SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso layaab leh: Tuug noqo kadibna dadka aad xadayso Booliska ugu yeedh!!

Ilahay innagama dhigee bal ka waran haddii aad ahaan lahayd Tuug, walibana Tuugtu kala xariif sane,aad noqoto kuwa iyagu guryaha habeenkii saqda dhexe marka la seexdo u dhaca,guriga iyo hoyga uu jabsadaana habeen kaasi aan waxba kaga tagin.

Kaba soo qaad in aad tahay Tuugaasi; habeen habeenada ka midana aad u an-ba'baxday sidii aad guri usoo jabsan lahayd,gacantana aad ku qaadatay Cawjadaadii(birtii) aad guryaha ku jabin lahayn iyo hubkii aad isku difaaci lahayd haddii guriga aad xadayso lagaaga tooso ama lagu ogaado.

Maskaxdaada iyo garaadkaagu maxay ayuu samayn lahaa, haddii adiga oo shaqadi Tuuganimada ku guda jira,gurigiina kolba khaanad iyo shandad furaaya ,aad aragto dadkii guriga jiifay oo dhamaantood halis u ah in ay wada dhintaan(neef-qabatow awadii)? ,indhahana aad ku dhufato iyaga oo dhamaantood wada hiin-raagaaya(naqasku hayo).

Xalaadaasi haddii aad la kulanto Tuugow,ma noqon lahayd mid dhamaan qoyskaasi badbaadiya?ma noqon lahayd mid qoyskaasi ugu yeedha cid u gargaarta?misse waxaas oo dhan dan kamaad gasheene, inta aad alaabta yar ee aad guriga ka guratay tunka u ridato ,ayaad ka jaqaafin lahayd,ilayn tuug naxariis malahee, reerkiina halkaasi ku wada dhiman lahaa?

Runtii waa arin xanuunkeeda leh,Tuuga laftiisa waxa aad moodaa in mararka qaar uu saaran yahay wajiib faraaya in uu dadka uu xadaayo hadana uu u gargaaro,waana mid la odhan karo cidda samaynaysaa waa kuwo ka fikiraaya waxa ay tahay aadaminimadu.

Hadaba Tuug u dhashay dalka Tuunis,ayaa habeen habeenada ka mida waxa uu usoo dhacay ama uu jabsaday guri ku yaala isla magalada Tuunis,markii uu gurigii wixii uu guran ka raayay ka qaatay ,ayaa waxa uu arkay in ay wada neeftuurayaan dadkii guriga u hoyanaayay,taasi oo ay ku neef qabatoobeen hawo sumaysan.

Ninkii Tuuga ahaa,waxa uu gartay in ay dadkan masuuliyadi ka saaran tahay ,waxa uu dhamaan toosiyay dadkii jaarka la ahaa gurigan halistu haysato,waxa uu la hadlay Booliska iyo dhamaan laamaha abniga ee hawshan ku shaqo leh,kadibna reerkii waa loosoo gurmatay,waana la badbaadiyay, waa sida ay qortay joornaalka layidhaa SARIIX ee kasoo baxda dalka Tuunis.

Ninkii Tuuga ahaa ayaa la baafiyay waana la helay, kadibna waxa la siiyay lacago aad u farabadan,markii la arkay in uu qoys dhan badbaadiyay,balse lama odhan danbiile ayaad tahay,ama lama waydiin sababta uu guriga u xadaayay ama uu Tuuga u noqday,taasi oo aan isleeyahay malaha inagu Jeelka ayaynu ku tuuri lahayn.

Muddo ka bacdi ninkii isaga ahaa waxa uu noqday nin ka tuubad keenay shaqadii xumayd uu Tuuganimada,waxa uu noqday nin ku shaqaysta dhaqalahii loo siiyay abaal marinta.

Qoraalkaygan ugama jeedo Tuug-noqo kadibna dadka badbaadi,balse waxa aan ku boorinayaa kuwa Tuugta ah ee shaydaanka kaxaystay in ay kasoo hadhaan,haddii ay ku ibtiloobaana in aanay fiirsan oo kaliya hantida ay guryaha ka qaadanayaan ee waa in ay ogadaan waajibad badani in uu ka saaran yahay dadka ay xadayaan.

Iftiinkacusub.com

W/Q: Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment