SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Nolosha dhamaanteed maaha mid dhibadan.

Waligaa qofkale haysu eekaysiin hana iska  dhigin,adigu waxa aad noqotaa adiga,hadii kale waxa ay dadku kuu arkayaan in aad isu eekaysiinayso qofkale,kadibna waxa ay dawanayaan waa qofkii kale ,adiguna meesha waad ka maqnaanaysaa.

Qoruxda iyo sharaftu maaha macnaheedu in aad maalqabeen tahay,ducfiga iyo liidashaduna maahan in aad faqiir tahay,balse nolosha farxadeedu waa kolba inta aad qaneeco iyo kalsooni aad naftaada ku qabto.

Bini-aadmigu sidiisaba waa uu cabasho badan yahay ,ma jirto ruuxa Bini-aadi ah- Muslim iyo Gaal toona cid ku faraxsan nolosha iyo farxada inta ay haysato,qofkasta waxbaa ka dhiman ,waana mida sababtay in aynu aroorkasta u kalahno si aynu waxaasi dhiman usoo buuxino.

Qofkasta oo inaga mid ahi waxa uu toosa aroortii kadibna waxa uu raadsadaa wixii uu ku nolaan lahaa,waxa uu gurigiisa ku soo noqdaa isaga oo soo helay wixii Ilahay u qadaray in uu ku noolaado.

Hadii uu yahay maalqabeen iyo hadii uu yahay faqiirba noloshu sideedaba kama maaranto dadaalka iyo orodka aynu ugu jirno kordhiska wixii aynu isleenahay waa ay inaga dhiman yihiin.

Ma jirto cid garanaysa noloshan aduunyada wax ka dhiman oo hadii uu heli lahaa uu kaaftoomaayo ,waxa laga yaaba in dadka qaar igu khilafaan arintaasi,iyaga oo wax ku qiimaynaya baahi ay markaasi qabaan hadii ay heli lahayeen in aanay Aduunka waxbaba u baahdeen.taasi waa ma dhacdo,waxkasta oo aad maanta Dunida u jeceshahay hadaad hesho,waxkale ayuunbaa ka dhiman.

Ogsoonow nolosha dhamaanteed maaha wax xun oo dhib badan,mana aha wax shar iyo lugooya ah,hadii aad u fikirto in ay aduunyada dhamaanteed ay tahay wax adag oo aan laga gayoonayn,runtii waxa hubaala in ay kugu adkaanayso.

Aduunyada sida aad u aragtaa waxa ay ku xidhan tahay had-ba dhinaca aad ka eegto,hadii aad u aragto in ay tahay aduunyadu wax xun oo shar mooyane aan wanaag loo abuurin,ogsoonow adiga ayuunbuu sharkaasi kugu eekaanayaa.

Hadii aad u aragto aduunyadu in ay tahay wax fiican,rajada iyo yididiilada aad ka qabtana aad wanaajiso waxa hubaala in ay kuu fiicnanayso,ogsoonow waxkasta oo macaan qadhaadhna waa uu leeyahay.

Miyanad arkin keedka quruxda badan ee Ubaxuba ,jiriidiisa hoose waa mid adag oo ku dhibaysa indhahana aan u roonayn,waxyaabo kala wada gadisan oo aad si fudud isugu darto ayaa aduunyadan kuu qurxin kara,ogsoonow cuntada macaaniba waxa ay ka kooban tahay Toon iyo Basal iwm kadibna waxa aynu ku sheegna cunto macaan.

Farxadkasta oo aad ku nolaata waa kolba inta aad adigu ka dhigato,ogsoonow adiga ayaa farxada abuuran kara,waxkasta oo aad itaal waydana Rabbi ayaa kuu jooga ee isaga ka magan gal,hana ilaabin in dhibtu aanay kaligaa ku haysan ee lagula wadaago,sida aanay farxadu kaligaa kula jirin ee ay markasta dad kula wadagaan.

Haw arkin in fakhrigu yahay mid aan waligii laga dhamanayn,hadii ay taasi ka dhaadhacdo ogsoonow waxa aad isu dhiibtay fakhriga,gaajo kasta oo ku qabataa waxa ay kaa tagtaa marka aad waxoogaa cunta ah aad caloosha ku rido.

Ha odhanin aniga waxa la iigu talagalay gaajo,fakhri iyo burbur,waxa laga yaaba in waxaasi oo dhami aanay Ilahay agtiisa kaaga qorayn,samee waxkasta oo aad isleedahay waxa aad ku gaadhaysaa guul.

Nolosha kolba inta aad hayso ku kalsoonow,ha ilaabin wixii maanta ka horeeyay sidii aad ahayd,taasi waxa ay kuu iftiimninaysaa kuna tusaysaa in noloshaadu ay kor u socoto.

Tamartaadu inta ay tahay soco,orodku waa ka dhibatada lagaga cararo, balse maaha ka guusha lagu gaadho,guulkasta oo aad raadsanayso guuldaraa ku garab cararaysa waa kolba kiina badiya,hadii aad guuldaraysato macnaheedu maaha in aan nolosha oo dhan ka guuldaraysatay.

Hadii aad Hantiile noqoto haw qaadan in aad noloshii aduunka oo dhan aad heshay,waxa laga yaaba in farxad badani ay kaa maqan tahay ,lakiin aad lacago badan haysato,imisa nin oo maalqabeeno ah ayaa Isbitalada yaala,oo maalkoodii oo dhan u goyn wayay hal xubin oo jidhkooda ka maqan.

Hadii aad faqiir tahay,maha in aad aduunka ka maqan tahay.ogsoonow waxa aad joogta aduunka waxanad haysataa wax badan ,oo dad badan oo boqorii aanay haysan,waxaa ka mida hadii aad dareen san tahay cafimaad ,waayo caydhi ma bukooto.

Werwerka iyo fikirku waa laba shay oo Somalida iskaga qaldama,waxa dhici karta in adiga oo meel iska fadhiya in uu qof kuu yimaado oo uu ku yidhaa, maxaad ka fikiraysaa?iska daa fikirku ma fiicna,balse waxa aan anigu aamin sanahay taasi waa qalad,waxa ay ahayd in uu ku yidhaa maxaad ka werweraysaa.

Fikirku waa odoros iyo ka baaran dag arin markaasi aad xal u raadinaysid,mana-aha in laguu diido,balse werwerku waa mushklid iyio culays kusoo food saaray ,waxanad uga bahan tahay in laga caawiyo.

Hadii aad dagaal ku jirto, ma isu dhiibi lahayd cadawgaaga kasoo horjeeda sabab la'aan,waxa aan isleeyahay taasi waa maya,hadaba ha isu dhiibin shaydaan ilayn waa cadawgeena Ilahay SW inoo sheegay'e .

Haysu tusin dadka in aad tahay qof fiican,balse u dhaqan sidii qof fiican,waxkasta oo kula fiican oo aad wayday macnaheedu maaha in aad noloshii oo dhan wayday,waxaba laga yaaba in Ilahay SW uu kuu qorsheeyay wax kale oo kaga fiican,wixii aad waydayna ay sharba kuu ahayeen.

Duco kasta oo aad Ilahay barido khasab maahan in ay markaba kugu soo dulqubato,balse waxa aad oofisay amarkii Rabi ee ahaa i barya waan idin ajiibayaaye,kadibna waxa laga yaaba in ducadaadii ay timaado si dhakhso ah,ama aan dhakhso ahayn, waxaba dhici karta in aakhiro ducadii ay wax kaaga tarto,ogsoonow marnaba ducadaadi baaqan mayso,hadii ay u dhamayeen shuruudahii ducada lagu aqbali lahaa.

Imtixaanka Iskuulka marka aad ku jirto ,waxa aad ku dadaasha in aad maado kasta ku gulaysato,balse maxay ayay ku dhacday in aynu imtixaanka dunida in aynu maado kasta ku dhacno,taasi sawmahan nolosha oo aynu dhinaca adag ka eegno.

Maxaynu wax u cunaa sawmahan in aynu gaajada ka baxno,sidoo kale maxay ayaynu u arodnaa,saw maahan in aynu degdeg u gaadhno meeshii aynu ku soconay,hadaba maxay ayaynu u noolnahay sawmahan in aynu aakhiradeena ku wanaajino.

Ogsoonow hadii nolosha dhinaca adag aad ka eegto,waxaa khasab ah in ay kugu adkanayso,mushkilad kasta oo kulasoo darista ogsoonow waa qadarka Rabbi,aduguna awood uma lihid in aad mushkiladaasi iska qaado.

Hadii aad warwarto oo aad isu aragto in ad tahay qof nolosha ka dhacay,ogsoonow dadku hadh kuu jiidimayaan ee iyaga ayaa mushkilada ku haysata kusii laban laabaya,taas awadeed dadka xun ha ku cawinin in ay cagtooda hoostooda ku galiyaan,balse dadka wanaagsani waa wehelkaaga.

WQ/Khadar Aar.