SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Bisha Ramadaan waa in aynu toobad keenka cusboonaysiinaa.

Hadaan su,aashaa jawaabteeda eegno waxaa weeye maxaa yeelay asall ahaanba Muminku mar walba iyo goor walba waa mid towbada Rabigiis jadiidiya kuna dadaala isagoo ku dayanaya Suubahana salawaatu laahi calayhi wasalam, wuxuu ahaa mid maalintii 100 jeer ka badan Rabigii danbi dhaaf waydiista, Ramadanka ka horna Towbadu muhiimad dheeriya ayay leedahay maxaa yeelay towbadu waa meel sare oo qofkii gaaraa uu gaaray khayroo dhan,Towbadu waa hiigsiga iyo yoolka qofka muslimka ah.

Ibnul Qayim Allah u naxariistee wuxuu yiri Towbadu waa meesha ugu horeysa ee uu maro qofka Rabigiis xagiisa u socda, si kale hadii loo dhigo waxay noqonaysaa Towbadu xaga Rabbigaa ayay kuu kaxeeysaa sheydaanka iyo naftaaduna xaga macaasida iyo naarta Allaan ka magan galnee..

Towbadu maaha kaliyabooska iyo wadada kuwa caasiyiinta iyo mujrimiinta ee waa booska anbiyada Alle. Allaah wuxuu yiri aayadan..

" وعصى آدم ربه فغوى ثم اجتباه ربه فتاب عليه وهدى "

Dad badan marka la soo qaado Towbo waxay moodaan dadka macaasida ku talax tagay kaliya inay khuseyso, Yaa naga danbi badan! Yaa naga xan badan! ilaahay hana asturo aduun iyo aakhiree macaasidu yareysi ma leh, qofka macaasida yareystana waa qof khayr badan la seejiyay,

Waxaan u cusboonaysiinayaa towbada maxaa yeelay dunuub badan waxay inoo sababtay inaan ku dhex noolaano mugdiyada macaasida,inan nafteena ka adkaan wayno, khayrka ku hagi wayno, xumaanta ka joojin wayno, waxay kaloo noo sababtay in khushuucii salaada nagu yaraado, akhrinta quraanka nagu yaraato Tadabur isaga warkii daa! Towbada oo aan cusbooneysin weyno waxay noo keenta in qaar badanoo inaga midda markeey arki waayaan raadkii ka dhashay macaasidiisa/macaasideda uu is moodo inuu fican yahay isagoo u maleeya in hadii balaayo ku habsan waydo uu yahay qof toosan,maxaase ogaysiiyay miskiinka in waxa ugu weyn ee uu ka qatan yahay ee ah Raadka ka dhasha adeecidda ilaahay ee wanaaga ay ka weyntahay cuquubada lagu ciqaabay ee ah in laga xayuubiyay dhadhankii cibaadada uu sameynayo, wuxuu isaga sameeyaa qofku si joogto ah laakin waxba kama badasho, waxna uma kordhiso.

Waxaa la sheegaa in adoon in badan Allaah caasinayay uu habeen Rabbigiis la munaajoodayoo yiri (Rabbiyoow imisaan danbaabay oo aanan arag raad dunuubteydii ah) kadib waxaa dhowaaqay mid dhawaaqaya ; Adoonakaygiyoow miyaanan kaa qadin macaanka munaajaadkayga;

("Faqeyga" ) waa sidaase dunuubteenu waxay inaga xarimtaa oo naga qadisaa macaanka iyo dhadhanka markaad Rabigaa la faqayso adoon cidna ku arkayn markaad dhadhansato daacaadkaaga iyo cibaadooyinkaaga waxaad dareentaa farxad iyo qalbi deganan,taasina waa Janadii aduunka ee la soo hormariyay,

Sidaa darteed ayay Towbada Ramadanka ka hor muhiim u tahay maxaa yeelay quluubtii waxaa engajiyay macaasi. waaba sidii iyadoo Dhagaxoo kale ah, ma ilmeyso marka quraan la akhriyo ma khushuucdo markeey aayaadka maqasho, markaa si aan quluubteena u jilcino waa lagama maarmaan inaan cusbooneysiino soo laabashadeena aan Allaah caza wajal u soo laabanayno, ramadankaa kii noogu danbeeyey ee aan soono inuu noqdana waa suurtagal, qof walboow waxaad furtaa bog cusub oo aad ku qaabisho Ramadanka.
xigashoWajilad.wordpress

No comments:

Post a Comment