SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ninkii i guursaday,wax walba oo noloshiisa ku saabsan, wuu iga qariyey!

Qaybtii 2-aad .waxana inoo waramaaya gabadhii ay sheekadani ku dhacday.

Waxa aan ogaysiinaya dadka sheekadan akhrista in ay ka heli doonaan kana fa'idaysan donaan dhacdoyin isdaba joog ah oo inta badan ka yimaada xiliga guurka bulshadeena dhexdeeda.

Maaha oo kaliya in aad sheeko ahaan iyo madadaalo u akhrisato ,balse waa in ay cashar iyo aqoon kuu kordhiso, si aad noloshaada amma nolosha bulshada aad ugu maarayso.

Akhiyaray sheekada qaybteedii hore waxa ay inoo maraysay,iyada oo eedaday iisoo jeedisay in aan ninkaasi guursado,aniguna aan ka yeelay,madama ay eedaday ka mid tahay waalidiinta aan leeyahay iyaduna ay isoo korsatay.

Waa maalin Jimce ah ,sacaduna waa abbaara sadaxdii galabnimo,waxaa gurigii aanu aniga iyo Eedaday ku noolayn noogu soo booqday , wadaadkii isaga ahaa ee guurka iga rabay,waxa aan anigu markaasi taaganahay afaafka guriga, balse ma garanaayo wadaadku arinta uu galabta la socdo.

Waxa ay kulmeen Eededay ,balse ma aqaano wax laysu sheegay ,waxa uun aan ogahay in aan la isku daahin ,markii uu gurigii kasoo baxay wakhtiyar ka bacdi ayay eedayday ii yeedhay,kadibna markii aan qolka ugu galay eedayday wax anaan ka filayn ayaa kasoo yeedhay carabkeeda kaasi oo ah,in ay mashxarad la *oogsatay markii ay i aragtay.

Waan yaabay,waxa aan ku idhi eedo maxaa soo kordhay ,siday wax kaa noqdeen ,maxaa jira oo aad la mashxaradaysaa,kutee eeto waxa aan la mashxaradayaa wax fiican oo ah,in dhawaan lagu soo dooni doono.

Fule-xantii ma mooge ,horaba waan iska garanayay arimahu sida ay u socdaan,balse madama aan anigu ahay inan(gabadh) aan wax sheekaysi iyo shugaansi toona aan aqoonin ,waxa aan taladaydii u dhiibtay bilaw ilaa dhamaad eedaday.

Nin la sugayaw adna yaad sugi,eedayday waxa ay maalintii danbe fariin u dirtay Abahay iyo Hoyaday oo ku nool miyiga,waxanay fariintaasi ugu sheegtay in hadii ay fadhiyaana ay soo kacaan haday taagan yihiina ay soo dhaqaqaan.

Abahay iyo hoyaday waxa aad mooda in ay Diyaradi keentay,isla habeenkiiba waaba ay nala jogaan,lays waraysay,xaajo halka ay maraysana eedayday ayaa markiifa afka u dhuubtay, Abahay iyo Hoyaday waa dad reermiyi ah,waxbana kalama socdaan xaajada magalada iyo qaabka la isu guursado,meesha waxaa ka kamaan-booste ah eedayday macaan.

Arintii waxa ay socotaba ,waxa la wada gudoon saday in todobaadka soo socda la i bixiyo,warwar iyo walaac anaan garanayn meel uu ka yimi ayaa igu beermay,guri iyo guri gal iyo nin iyo dhaqashadii ma aqaano meel laga maro iyo si hawlahaasi loo dabaro.

Wax kastaa waa igu cusub yihiin ,ninka la isiinaayo wax sheeko wadaaga ma anaan yeelan,marka laga reebo waxooga niyad samaana oo aan u hayo,tasoo la xidhiidha ,gacal tooyadii uu ii sameeyay xiligii gadhiga uu gacantiisa ku waday uu i dardaray.

Inkastoo anaan aqoon badan u lahayn guurka iyo xeerarkiisa,hadana waxa aan in badan dhagahaygu ay maqleen ,burburka qoyska iyo balayada markasta ka dhextaagan dadkii isqabay,oo aniguna aan todobaad ka bacdi kusoo biiri doono xaaslayda Somaliyeed.

Hadana iyada oo caynkaasi ah,waxa aan ku tawakalay Ilahay iyo aqbalka iyo gudoonka ay isla qateen waalidkay iyo eedayday isoo korisay ,waxa markiiba igu soo food-yeeshay iina muuqatay in waxbarashadii iyo tugsigii aan halkaasi kaga hadhi doono,waayo waxa aan gali doonaa waxbarasho kale oo heer ilaa jamacada qoyska ah.

Waxa aan noqondoonaa oori nin qabo,waxa aan ahaan doona marwo sharaf iyo karaamo lagu majiirto,waxa aan dhabtayda saari doonaa hadii Ilahay i siinaayo caruur aan hooyo u noqdo ,gabdho iyo wiilal.

Wakhtigii yaraa ee koobnaa ee ka hadhay doonistayda,waxa aan ku itaalay dhagaysiga iyo u dhug.yeelashada muxadarooyinka diiniga ah ee ka hadlaaya dhismaha qoyska Muslimka ah iyo xaqa ay gabadhu ninkeeda ku leedahay iyo mida uu isagu ku leeyahay.

Waxa aan si lama filaana fariimo ugu diray gabdhahii aanu saxiibada ahayn,aniga oo midkastaba u sheegaaya xalada naftayda kusoo biirtay iyo jawiga cusub ee aan gali doono dhawaan.

Waxa wax lala yaabo ah,dhamaan gabdhahasi aanu saxiib ka nahay ma jirto midkaliya oo reer amma guuri lihi ,taasi waxa ay igu noqotay waxooga niyad jab,sababta oo ah waxa aan jeclaan lahaa hal gabadh oo saxibaday ah oo aanu dhinacaasi guurka aanu *jaale ku noqono, sheekaduna ay isugu kaaya baxdo ,balse waxa aan noqday Groupkii aanu saxiibka ahayn midii u horaysay ee guri yeelata.

Waxaa la gaadhay ayaantii balanta,waa maalin Axada,madama guriga aanu aniga iyo eedayday ku nool nahay uu yahay Guri waxooga iska wayn,bixintii iyo kulantii Meherkaba waxa lagu qabtay Gurigii aan kusoo barbaaray.

Wax kale kuma garatidi,wa halkii Somalida'e ,sadaxdii ayaa la igu xidhay,isla maalintaasi galingeedii danbe waxa aan noqday marwo la qabo,waalidkay waxooga lacaga oo aan yarayn ayay faraqa ku shubteen,eedadayna hadalkeedaba iskada iyadaa meesha ka Raysal-wasaare ah

Xaajigu waa nin degdegaaye,waxa uu isla madashii bixinta ka sheegay in aqal-galkuna uu yahay ,wixii laba habeen ka danbeeya; madamaa guriga aanu ku jirnaa uu yahay mid aad u wayn ,qay kamidana marka horaba kirooyin loogu jiray ,balse wakhtigan xaadirka ah ay banaan yihiin, eedadayna jacaylka ay aniga ii qabto iyo iyada oo doonaysa in aanan ka figaan ,waxa ay xaajigii u sheegtay in la igula aqal galo gurigan eedaday ,isna waa uu ka aqbalay.

Waxa la gaadhay xiligii aroosta, waa habeen arbaca ah,waxa la igu soo hooyay gurigii eedaday,xajigiina waxkasta oo uu heli karo ayuu gurigii ii dhigay,mashaa Allah waa wax lagu faano hadii wanaag iyo daacad nimo laysku dhaqdo.Habeenkaasi arooskii la ii dhigay waxa uu ahaa mid si u yar kooban.

Waxaa baryay waagii,ma iga rumaysanaysaan wakhtigaasi ayaan xaajiga waxa aan waydiinayaa magaciisa oo sadaxan,inkastoo aan waxooga ku saabsan arimahiisa aan eedaday ka maqlay iyo cida uu yahay , balse hada ayaan rabaa in waxkasta oo uu yahay aan ogaado.

Waxa aan usoo qalin qaaday in aan waydiiyo su-aalo badan oo ay ka mid yihiin:-

1.Magaciisa oo sadaxan.

2.Cida uu Soomali ka yahay ( Qabiilka)

3.Xaas iyo caruur hore in uu leeyahay iyo in kale.

4-Waxa uu ka shaqeeyo .

Su'alahaasi markii aan waydiiyay ,waxa ay ku noqdeen kuwo waxoogaa uu aad u dhibsaday ,balse hadana midkastaba waxa uu kaga jawabay sidii uu rabay,waxanu ii sheegay magaciisa oo sadaxan ,waxa uu ka shaqeeyo ,cida uu yahay iyo isaga oo ii raaciyay in aanu waligii guursan, xaas iyo guurna aan anigu ugu horeeyo ,islaanow run sheeg islaamowna uga qaado ayay Somalidu tidhaahdaa ,jawabahaasi waan ku qancay kuna abshiray.

la soco qaybta 3-aad
Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar