SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Laba arimood uu Quraanku sheegay kana yaabisay Dunida.

Waagii hore dadku waxay rumaysnaayeen in walaxda ugu yar walxaha inay Atom, hase ahaatee waxa cadaatay in fikradaasi qaldanayd. Maanta waxaynu ognahay in walaxdu ka koobantahay Electron, Proton iyo Neutron.
Hadana markii cilmi baadhis lagu sameeyey Neutronka iyo Proton ka waxa la ogaaday in ayaguna ay ka samaysan yihiin qurbayaal la dhaho Quarks. Si kastaba ha ahaatee Afar iyo Toban qarni kahor ayaa Quraanka Kariimka ah lagu sheegay in Atomku aanu ahayn walxada ugu yar ee maatarku ka abuuranyahay. Allah wuxuu leeyahay:

 

وَمَا تَكُونُ فِي شَأْنٍ وَمَا تَتْلُو مِنْهُ مِن قُرْآنٍ وَلَا تَعْمَلُونَ مِنْ عَمَلٍ إِلَّا كُنَّا عَلَيْكُمْ شُهُودًا إِذْ تُفِيضُونَ فِيهِ ۚ وَمَا يَعْزُبُ عَن رَّبِّكَ مِن مِّثْقَالِ ذَرَّةٍ فِي الْأَرْضِ وَلَا فِي السَّمَاءِ وَلَا أَصْغَرَ مِن ذَٰلِكَ وَلَا أَكْبَرَ إِلَّا فِي كِتَابٍ مُّبِينٍ ﴿٦١﴾
"Wixii Xaala ood ku Sugan tahay wixii quraana ood Akhrin, wixii camala ood falaysaan waan idin la joognaana (ognahay) markaad dhex galaysaan, kama Qarsoona Rabigaa waxa yar (Atom) oo ku jira Dhulka dhexdiisa iyo Samada toona, iyo wax kasii yar taasna, iyo wax ka wanynaba (haday jiraanba) Kitaab cad bay ku sugnayihiin"

Dabcan Ilaahay wuxuu si cad u qeexay in Atomka ay jiraan walxo kasii yaryar, waxayna aayadani soo degtay 1400 oo sanadood kahor, Waxa kaliya oo inala haboon waa inaan nidhaahno SubxaanAllah.

– Fiiro gaara: Kalimada (ذَرَّةٍ), darrah macnaheeda carabtu waxayu adeegsn jirtay wixii indhahoodu qabtaan waxa ugu yar sida qudhaanjada yaryar iyo wixii lamid ah, balse xilligii la ogaaday Atomka waxa loo baxshay Atomka kalimada (ذَرَّةٍ) sababtoo ah waxay agtooda ka ahayd waxa ugu yar ee ay ogyhiin. Xitaa hadii muran la galiyo in eraygaasi macnaheedu yahay qudhaanjo yar, wuxuu Rabi cadeeyey in ay jirto waxyaalo kasii yaryar oo uu ALlah ogyahay.


Mucjisda 2 aad: Wax kasta lamaane ayaa laga abuuray.

Mudo 100 sanadood kahor ah, dadku waxay rumaysnaayeen in bani-aadamka iyo xayawaanka oo kaliya laga abuuray lamaane (pairs), lab iyo dhidig. Hase ahaatee maanta waxaynu ognahay in dhamaan nooluha iyo maatarkuba ay ka kooban yihiin lamaanayaal, (Male & Female, Positive & Negative, Electron & Proton) Allahna wuxuu leeyahay:

 

سُبْحَانَ الَّذِي خَلَقَ الْأَزْوَاجَ كُلَّهَا مِمَّا تُنبِتُ الْأَرْضُ وَمِنْ أَنفُسِهِمْ وَمِمَّا لَا يَعْلَمُونَ﴿٣٦﴾



"Waxaana (xumaan) ka nasahana Allahii abuuray azwaajka (noocyo/lamaanayaal) dhamaantood oo ah waxa dhulka soo biqlyo iyo naftoodaba iyo wax ayna ogayn." [Yaasiin:36]

W/Q.Cabdilaahi Mahad.

No comments:

Post a Comment