SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Xaramka Ilahay in aan tagay maxaa lagu garanaya, haddii aanan sawir kusoo galin!

Iftiinkacusub.com: Dadaw maxaa kala haysta cibaadadii Ilahay iyo facebook.Dad badan ayaan la sheekaystay,waxa ay iiga warameen waxyaabo badan oo aanan markii hore islahayn sidan ayay u dhacayaan,ama aan fikir kale ka qabay.

Nin ayaa waxa uu ii sheegay in dadka qaarkii"hadda maaha dadka oo dhan" balse waa bulshada in ka mida, ayaa marka ay rabaan in ay Cimrada ama cibaadada Xajka in ay gutaan ,waxa ay diyaar garaystaan Mobil ama Kamara si fiican u sawiraysa iyaga oo markaasi ku guda jira waajibkii Xajka ama Cimrada.

In badan ayaad waxa aad baraha warbaahinta ku aragteen,dad yaw badan oo markaasi jooga ama dhex taagan, baydkii Ilahay ee Xaramka,kuwaasi oo lasoo sawiro ama iyagu isa soo sawira ,iyaga oo salaad tukanaaya ama gacmaha kor u taagaaya oo Ilahay baryaaya.

Arintan iyada ah, ee Sawirada iyo muuqaalka la iska soo duubayaa,inta aan garanaayo wakhti dheer ayuu soo jiray,hadda se xadkii ayay ka baxday ,waaxa aad is odhanaysaa malaha dadka qaar waxa ay u tagaan Baydka Ilahay in ay sawiro ay kusoo galaan oo kaliya.

Ismuujinta iyo sawirada oo lagu galo Xaramka gudahiisa, waxaa si aad u xawli ah u sameeya inta badan Madaxda kala gadisan ee dawlada iyo waxoogaa dhalinyaro ah oo malaha iyaga laftoodu ku dayanaaya nimankaasi, ama iska yeel yeelaaya, kuwaasi ku caan baxay sawirka lala dhex istaago Xajka ama Xaramka.

Qofkastaa waxa qalbiga ugu jira ayaa Ilahay ku abaal marinayaa,inaguna dadka qalbiyadooda war kama hayno,laakiinse waxa aynu indhaheena ku aragnaa in Xaramkii laga dhigay sawir lahii Cali-Aboole ee Hargaysa ku yaalay oo kale.

Maxaa faa'iido kuugu jirta, in aan ku arko in aad xaramka tagtay ama aad so xajiday?aan ahayn is-tus-tus.Cibaadada Ilahay sideedaba miyaanay ku wanaag sanayn ,asturnaanta iyo hoos isu dhiga,maxay ayay tahay i-maqlaay iyo i arkaay, waanaiga Xajkii tagaye.

Waxaa inagu soo fool sida ii muuqata , in qofkasta oo salaad tukanayaana uu dhawaan diyaar san doono sidii uu Sawir isakaga qaadi lahaa, ,kadibna uu soo dhigi lahaa bartiisa uu facebuuk ku leeyahay .Arintani waxa ay u badan tahay Ragga.

Cibaadada iyo Allah ka cabsiga ha laga daayo shawga iyo i-arkaayda,waxkastaa waa qalbiga,si aanu qalbiyadeenu aanay u daxalaysan,yaynaan ku ibtiloobin sawir wax layidhaa oo xaalad kasta oo lagu jiro la iska qaado.

Arintan waxa iyaga laftoodu ku ibtiloobay iminka culimadii dadka ka wacdiyi lahayd, oo aad arkayso iyaga oo baraha warbaahinta ka buuxa kuna jira sawiro ay kusoo galeen Xaramka iyo goobaha barakaysan.

Sawir iyo Taswiir oo la iska qaado anigu ma diidani,balse waxa aan arkay dad yaw badan oo aan la sheekaystayna ay ila arkeen Xaramkii Ilahay oo qofkii tagaaba oo sawiro iska soo qaadaayo.

Xajka iyo cibaadada ikhlaas iyo niyad wanaag ha loo galo,ha la iska daayo ka badbadinta.

Waxa la iiga waramay ,nin ka mida dadkaasi Xajka tagay ,Ilahay ha ka aqbalee,kadibna uu ka lumay Mobilkii uu kusoo shubtay dhamaan wixii uu Sawiro Xaramka ku galay,arintaasina ay u keentay Murugu iyo warwar qofkastaaba ka dareemaayo.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment