan ii qaadin amma aanay i xidhin.

Markii arinku halkaasi maraayay ayaa waxa aan go,aansaday si aan danbiile buuxa u noqdo la’iina xidho in aan askarta qaar ka mida dhaawacyo u gaysto ,taasi oo aan sameeyay markii aan loox agtayda yaala ku dhuftay nin askari ah ,kadibna sidii aan ka fikirayay gudaha laygu tuuray.

Nasiib xumo ,waxaa markiiba i arkay taliyahii saldhiga oo aanu hore isu baranay saxiibna aanu ahayn, taliyahii ayaa yaabay oo yidhi waar maxaa dhacay miyaanu ninkani ahayn hebel ? waxa lagu yidhi mayee waa isagii .

Taliyahii inta uu qoslay ayaa waxa uu igu yidhi ,adeer anagu ku xidhi maayo,danbiyada aad hada gashayna waanu kaa saamaxaynaa,gabadhiina lama kulmi kartid oo kiiskeedii ayaa sii adkaaday markaa ka bax halkan ,hadaad doonayso in aad danbi gasho oo lagu xidho orod oo tag saldhig-yada boolosku way badan yihiine midkale .

Waxa layga soo tukhaan tukhiyay albaabkii saldhiga sidii wax waalan ,waxa aad mooda wakhtigaasi in aan u arkayay in gurigaygii oo kale layga saarayo, balse hadana waa aan isdajiyay waxanan ka fikiray wixii kale ee aan samayn doono.

Warwarkii iyo walaaci waxa aan imi gurigii abahay iyo hooyaday ,balse aniga waalidkay wali xaalkayga war kama hayaan ,sidii kale gabadha lafteeda cid war ka haysaa ma jirto aan ahayn askartii Boliska ee hawsha nikaaxa noo fududaysay .

Habeenkaasi waxa uu ii ahaa ,habeen soo jeed,waxa uu ii ahaa habeen baas oo aan hurdo ladiwaayay,waxa igu fogaaday waabarigii, waxa i daashaday soo jeed iyo kacaa fadhiisi ,waxaa isoo foodsaray culaysyo anan hore u lahaan jirin.

Waxaa baryay waagii ,kadibna aniga oo aan quracan ayaan waxa aan ka jarmaaday gurigii ,meelkale ilayn ma aqaane waxa aan toos u abaaray saldhigii jacaylkaygu ku xidhnayd ,waxa aan xaalka gabadhii ka waraystay askartii albaabka taagnayd qaar ka mid ah, aniga oo waydiinaya gabadhadii iyo xaalkeeda.

Askarta badan koodii waa ay iga amuseen balse askarta nin ka mida ayaa waxa uu dhagta ii saaray in gabadhii ay xalay la baxeen qolyaha danbi baadhista isla markana aanay garanayn ilaa hada meel ay geyeen iyo xaalka ay ku sugan tahay,waxa kaloo uu ii sheegay in gabadhaasi xaalkeedu adag yahay .

Markii arinkaasi la ii sheegay warwar iyo walaac ayaa maskaxdaydii la degay,waxa aan iswadiiyay wax badan, waxa aan garan waayay meel aan ka raadiyo, dhankasta waan u cararay qofkasta oo meel maraya waxa aan waydiiya in ay ii sheegaan halka ay ku taalo xarunta danbi baadhistu ,balse qofkasta marka aan arintaasi waydiiyo waabu iga acuudu-bilaysanaayay.

Xaalkaygu waxa uu marayaa isku-buuq iyo bariga dhexe ,wax aan sameeyo ayaan garan waayay ,nasiib wanaag waxa aan helay nin askari ah oo aan saldhiga ku bartay,kadibna waxa aan waydiiyay in uu ii sheego halka ay ku taalo xarunta danbi baadhistu waanu ii tilmaamay.

Orod ayaan isa-siidaayay , waxa aad moodaa babuurkasta in aan anigu ka dheeraynaayo,waxa aan afaafkeeda istaagay xaruntii,waa meel aad u dhib badan ,in aad gasho iskaadaaye xaata in aad agteeda marto ayaaba danbi ah.

Nasiib wanaag waxa aan fadhiistay oo aan koob shaaha ka dalbaday makhaayad yar oo ay hablo haystaan,taasi oo shaqalaha xaruntina ay ka qaxweeyaan, waxa kaloo markaasi aan si fiican u arkayaa oo ii muuqda xaruntii danbi baadhista ,tasoo aan u jeedo cidkasta oo galaysa iyo cida kasoo baxaysa.

Markii aan cabaar halkii fadhiyay ,indhahuna igu daaleen eegmada albaabka xarunta iyo dhaqdhaqaaqa ka socda,ayaa waxaa markaliya ay idhahaygu qabteen qof dumar ah oo aan laga garan gacalisadaydii.

Waa gabadh labada lugood iyo labada gacmoodba katiinad lagaga jabiyay ,waxa dhinackasta ka taagan oo Qoryaha laa-laadinaaya askar duubcas ah ,aniga oo aan is ogayn ayaan inta aan kacay waxa aan u dhaqaaqay dhankeedii.

Markii ay i aragtay isha-na igu dhufatay ,ayaa waxa ay igu tidhi "xabiibi xagheed ka dhacday waan ku waayee",intii anaan hadal u celin ,ayaa ninkii danbi baadhaha ahaa ee kiiskeeda waday, ayaa waxa uu amar ku siiyay askartii in la i qabto, madamaa aan gabadhan isba garanayno.

Markiiba waa la i qabtay oo sida haad-ka ayaa la’ila duulay ,waxaana si argagaxle la iigu xareeyay isla xaruntii danbi baadhista ,nasiib darro gadhigii lagu siday gabadha markiiba meeshii ayuu ka dhaqaaqay waxaana loo qaaday dhinacii maxkamada .

Markii gabadhii maxkamadii la geeyay,kiiskediina la guda galay ,ayaa waxa lagu soo eedeeyay in ay ka mid tahay waxan ay ugu yeedheen Argagaxisada,waxa kaloo layaableh in ay maxkamada ka sheegtay in aan aniguna kula jiro arintaasi ,kadibna waxa gabadhii lagu xukumay 10 toban sano oo xadhig ah ,waxaana loo dhaadhiciyay Jeelka wayn.

Anigu sida aan idiin sheegay waxa aan ku xidhanahay xarunta danbi baadhista,ee xaskayga laga kaxeeyay, markii aan maalin ku jiray, ayaa waxa ii yimi, waalidkay oo isoo raadiyay,waxa ay ii sheegeen in gabadh loo haysto danbi argagaxiso ay aniga igu been abuuratay ,sidaa awadeedna aan u xidhanahay arintaasi ,waxaa kaloo ay waalidlkay ii sheegeen in gabadhii lagu xukumay xadhig dhan 10 sano.

Balse waxyabahaasi ay waalidkay iiga sheekaynayaan aniga maaha kuwo igu socda ,mana aha kuwo i damqaaya,waxaan waxkasta ka jeclaan lahaa in anu meel ku wada xidhnaano, hadiiba ay noloshaydu tahay xadhig.

Akhrista layaab amma ha layaabin,waxa aan anigu go’aan saday in aan aniga laftaydu danbigaa ay igu sheegtay aan qiraal ka noqdo cadaystana in aan ka mid ahaa waxyabahaasi ay iga sheegtay si aan 10 sano oo xadhiga agteeda ugula noolaado.

Waxaa ii yimi maalin maalmaha ka mida ,ninkii danbi badhaha ahaa,waxa uu i waydiiyay, danbigan ay gabadhaydu igu sheegtay waxa aan ka ogahay,waxa aan ku idhi aniga iyo xaskaygu isku kiis ayaanu nahay,waxkasta oo ay idiin sheegtayna waa sida ay idiinku sheegtay, waxa aan sheegtay waxkasta oo aan isleeyahay waxa aad ku mudanaysaa xadhig 10 sano gaadhaya, si aan gacalisadaydii Jeelka ugu wada kulano,oo aanaan ayaamana ku kala danbaynin.

Sharcigu gaal iyo Islaamba waxa uu dhigayaa ,hadii uu qofku miyir qabo ,uu cadaynso danbi loo haysto in uu isagu galay ,in aan loo raadinayn wax marekhaatiya, taasi awadeed ayaa markii maxkamada la i geeyay ,isla markaana danbigii xaaskaygi iigu yaboohday aan qirtay,inkaar qabooyin waxa ay igu xukumeen xadhig ka yar ii xaaskayga lagu xukumay ee dhamaa 10 sano; anigana xadhigaygii waxa ay ka dhigeen 8 sideed sano ,balse maan jeclaysan in xadhigii 10 sano ahaa ee xaaskayga lagu xukumay in labo sano layga jaro, raali kamaan ahayn,wanan ka xumaaday,waayo xabsiga ayaanu ku kala danbaynaynaa.

Waxba yaan hadal idunku daalin saxibayaal ,markii ay maxkamadu ay ku dhawaaqday xadhigayga, ayaa waxa kaloo ay maxkamadu raacisay in aniga la igu xidhi doono, xabsi ku yaala magaalo kale oo aan ahayn xabsigii ay ku xidhnayd xaaskaygu.

Markii aan arintaasi maqlay waan miyir doorsoomay, halkii ayaan ku dhacay, kadibna waxa aan kusoo miiraabay ama soo baraarugay iyada oo aan dhex jiifo qol yar oo ku yaala jeelka gudahiisa ,jeelkaasi oo ku yaala magaalo xeeb ah sida markaba jawiga iiga muuqatay.

Waxa aan jeclan lahaa in aniga iyo xaaskayga nalagu wada xidho hal Jeel,isla markana nalagu wada xukumo 10 sano,inta aanu jeelka ku jirnana aanu is weheshano,balse markan niyad jab wayn ayaa igu dhacay,waxa nala kala geeyay laba magaalo,waxa nalagu kala xukumay 8 sano oo aniga ah iyo 10 sano oo iyada ah.

Waxaa igu dhacday nasib darro wayn ,waxa aan wayay gabadhii aan jeclaa,waxa aan wayay dhamaan noloshaydii oo dhan,waxa aan qoorta la galay oo aan ku been abuurtay naftaydii kadib markii aan dusha iska saaray danbi aanan galin,balse hadana iyada oo ay caynkaasi tahay wali jacaykii gabadho igama bi’in.

Markii aan jeelka ku jiray ayaamo ayaa waxa markiiba iga daba yimi waalidkii i dhalay oo yaaban,walidkay waxa ay ka yaaban yihiin danbigan ay arkaan in anan galin hadana aan qirtay,waxa kaloo ay hore u ogaayeen in aan tamaniyi jiray in aan ku xidhnaado xiligii aan saldhiga booliska kasoo baxay.

Waalidkay oo waraysi ila yeeshay ayaa waxa aan markan u sheegay runta iyo wixii igu kalifay arimahan oo dhan,waalidkay waa ay la yabeen waanay garawsan wayeen sidan aan hawsha u maamulay.

Waxbadan ayay waalidkay markii aan arintan u sheegay ay tacab u galeen sidii ay isoo dayn lahayeen,waxa ay dhaqaale aad u farabadan ku bixiyeen soo dayn-tayda waxa ay adeeg-sadeen Looyaro balse meelkasta oo ay tagaan waxa hortagan oo dhinacna ay ka dhaafi wayeen qiraalkaygii danbiga.

Markii aan jeelkii ku jiray muddo lagu qiyaasi karo hal Bil ,isla markana aanu si fiican isu-baranay askartii Jeelka ku shaqada lahayd , ayaa waxa aan ka codsaday in ay na xidhiidhiyaan aniga iyo xaaskaygii oo ku xidhnayd gobol kale waraqahana ay noo kala gudbiyaan,taasi oo ay iga ogoladeen.

Nasiib wanaag aniga iyo xaaskaygii waxa aanu in badan ka wada hadalnay khadka talafoonka ,waxa layaab ku noqotay gabadhii markii aan uga sheekeyay sababta la isoo xidhay ,balse waxa ay ii sheegtay in ay ku faraxsan tahay in laysoo xidho balse ay ka xun tahay in laygeeyo xabsi ka gadisan kan ay ku jirto iyo in lagu xukumo xadhig ka yar keeda oo 8 sano ah.

Labadayaduba waanu isla wafaqsanay in aanu jeclaan lahayn in aanu isugu nimaadno hal xabsi oo qodha iyo xadhig sanadahiisu isku mid yihiin ,balse xaalku sidaasi ayuu u dhacay,muddo aad u badan ayaanu sidaasi ku wada xidhiidhaynay.

Akhristayaal wiilkii dhalinyarada ahaa waxa uu jeelka kasoo laacay muddo dhan 8 sideed sanadood ,xaaskisiina waxa ay jeelka kasoo laaxday wakhti dhan 10 toban sanno kadibna markii ay labaduba dibada usoo baxeen ayaa nasiib ay is guursadeen.

Ninka dhalinyarada ahi waxa uu Jeelka galay isaga oo 23 sano jiray waxaanu kasoo baxay isaga oo 31 sano jira,gabadhuna sidoo kale waxa ay xabsiga gashay iyada oo 20 sano jirtay waxanay soo baxday iyada oo 30 sodon sano jirta.

Waxaa halkaasi inoogu soo dhamaatay sheekadii layaabka lahayd .

Iftiinkacusub.com

W/Q :khadar Ibrahim Aar


 

No comments:

Post a Comment