SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ma og-tahay in ,goobta Dumarka timaha loogu hagaajiyo iyo kuwa Raggu ,ay isku mid yihiin ,balse ma lasocotaa in midna Gun lagu noqdo midna Gob ,waa maxay sababtu.

 
Maxay ayaa labada goobood midna ka dhigay shaqo lagu gumoobo oo ay dad gaar ahi qabtaan ,midna ka dhigay shaqo lagu faano ,timaha ragga iyo kuwa dumarku maxay ayay ku kala duwan yihiin.

Somalidu inta badan waxa ay Rayiislaha ama Timajaraha u yaqanaan goobta Ragga timaha loogu xiiro ama loogu jaro,balse goobta ama xarunta dumarka Timaha loogu jaro waxa loo yaqaanaa Beatuy Salon ama Kofeer.

Waxa kaloo jira fikir qaldan oo laga qabo goobta ragga Timaha loogu jarro,taaso ah in loo bixiyay Tima-xiir ama Tima-jare,balse arintu sidaas maaha ,Tima-jaraha raggu ay tagaan uma tagaan oo kaliya in tamaha laga jaro balse waa goob ragga timaha loogu hagaajiyo looguna qurxiyo.

Sidaasi oo kale ayaa Dumarkuna waxa ay leeyihiin goob Timaha loogu hagaajiyo looguna jarro,balse waxa aynu ku kala duwan yihiin ,goobta raggu waxa ay noqotay mid dadka ka shaqeeya magac gaar ah loogu yeedho,amaba loo yaqaano shaqo aan fiicaynayn,si kale hadan u idhaahdo waxa ay Somalidu goobtaasi raga u taqana shaqada Inan gumeedka.waa maxay cadalad daradaasi.

Hadaba Dumarka ama haweenka Somaliyeed waxa ay tagaan marka ay rabaan in Timaha ay soo hagajistaan ama ay waxka mida ay iska soo jaraan sida Ragga, goobaha loo yaqaano Salonka oo xataa aan lahayn magac Somaliyeed.

Maxay ayay labada gobood ku kala duwan yihiin dhinaca shaqada,sawmaha in goobta looyaqaano tima-jaraha ay tagaan raaga oo kaliyii,sidoo kalana ay tagaan Salonka dumarka oo kaliyahi.

Way fiican tahay madamaa aynu nahay dad Muslim ah in aynu labada gobood midna Raga ugu shaqayno midna Dumarka,balse ujeedadaydu waxa ay tahay labada gobood isku shaqo mayihiin mise maaha.

Hadii goobta Raga timaha loogu jarana loo yaqaano Rayiisle amma tima,ajare ,halka dumarkana loo yaqaano Koofeer ama Salon,maxay ayaa labada shaqo midna wax fiican ka dhigay oo ah tan haweenka,midna wax xun oo dadka ka shaqeeya loogu ceebeeyaa.

Waxa aad arkaysaa gabadh la yaqaano oo caan ah,ay dhici kartana in ay magalada ay degantahay iyada iyo reerkuduba ay magac ku leeyhiin, iskana leh goobaha dumarka timaha loogu hagaajiyo,taasi oo waliba qurux iyo sharaf ku leh dadkuna ku amanaan.

Maanta hadii nin iyo gabadh walaalo ah,ninkuna uu furto goobtaasi Tima.jaraha gabadhuna ay furato goobtaasi looyaqaano Salonka,waxa laga yabaa in ninkaasi qabiilkiisu ay dhibaato soo gaadhsiyaan,iyaga oo ku sheegaaya in uu shaqo ka dhigtay,shaqo xun oo aanay *gayin qabiil ahaan, balse gabadhii waxa laga yabaa in furashada goobtaasi in ay sharaf iyo karaamo ka qaado, loona yaqaano heblayadii lahayd Salonka London ama Pariis.

Hadaba waa maxay faraqa wayn ee la taaban karo ee u dhaxeeya labadasi shaqo,aan ahayn Timaha Ragga iyo Timaha Dumarka,mise sidiisaba Raggu waa uu karaamaysan yahay oo isagu *Daalacan ayuu dhashay *Dumarkuna Dedan.

Balse ninka maanta wadanka Rayisle amma Tima-jare ka ahi waxa loo yaqana,in shaqadaasi ay qabtaan oo kaliya qabiil gooniya,sida qabiilooyinka Gabooye iwm,hada u fiirsoo ninkaasi shaqada lagu cayayaa waxa uu hayaa oo kaliya inta ay hayso gabadhan shaqadeeda lagu amaanaayo ee iyaduba Dumarka oo kaliya timaha u hagaajisa.

Hadaba ma marka Ragga Timaha loo hagaajinaayo oo kaliya ayaa lagu noqdaa Midgaan iyo shaqo xun,oo marka dumarka timaha loo xiiraayo ama loo feedhaayo waxa lagu noqdaa 'Aji iyo qof sharaf iyo karaama leh.

Ka hadlimaayo shaqooyinka dheeraadka ah ee dumarka sida gaarka ah loogu qabto,balse waxaa wali ay dadka badan kiisu fahmi la-yihiin,sababta marka ninka loo xirayana ay u noqotay shaqo la isku caayo ,marka dumarkana ay u noqotay mid la isku amaano.

Hadii macnahu uu yahay oo kaliya waxa kala duwan labada magac oo midna waa,magac faranji Beatuy Salon ,midna waa magac Somalli Rayiisle ama tima-jare,hadda-hadii ay caynkasi noqoto, kan Ragaba waxa aan ka dhigi karnaa magac faranji oo ah Barbershop,balse ma og tahay in magacan Barbershop uu ka wada dhaxeeyo ragga iyo dumarka.

Hadaba hadii dadka inta badan Rayiislayaasha ama Tima-jarayaasha haystaa hadii ay wadanka marka la joogo ay noqdeen hal qabiil oo kaliya,taasina ay noqotay waliba in lagu caayo,bal ka warama hadii ay dadkaasi aynu Gabooyaha u naqanaa ay furtaan gabdhahoodu goobahan dumarka ee magacyada Faranjiga leh, suura gal ma tahay in ay ku shaqeeyaan.

Dad badan ayaa aaminsan, in hadii dadkaasi Rayiislaha ama Timajaraha lihi ay dumarkoodu ay furtaan goobaha dumarka lagu qurxiyo in aanay helayn cid u tagta,sababta oo ah lama rabo in Tima-jare Gabooye ah oo Dumara ay shaqadan qabtaan,balse Tima-jaraha Ragga waa loo ogol yahay iyada oo laguna cayaayo.

Waa laba shaqo oo isku mid ah,labadubana waxa ay shaqadoodu tahay,Tinta amma Timaha oo la qurxiyo ,ma jirto mid gaar cid loogu ceebayn karaa,wax faraqa oo u dhaxeeyaana ma jiro,hadii aan dulmi kale ku jirin.

Hadii aan gabadh Somaliyeed ku idhaahdo,maanta ma waxa aad ka timi Rayiislaha ama Tima-jaraha Dumarka ,waxaa laga yabaa in ay ka xanaaqdo oo ay tidhaahdo,annagu tima jare ma lihin ee idinka Ragga ah ayaa leh,balse waxa laga yabaa in ka timi tima-jarahii dumarka oo ay iyadu u taqaano magac faranji.

Inkastoo markii qurbaha loo soo baxay,shaqo walba la isku cidhiidhyay ,oo xaqiiqdii iyo dhabtii la wada wajahay ,hadana wali waxa aad moodaa in ay jiraan takoorka la isku takooraayo shaqooyinka,taaso laba shaqo oo isku mid ah ,midna amaan loogu sacaba-tumaayo midna lagu gumoobaayo.

WQ/Khadar Aar.