SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Xadiis ku saabsan Dajjaal iyo calaamooyinka muujinaya soo dhawaanshaha Qiyaamaha

Nawaas bin Samcaan A.K.R. wuxuu yiri Nebiga (S.C.W) Wuxuu subax ka sheekeeyey Masiixud – Dajjaal oo Kor iyo hoosba uga hadlay ilaa aan is niri malaha wuxuu joogaa fagaagga geedahii timirta ee agtayada ahaa.

Markaan u soo gadoonay Nebiga (S.C.W);Wuxuu S.C.W arkayey fajaca naga muuqda markaasuu na weydiiyey : Maxaa idinku dhacay? Waxaannu – niri: Rasuul Alloow S.C.W. Markii aad uga hadashay Masiixu dajjaal Saakada , marar waxaad u sifeysey wax hoose aan macne laheyn, marka kale waxaad ugu hadashay sida wax ballaaran, markaasaan is niri armuuba meel ka joogaa fagaagga geedahaa timiraha ee agtayada ah.

Wuxuu S.C.W. yiri : Aad idiinkagama baqayo anigaa idiinkaga filnaan doona oo idinka difaaci doona; haddiise uu soo baxo anigoon ininku dhex jirin waa inuu qof kastaa oo idinka mida tiisa ogaado.

Alle baana ah wakiilka iyo ilaaliyaha iyo dhowraha Muslim kasta haddii aan idinla joogin xitaa.

Masiixu Daj-jaalku wuxuu ahaan donaa nin Dhallin yaro ah oo timo adag leh mid ka mida indhahiisa waxay ahaan doontaa wax buqsan oo soo likeysan( taagan oo nuur yar). Wuxuu iila eg yahay Cabdul – Cussa bin Qadan.

kiinii la kulmaa ha ka akhristo billowga suuratul – Kahaf(suuradda 18).

Wuxuu ka soo bixi donaa Shaam(syria) iyo Ciraaq dhexdooda, oo sababi doona burbur iyo baabba’a iyo dhiig daata xagga iyo xaggaba (midig iyo bidix).Addoomada Alloow, sabra oo sugnaada oo adkeysta.

Waxaannu niri: Rasuul Alloow S.C.W intee buu joogi doonaa dhulka? Wuxuu S.C.W. ku jawaabay: Afartan maalmood oo maalinteeda hal sano dherer le’eg tahay, maalinna hal bil dherer ahaan, maalinna hal toddobaad dherer ahaan, inta kalana ahaan doonaan maalmihiinna caadiga ah.

Waxaannu niri:Maalinta dherer keedu ahaan doonta hal sano ma nagu filnaan doonta inaan tukannoo shanta salaadood ee faralka ee caadiga ah? Wuxuu S.c.W. yiri: Maya ee waa inaad qiyaas ku tukataan iyo xisaab inta lagu jira maalintaas.

Waxaannu misna niri: Rasuul Alloow S.C.W dheeraynta uu dhulka ku mari doono intee le’eg tahay ? wuxuu S.C.W. ku jawaabay: ( wuxuu mari doonaa) sidii daruur dabayli waddo oo kale.

Wuxuu markaa u imaan doonaa qoon, oo ugu yeeri doonaa inay soo raacaan isaga, qoonkaasna waa rumeyn doonaan, oo ajiibi doonaan yeeritaankiisa.

Wuxuu amri doonaa cirka oo ku soo deelmin doonta roob darar ah dadkaa, dhuku wuxuu soo saari doonaa naq iyo doog tira badan , markii , ay galabtii xoolaha dadkanay u soo nodaan, waxay yeelan doonaan xoolahaas kurus cayilan oo labac caano badan leh yeelan doonaan oo u darari doonaan; dhincaydooda la hormariyey dhereg darteed.

Dabadeed wuxuu u imaan doonaa qoon kale, oo ka dalbi doonaa inay adeecaan , laakiinse dadkaas waa diidi doonaan yeeritaankiisa. Saa Masiixu Daj-jaalku waa ka tegi doonaa. Isla markii uu ka tagaba dabadeed waxaa ku dhici doona abaar, oo dhaafi doonaa maalkooda.

Masiixu Daj-jaalku wuxuu markaa soo mari doonaa meel laga guuray oo lama degaan ah, oo ugu yeeri doonaa inay soo saarto oo debedda u soo tuurto khasnadaheeda, khasnadaheedii iyo wixiii dhexdeeda ceegaagey baa isaga raaci doona sidii shinni boqorkeedii daba xoonsan.

Dabadeed wuxuu u yeeri doonaa wiil dhallin yaro ah oo isku dheelli tirsan ,seef buu labo go’ugu kala goyn doonaa, misana waa u yeeri doonaa markaasuu soo noolaan doonaa oo uu imaan doonaa isagoo faraxsan oo dhoola caddeynaya,

Goor sidaas la yahay baa Alle Nabi Ciise C.S. soo bixin doonaa oo wuxuu ku soo degi doonaa Minnaaradda cad agteeda, dhinaca barina ka xigta Dimishiq, Isagoo qaba laboo go’ oo sibbaakhan, laba Malag garbohoodana cuskisan oo markuu madaxa godo biyo ka soo daadan doonaan, markuu sare u qaadana waxaa ka quban doona dhibco luul la moodo, gaalkii ay gaarto caraftiisa waa dhiman doonaa, caraftiisana waxay gaari doonto inta ishiisu qabato.

Wuxuu (ciise) raadin doonaa Masiixul Dajjaal wuxuuna ku qaban doonaa illinka Lud oo u dhow Qudus(lud waa magaalo kamida magaalooyinka falastiin ee yuhuuddu qabsatay sannadkii 1948 ee u dhow Ramla galbeedka) Qudus, Waxaa ku yaal gegi dayuuradeed oo caalami ah oo caan ah oo ay dhiseen Ingiriiska sannadkii 1917, kadibna ay Yuhuuddu sii ballaariyeen sannadkii 1948, waxayna u bixiyeen gegeduu (ina gooryoon).

markaa meeshaas buu ku qaban doonaa oo dili doonaa; Dabadeed Ciise (C.s) wuxuu u imaan doonaa qoon Alle ka dhowray (Masaaxu Dajjaal), Wuxuu markaas ka masixi doonaa ,wejiyadooda oo u sheegi doonaa darajooyinka ay jannada ku leeyihiin.Goor uu sidaas ku sugan yahay Nabi Ciise(C.S) buu Alle weyne u waxyoon doonaa waxaan soo daayey addoommo aan leeyahay oo aan cidina dagaalkooda u babac dhigi karin, ee addoommaheyda iyagoo nabada ah u qaad xagga buurta Duur(Siinaay).

Markaasuu Alle weyne Yuug – iyo Yamaayuug oodda ka soo qaadi doonaa oo ay taag walba ka soo degi doonaan,Caaradkooda waxay soo mari doonaan harada Tabariya ( Tabariya waa tuulo ku dhow Bad yarey oo buur dacalkeed ku taal waxayna ka mid aheyd degaanka Urdun, maantana waxaa heysta Yuhuudda Allaha ka daahiriyeey dalalka Islamka iga iyo wixii raacsan iyo wixii eynigood ah)oo cabbi doonaan biyaha ku jira haradaas oo dhan ,kuwooda dambe markay soo maraanna waxay oran doonaan: Halkan waa ‘bay biyo ku jiri jireen.

Nabi Ciise(C.S)iyo asxaabtiisana markaas go’doon baa ku dhici doonaa oo (la marsiin doonaa dhibaatooyin) ilaa dibi madixii uu kaga wanaagsanaan doono boqol diinnaar oo aad leedihiin maanta. Nabiga Alle ( Ciise C.S) iyo Asxaabtiisa (A.k.R ) waxay u jeesan doonaan Alle oo baryi doonaan. Markaasuu Alle weyne kor ahaaye ku abuuri doonaa sangaalle( noole il ma aragto ah oo cudurrada keena)Luqumaha dadkaa ( Yuug iyo Yamaayuug),oo weecda noqon doonaan oo hal mar dhiman doonaan; markaasay Nabi Ciise(C.S) iyo asxaabtiisii hoos u soo degi doonaan,meel ay cag dhigaan bay waayi doonaan, oo meel walba waxaa buuxin doonaa meydadkii Yuug iyo Yamaayuug iyo dadkoodii,oo lala joogi waayi doonaa baqtigooda.Nabiga Alle (C.S) iyo asxaabtiisu Allay baryi doonaan, markaasuu Alle wuxuu u soo diri doonaa Shimbiro luqumo geel oo kale leh,oo guri doonaan meydadkaa oo ku soo qubi doonaan meeshii Alle doono.

Dabadeedna wuxuu Alle weyne soo deyn doonaa roob miyi iyo magaaloba saamaynaya oo dhulka dhaqaya oo ka dhigi doonaa suxubbi.

markaasaa dhulka la amri doonaa in uu soo saaro mirihiisa ,barakadiisana soo cesho (markaasaa waxaa jiri doono barwaaqo iyo barakooyin tiro badan) Heer halkii geed oo Rummaan uu ku filnaan doona inuu quudiyo koox dhammi, oo ay harsan doonaan hooska caleemahiisa waxay ay ballaari qabaan , caanahana Alle waa dararun doonaa markaasay

Hasha irmaani guuto dada ah ku fillaan doonta,

Saca irmaanna qabiilo ku fillaan doonaa,

Rida irmaana reer dhan ku filaan doonta

Goor ay dadku sidaas ku sugan yihiin buu Alle soo diri neecaaw wanaagsab oo kilkilooyinka hoostooda xulaysa oo markaas ruuxda ka siibi doonta Mu’min iyo Muslim kasta.

Waxaana hari doona dadka kuwa u shar badan oo sidii dameeraha u orgoonaya (isugu fuuli doona waddooyinka iyo suuqyada si caddaan ah Xishood la’aan ), iyagayna Saacada Qiyaame ku dhici doonta

F.G (fiiro gaara)

AXadiis ku saabsan Dajjaal iyo calaamooyinka muujinaya soo dhawaanshaha Qiyaamah a

Waxaad ka heli kartaa "Riyaadu Saalixiin " Iyadoo ku qoran Somali iy Carabi

kutubbo iyo cajalado Islaami ah

P.o. box 33049 Riyadh 11448

Ama Waxaad ka heli kartaa Maktabadaha somalida ee kutubbo iyo cajalado Islaami ah

( magaalooyinka waaweyn ee wadamada galbeedka)

by.Deer Cali .

No comments:

Post a Comment