SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waligaa miyaad maqashay, Quraan Fatuma Bintu-saruul Ilahay SW kusoo dejiyay?

SCWW ,Salaanta islaamka ke dib.Ujeedada qoraalada taxanaha ahaa ee aan soo billownay waa keliya in aan in yar uga iftiimino bulshada Sunnida (ahlusunnada)Soom Salaanta islaamka ke dib,

Ujeedada qoraalada taxanaha ahaa ee aan soo billownay waa keliya in aan in yar uga iftiimino bulshada Sunnida (ahlusunnada)Soomaaliyeed ama uga digno inta aan ka ognahay shiicada raafidada iyo halisteeda jahawareerka leh ee ay mustaqbalka ku dhex yeelan karto ummada soomaaliyeed iyo in ay Soomaalida Sunnida ah ogaadaan,bartaan,iska ilaaliyaan,kana hortgaan cadowgooda shiicada raafida iyo duulaanka diimeed ee fidnada –fasahaada - qaska ku hoos qarsoon ee ay ku soo qaaday bulshada Soomaalida.

FG – mid ogaada shiicada ka hor bur-burkii dagaaladii sokeeye wey ka jiri jirtay Soomaaliya …….oo masjidyo la yaqaano ayey ku lahaayeen magaalooshin ka mid ah dalka, hadda na sidoodii weli uga taagan yihiin, bal se xilligaasi dad badan oo Soomaali ahi way ka dhege xirnaayeen shiico iyo waxay tahay………

DUULAANKA DIIMEED SHIICADA RAAFIDADA IIRAAN IYO SOOMAALIDA SUNNIDA AH-Qeybtii 3-aad:

Waad aragteen ama ka daawateen (fogaal aragga-yada – Teleefishinada ) muuqaalo Shiicada (raafidada) oo dhan salaadooda wey ka gedisan tahay qaabka tukashada Sunnida (ahlusunnada ), iyaga waxay is hor dhigaan kuna sujuudaan dhagax yar (dhagaxana laga soo qaadaa keliya ama laga keenaa magaalada Karbala ee wadanka Ciraaq ).

Waxay na rumeysan yihiin shiicada raafidada in dhulka oo dhan uu nijaas yahay,sababna uga dhigeen waxaa ku dul daatay dhiiggii imaam Xuseen,taas ayaa na sabab u ah in ay dhagaxa yar kor dhigaan dhulka ama meesha ay wejiga (saaraan)saarayaan xilliga ay shiicada salaadda tukanayaan……..

(Halkan waxaa ku cad oo noo muuqato khilaafkooda diimeed Shiicada raafidada ay uga soo horjeedaan Kutubka Quraanka kariimka ah…

Innaga muslimiinta Sunnida (ahlusunnada) ama ba aan dhaho(muslimiinta aduunka )dhulka oo idil waa i noo DAAHIR – NADIIF.Waxayna ka mid tahay Shanta arimood ee Rasuulkeena suubanaa Nabi Maxamed -NNKH iyo ummaddiisa Eebe oogu fadli yeelay)

Shiicada raafidada rumeysan yihiin in uu Kitaabka Illaahay Quraanka kariimka ah uu san aheyn kutub sax ah ama mid aan dhameys tirneyn.waxayna heystaan qeyb ka mid ah shiicada raafidada buug ay iyaga qorteen lagu na magacaabo MUSXAF FAADIMA - مصحف فاطمة.macnaha ereyga MUSXAF waa – Quraan – Quraanka (magac ka mid ah magacyada guud loo yaqaan kutubka quraanka kariimka ah).quraafaad ay la yimaadeen oo ay iyaga qoreenna u bixiyeen Quraan-kii Faatima…..


(Maxay tahay sababta ugu bixiyeen MUSXAF faaadima?

Shiicada aaminsan yihiin Illaahay ayaa aayaadkiisa Musxaf -ka ah (quraanka ) ku soo dul dejiyey faatima.Faadima ma rasuul (nabi) bay aheyd?..............waa dhaqan qaloocan shiicada la timid,oo aan sal iyo raad toona ku laheyn diinta islaamka…. saas awgeed shiicada raafidada muslimiin gaar ah oo kitaab kale heysto ayey iska dhigeen…......mana rabaan in ay wanaaga diinta islaamka la wadaagaan Sunnida (ahlusunnada),kana soo horjeesteen Quraanka xaqa ah ee uu Eebe noogu hibeeyey…iyo wadadii saxda aheyd…Tan xigto naftooda ayey u been sheegayaan…………shacabka shiicada ay hor kacaan na jahawareer ku hayayaan…)

 

Sidoo kale Shiicada Iiraan (raafidada) diinta ay heystaan waxaa ka mid ah qeyb la dhaho AL-TUQYA..... ( ereyga fasirkiisa waa - waxay la kulmeen ) oo ah siyaasadeyn,qiyaamid,u dhoola caddeeya, u muujiya qalbi furnaan muslimiinta Sunnida ( ahlusunnada) haddii aad aragtaan - la kulantaan, isla markaana mindiyaha galalka ka baxsada oo hoosta ka jar-jara,hana u naxariisa nina Sunnida waa cadoowgii na koowaad aad leedihiin.

GOBOLKA AL–AXWAAS EE SUNNIDA IIRAAN:

Iiraan waxaa ku yaal gobol ay ku nool yihiin - degaan shacab muslimiin Sunni ah, Asal ahaan na ku abtirsado Carab,laguna magacaabo Al axwaas ( Al - ahwaz ).

Shiicada na waxay ku heysaa shackabka Sunnida gumeysi aad xun iyo dagaal joogto ah, waxayna gumaadeen qiyaastii % 55 Sunnidii ku nooleeyd gobolka Al-axwaas,waa sida ay cadeeyeen rag muslimiin Sunni ah oo u dooda xuquuqda shacabka Sunnida (Iiraan ) ama gobolka Al-axwaas iyo weliba hay’adaha gaalada, wadamada reer galbeedka na dawladda Iiraan ku eedeeyeen in ay joojiso xasuuqa ay ku hayaan shacabka Sunnida ah.

Dhamaan hogaamiyeyaashii,imaamadii masjidyada Sunnida ee ka soo horjeesatay siyaasdda gurracan gumeysiga Iiraan na siday u badan yihiin inta la soo qab-qabtay ayaa la wada del-delay,kuwo kalena waxay ka dhigeen in ay xir-xiraan xabsiyada na loo taxaabay.

Deegaanadii Sunnida soo dejiyeen ciidamo askar kala duwan iyo shacab shiico ah oo gobolo kale laga soo daadgureeyey,loogu na talagalay in ay ciribtiraan,caburiyaan madaxa na kaga taagnaadaan Sunnida.Guryihii - goofafkii – beerihii - ceelashii biyaha iyo xoolihii kale ay lahaayeen na dawladda Iiraan ayaa la wareegtay,qaar na abaal marin ahaan loo gudoonsiiyey dad shiico ah oo gumaaday muslimiintii Sunnida Al-axwaas.

Wadanka shiicada Iiraan waxaa ka dhisan kana taagan saro waaweyn kaniisado (Synagoge) Yuhuud leedahay,kaniisado (Churches) Kirishtaan ah iyo Temples Hindi ah.Shacabka qura ee aan loo ogoleyn Iiraan gudaheeda in ay masjidyo ka dhistaan waa ummada Sunnida (ahlusunnaha) ah ee ku nool dalka Iiraan……

TALO JEEDIN:

Gebe-gebadii – dhamaanteen waxaa nala gudboon waa hadii aan nahay shacabka Sunnida Soomaaliyeed oo danteen na guud ku jirtaa si aan uga bedbaadno mustaqbalka fidnada shiicada raafida…………

In aan ka hor tagno,iska ilaalinayo,irdaha guryaheena furan ka xirano fidnada iyo fasahaada duulaanka diimeed shiicada raafidada iyo shiiceynta ka socoto Soomaaliya.

In geyiga Soomaaliya laga saaro hay’adaha NGO-yada shiicada raafidada ee ku shaqada leh faafinta madhabka shiicada raafidada...

In uu shacbaka Soomaaliyeed mar naba wax qabad ka sugin kuna haleynin horboodayaasha gablamay iyo dawladda Soomaaliya,oo aad idinka is xil saartaan waajibkii nana ka soo baxdaan...

In aad ku faafisaan (website-yadiina) baraha wargeysyada qoraalo ka soo horjeeda ama muujinayo fidnada shiicada raafida u keeeni kari karto ummada soomaaliyeed.

In aad caruurtiina uga digtaan,bartaan shiicada raafida iyo qatarta jahawareerka diimeed ay keeneyso iyo dulliga ku hoos duugan.

In aad iftiimisaan isna gaarsiisaan dhexdiina halista ay leedahay gargaar Muslim walaal ku sheegga NGO-yada dawladda shiicada Iiraan ay ugu soo hoos gabayneyso shacabka Soomaalida.

Ugu danbeyntii Soomaaliyeey....waa baahanahay - baqti looma cunee…waa in aan tashanaa…oo aan is daba qabanaa.

Eebe ayaa kaligiis weyn oo waaxid ah,isaga ayaan ka magan galay shiico iyo sharteeda.

AFEEF: Haddii aad qormada ku aragtaan qalad aanan ugu tala gelin oo naga hoos baxa, waad nala soo xiriiri kartaan,diyaar ayaan u nahay in aan si deg-deg ah dib isu saxno –mahadsanidin.

ss.yoonis.515@hotmail.com.



No comments:

Post a Comment