SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Xisaabta aakhiro waa mid ka xeel dheer tan aduunka.


Iftiinkacusub.com: Ilahay SW waxa uu Quraankiisa inoogu sheegay, in qofkastaaba waxkasta oo uu Aduunka sameeyo la xisaabin doono,hadday yar tahay iyo haddii ay badan tahayba,wax seegayaana aanay jirin,qofkastana la horkeeni doono wixii uu sameyay intii uu noolaa.


Tusaale yar oo gaaban ayaan waxa rabaa in aan kusoo qaato,xisaabta iyo lacagta la inaga qaado marka aynu Dukaamada wax ka iibsanayno, ama aynu wax ka amaahanayno.

Qofkasta oo inaga mida oo gala Dukaan uu rabo in uu wax ka iibsado waxaa dhacda in uu Alaabkasta oo uu u bahan yahay uu soo qaato,balse midkasta ama alaabkasta oo uu soo qaatay,marka ii Albaabka yimaado ayaa laga xisaabinayaa iyada oo aan laga ogolaanayn in uu labaxo xisaab la'aan.

Alaabkasta oo aad dukaanka uga baahatay ama aad kasoo qaadatay ,Albaabka waxaa kuu taagan qofkii kaa xisaabin lahaa,taas awadeed,ayaa sida aan marka aad dukaan gasho aadan awood u lahayn in alaabta inta aad iska soo gurato in aad iskala baxdo iyada oo aan lacag lagaa qaadin,ayaa aakhirana aanad gudbayn ilaa laga xisaabiyo waxkasta oo aad soo samaysay.

Haddii aad Dukaan kasoo qaadato shayga ugu yar oo ah hal xabbo oo Nacnac ah,isla markaana aad kusoo darsato shay isna qaali ah , midkasta marka aad soo gaadho qofka Maqal hayaha ah,laguma odhanaayo alaabtii qaaliga ahayd lacagteeda bixi ,tii raqiiska ahayd ama halka xabbo ee Nacnaca ahaydna iska dhaaf ,midkasta xisaabta uu leeyahay ayaa lagaa jarayaa.

Tusalahan waxa aan usoo qaatay oo kaliya, in ay dadku wax ku fahmaan,una arkaan hadiiba aanu aduunka jirin wax laysu dhaafayaa ,waxkastaana xisaab iyo qalin ay ku hirgalayaan,maxay ayaynu Aakhiro xisaabteeda u fudaydsanaa.

Marka aad Dukaan wax ka iibsanayso,miyaad ku tala gashaa in aad lacag la'aan ugu tagto,saw waxkasta ma ogid in dadka Dukaanka jooga ay kaa xisaabinayaan,hadaad bixin waydana ay kaa dhigayaa,haddii aad xadana aad noqonayso danbiile wayn,xadhig iyo ciqaabna aad ku mudanayso.

Ilahay SW waa danbi dhafe naxariis badan,qaabka iyo hanaanka uu wax u xisaabiyaana waa mid ka balaadhan kana xigmad badan tusaalahan aynu soo qaadanayn,balse wax ay ila noqotay in ay dadka qaar ay sidan wax ku fahmi karaan.

HADIIBA TUKAANKII YARAA EE DUNIDA KU YAALAY AYNU SIDAASI U ILAALINAYNO,MAXAAD U MALAYNAYSAA ILAAHA QAADIRKA AH EE KOONKAN ISKA LIHI WAXA UU ILAASHANAAYO,SAWMAAHA KAAF IYO KALE DHEER,

Ilahay waxaan inooga baryayaa in aynu jidka saxa ah raacno amiin.

Iftiinkacusub.com


W/Q:Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment