SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Habka Gudashada Xajka Iyo Cumrada Oo Kooban

Habka Gudashada Xajka Iyo Cumrada Oo Kooban
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ

الْحَجُّ أَشْهُرٌ مَّعْلُومَاتٌ فَمَن فَرَضَ فِيهِنَّ الْحَجَّ فَلاَ رَفَثَ وَلاَ فُسُوقَ وَلاَ جِدَالَ فِي الْحَجِّ وَمَا تَفْعَلُواْ مِنْ خَيْرٍ يَعْلَمْهُ اللَّهُ وَتَزَوَّدُواْ فَإِنَّ خَيْرَ الزَّادِ التَّقْوَى وَاتَّقُونِ يَا أُولِي الأَلْبَابِ

البقرة (197)


HABKA GUDASHADA XAJKA & CUMRADA OO KOOBAN

CUMRADA 1-markaad gaarto meesha lagaxirto qubeyso oo isbarfuumey, labiso go’yada cumarada lagu guto, tuko salaadda waajibka haddey kugu haleesho goobta laga xirto cumarada, dabadeed Qiblada u jeedso, waxaad tiraahdaa adigoo kor u qaadaya:-
(لبّيك اللهم عمرة )


Cumradu malaha salaad ugaar ah oo lagu tukado goobta laga xirto, waxaa sunno ah, qofkuu miiqaadkiisu (1) DAL-XULEYFA yahay inuu labo rakco ku tukado maxaa yeelay waa waadi barakeysan oo uu Rasuulku (s.c.w) ku tukaday. Talbiyada wad adiga codkaaga kor u qaadaya oo oranaya :-
(لبّيك اللهمّ لبّيك لبّيك لا

شريك لك لبّيك، إن لا الحمد والنّعمة لك والملك، لا شريك لك)


Iska ilaali dambiga, doodda, barfuumka, ugaarashada (ciddoodka) berriga, xirashada koofiyo bireed, cimaamad & dhar tolan wax madaxa si toos ah u daboolaya.

Waxaa kuu bannaan inaad suun ku xirato hoos-guntiga, saacad, faraanti,muraayadaha indhaha & kabo dacas inaad xirato & boorsada lacagta in aad luqunta surato.

Waxaa u bannaan qofka xirtay cumro inuu ku harsado dallad ama teendho & inuu madaxa xoqdo, haddii tin ay kaga go’do xoqidda wax dhib ah malaha.

Haweeneyda inta uu ninku ku sameeyo acmaasha xajka ayey samayneysaa, laakiin dharkeeda caadiga waxba ka badali mayso, wajigana madaboolayso,

2-haddaad gaarto Xaramka MAKKA ee aad aragto guryaha MAKKA jooji. Talbiyada, haddey kuu sahlan tahay inaad qubeysato intaadan galin MAKKA qubeyso, waddadaad doontana waa ka gali kartaa.

3- markaad galayso masjidka Xaramka ha illoobin inaad horgaliso lugta midig oo aad tiraahdo:-
(اللهم صلّّ على محمدِ اللهم افتح لي ابواب رحمتك)


Oo subaxa ku tuko oo ku nagow ilaa ay cadceedu ka soo baxdo, intaad dabadeed aad banka carafo.

4- Saruulku (s.c.W) wuxuu ku dagay NAMARA intaan duhurka la gaarin, CARANA ayuu galay markii duhurka lagaarey oo in yar u jirta CARAFA, markuu dadka u khudbeeyey ayuu tukaday duhurka iyo casirka isaga oo gaabshay oo ku kulmiyey xilliga duhurka, hal aadaan & labo aqim dabadeed CARAFA ayuu galay, haddayan u sahlaneyn xaajiga falalkani samayntooda waxba dambi kuma aha hadduu galo CARAFA barqadii.

5-markaad Carafo galeyso ogow inuu tiirka Xajka ugu weyn ee ku dadaal baryada Eebbe, xusiddiisa, & khushuuca adigoo qiblada ujeedsanaya gacmahana kor uqaadaya, waxaad badisaa tahliisha maxaa yeelay waa ducada ugu khayrka badan ee lagu ducaysto dharaarta carafo sida ka uganaatay rasuulka (s.c.w); axaa ugu fadli badan ee aynu niraahno aniga iyo nabiyada maalinka Carafa waxaa weeye:-
(لاإله إلا الله وحده لا شريك له، له الملك وله الحمد وهو على كل شيىء قدير)


Sidaas u taagnow adigoo sarreeye (Eebbe) ka rajaynaya inuu kaa mid yeelo kuwa uu xoreeyo, waxaadna xusuusataa rasuulka oraahdiisii:-

(Majirto Maalin Uu Eebbe Naarta Ka Xoreenbadan Yahay Addoon Dharaarta Carafo). Sidaas ku joog ilaa ay cadceedu ka dhacdo.

6-markay cadceedu dhacdo musdalifa aad adigoo si daganaansho leh usoconayo dadkana ha ciriirin. Markaad muzdalifo gaarto hal aadaan iyo labo aqim ku tuko makhribka iyo cishaha kulan dib u dhigid oo muzdalifa seexo ilaa uu waagu ka baryo hana iska mashquulin quruurux uruursu iwm.

Hadduu waagu baryo aad (Mashcarul-Xaraam) oo ah buur ku taalla Muxdalifo. Dabadeed qiblada ujeedso Eebbe ku mahadi, weyney, tahliilso oo Eebbe bari. Muzdalifa dhammaanteed waa mooqif la istaago, shardi ma aha fuulidda Mashcarka, waxaa ubannaan dumarka iyo dadka taagta daran iney habeen barkii Muzdalifa ka dhaqaaqaan ciriiri ka cabsi aawadeed.

7-Muno aad adigoo talbiyeysanaya inteyan cadceedu soo bixin, markaad waadiga Muxasar gaarto socodka dedeji haddaad kari karto, dabadeed aad buurta weyn (Jamrat al-kubraa)

8-Buurta Caqaba markaad gaarto waa iney MAKKA kaa xigtaa dhanka bidix Mun-Na dhanka midig dabadeed ku tuur 7 quruurux adigoo takbiirsanaya markasta oo aad quruurux tuurayso (wakhtiga buuraha (JAMRADA) quruuraxa lagu tuurayo waa Markey cadceeddu soo baxdo ka dib dharaarta ciidda, waxaa bannaan in dib loo dhigo ilaa duhurka laga gaaro ama Ay habeen noqoto, haddii wax dhibaato uu qofku kala kulmayo quruurux tuurka duhurka ka hor)

Haddii aad dhamayso quruurux tuurka talbiyada jooji, waxaana ogaataa iney kuu xalaaloobeen xirashada dharka caadiga ah & isbarfuumeynta, la lakunka dumarka ayuunbaa xaaraan kaa ah ee dharkaaga caadiga xiro ee aad meesha xoolaha lagu gowroco.

9-waxaa SUNNO ah inaad hadyiaadgaaga gacantaada ku gowracdid. Adigoo ah ujeedinaya dhanka qiblada,cagtaadana saaraya dhanka midigeed ee neefka, waxaa tiraahdaa:-
(بسم الله والله أكبر اللهم إنّ هذا منك وإليك اللهم تقبل مني)


 

10- aad kacbada oo dhawaaf ifaada samee, labo rakcadoodna kutuko maqaamka meel ku dhow, Safwa iyo Marwa inta u dhaxsa soco sidaas samaysay acmaasha Cumarada oo kale, go’ garbaha kuu saran haka hoos marinin kilokilsha gacanta midig, hana ruclayn markaad wareega todobaad dhamayso oo aad buurta Marwa gaarto waxaa xalaal kuu ah waxkasta xataa dumarka.

Waxaa bannaan inaad u kala hormariso ama aad ukala dib dhigto acmaasha aynu soo sheegnay (quruurux duurka, xiirashada, gowraca iyo dhawaafka) sidaad doonto sidaad u awoodi karto inaad gowraca dib u dhigto ilaa laga gaaro ayaamaha hilba waradka (maalmaha 1aad, 12 aad, 13 aad) ee soo socda.

Duhurka ku tuko MAKKA ama MUNNA, biyo ka cad celka ZAMZAMKA ka dib Muna u laabo oo joog halkaasi ayaamaha hilba waradka, takbiirta ha kala goyn ayaamaha aad MUNNA joogto.

11-quruurux ku tuur 3da jamro (buur) midkasta oo ka mid ah maalinka 11 aad ee bisha carafo sidaad yeeshay maalinka gowraca oo kale adigoo ka ilaabaya jamrada yar, markaad markaad ku tuurato 7quruurux, dhanka midig wax yar u dhaqaaqa qiblada qaabil gacmaha kor u qaad oo Eebbe ka bari waxaad doonto dabadeed jamrada 3aad waana jamra al-caqaba sidii kuwii hore ku tuur quruuruxa, kadib ha istaagin hana ducaysan,

12- Maalinka 12aad ee carrafo ku tuuro quruuruxa jamaraatka sidaad hore u samaysay oo kale. Waxaa sidatan ku dhan xaj gudashada, waxaa kuu haray oo qura dawaafka sodootinta, haddii aad doonto maalin kale ayaad ku nagaaneysaa MUNA, sidaad ataana fadli badan.

Waxaa shardi ah qofkii doona inuu degdego inteyan cadceedu ugu dhicin MUNA, haddayse ugu dhacdo wuu ku nagaanayaa ilaa uu dadka la tuurto quruuruxa maalinta 13aad sidii uu u tuurtay maalmihii tagay oo kale, hadduu dhammeeyo xajkiisa waa taam.

13- Hadduu go’aansado inuu dalkiisa ku laabto waa inuu ballankiisa ugu dambeeya ka yeelaa baytka xurmada leh ee uu dawaafaa, dawaafka sagoontiga

Waxaana mahad iska leh Eebbaha makhluuqa barbaarsha

W.Q Guddiga Aqoonta Ixyaa’u Turaatha Al-Islaami W.T

Ustaad Xuseen Cali Cilmi

No comments:

Post a Comment