SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

SIRTA KU DUUGAN QOYSKA REER YURUB EE KOOBAN IYO EY-GOODA .W/Q: Khadar Aar.

Wax suura gal ah maaha in aan idin idhaahdo Sir iyo wax qarsoon oo gaar aniga ii ah ayaan ka ogaaday tiro yaraanta Qoysaska reer Yurub iyo Eygooda Sirta ku qarsoon ,balse waa fikir iyo male'awaal aan isleeyahay
dadka usoo gudbi qaabka nololeedta ay dadkani u nool yihiin iyo wixii iiga baxay.

Markaan Qoysaska reer Yurub leeyahay waxaan uga jeedaa Yurub iyo wixii la halmaalay sida Maraykan,Kanada iyo Ustareliya ,sababta aan Yurub ugu halqabsanayaana waxa ay tahay Yurub waa Hoygii iyo Aqalkii ninka Cad ,waana kalkii ay ka hayameen markay Donida badankeeda gumaysanayeen.

Inta badan dadka Somalidu marka ay tilmaan mucayin ah ka bixinayaan dad yawga dhanka Sancada ka hormaray ama dawladaha horu marka ka sameeyey dhinaca Warshadaha  waxaa halku dhig u ah ama ay u yaqanaan kalmada ah ""dadka Gaalada ah"" ,balse taasi waa Halhays wax ka qaldan yihiin, sababta oo ah imisaa Gaalo ah oo maanta Dunida ugu liita sida Afrika oo badankeedu ah dad Gaalo ah.

Qaab iyo hanaan kasta oo ay umadi u nooshahay waa astaan iyo amaarad u gaar ah iyaga ayna dhici karto in ay jirto sabab la taaban karo oo ku kaliftay in ay qaatan hab nololeedkaa ay kaga gadisan yihiin Dunida inteeda kale.

Hadana iyada oo sidaasi ah ay muuqatana in ay cadahay  asbaabkasta oo umad ku kalifi karta iyo dhaqan iyo caado iyo muunad iyaga u gaar ah ayaa hadana cida kaliya ee dhaqamadaa goonidaa qaadatay cida jaan goysaa ay tahay Ilahay SXW.

Dunidan aynu korkeeda ku nool nahay waxaa iska leh oo ay Mulkigiisa tahay Ilahay SCW isaga ayaana jaangooya mana dhici karta asbaab iyo sababkasta oo Bini'aadmi sameeyaa in ay ka talawdo ama ay dhaafto Jaangooyna  iyo qaab dhismeedka Ilahay ugu tala galay Dunidan.


Qaaradkasta iyo Wadankasta ilaa Qoyskasta oo Dunidan ku kornooli caado dhaqameed uu noloshiisa ku maareeyo ayuu leeyahay.Jiritaan kasta oo dhaqan u ah dadkaasina waxaa jira oo lama-huraan u ah xaalad markaas uun taagan ee dhinac looga gudbaa aanay jirin.

Hadaynu soo qaadano habka maaraynta Qoyska afriga, waa mid ku dhisan Bulsho aad u tiro badan dhanka dhasho Caruurta. Waxaa dhici karta marka laysku celceliyo Qoyska Afrika ku nool in ay ugu yar tahay Afar ilaa laga gaadhaayo Todoban sida saxa ah, iyada oo ay jiraan qaar ka badani.

Sida dadka qaar ay aamin sanyihiin in wadamada Afrika ay qorshe la'aan ay dhasha badiyaan anigu taas waan ka fikir duwanahay,Jaangoynta Ilaahigaa  marka laga yimiido, waxa aan isleeyahay aas-aaska Qoyska Afrika in uu tiro ahaan batto waxaa sabab la'taaban karo u ah hab nolaanshaha deegaanka ay ku dhaqan yihiin oo ah  mid cimiladiisu ay tahay mid nolol saxii ay kasuura gali karto .

Jawiga iyo xaalada deegaanka aad ku nooshahay sida uu Ilahay u abuuray waxa ay qayb laxaadle ka qaadataa hab-nololeedkaaga danbe iyo in aadan daba-ka werwer nolosha ka qaadin, waana ta keentay in ay Afrika dhanka dadka nool ee soconaaya in ay hodon ku noqoto.

Hadaba aan usoo  noqdo erayga halku dhiga u ah Qoraalkeenan ee ah "  SIRTA KU DUUGAN QOYSKA REER YURUB EE KOOBAN IYO EY-GOODA ".Waxaydaan garanayn ma garanaayo balse isku daygo mararka qaar waxa uu ku tusinayaa waxooga ku dhac ah in aad u yeelan karto arimaha qaarkood.

Qoska ugu badan Yurub iwm waa Afar balse waxa aad moodaa in ay Muunad quruxeed ay ku fanaan ka dhigteen Laba caruur ah, Ilahayna subxanahu watacalaa waa xigmadiisee waliba Labada Caruurta ah waxa uu uga dhigaa Wiil iyo Gabadh ,sidaasi ayuu Ilahay noloshii Ninka Cad ee Reer Yurub uu ku jaangooyey . 

Hadaba Maqsuudka amma bartilmaameedka saxa ah ee aan u jeedaa waxa uu yahay.

Madamaa dadkan Cad  ee Reer Yurub iwm ay yihiin inta badan dadka ugu kartida badan Dunidan casriga ah ee aynu maanta ku nool nahay, isla markaana ay yihiin Qoom dhinaca sharka iyo is-Adoonsiga casriga ah ku guulaystay xarfaana ku ah.

Madamaa dadkii Caddaanka ahaa ee Yurub iyo wixii la halmaala ay kaba sii xuub-siibanayaan Gaalnimadii Ehelu-Kitaabnimada ku qurxoonayd ,isla markaana ay maanta badankoodiiba ay noqdeen Diin-lawayaal aan waxba caabudin.

Madaamaa ninka Cad ee Reer Yurub uu maanta noqday Axadka Dunida ugu horeeya sancada Hubka,Birta ,Waxbarashada iyo  dhamaan waxsoosaarka Dunida ay dhici kartana in ay Dunidanba Fasahaadin karaan ,Ilahay SXW si Dunidani ay usii jirto Qaarbana ay qaarkale bedalaan waxa uu jaangooyey in ninkan Cad si aanu Dunida u fasahaadin in uu ku xanibo garashada Caqligooda isagoo u qurxinaaya  in dhasha oo ay yareeyaan ay u arkaan in ay tahay ilbaxnimo iyo xadaarad aan iyaga lala wadaagin. 

Bal iswaydii  hadii ninkan Cad oo sidan u karti badan,samaynaaya waxsoosaarka aynu aragnay iyo heerka aqoonta horumarka halkay ka gaadheen,ku darsoo adeeg sanaaya   habka cusub ee is-gumaysiga Dunida iyo nidaamkan ay ula baxeen Dumuqraadiyada ,intaasoo isbiirsatay oo lagu daray cidhiidhiga dhuleed iyo Qabawga ka jira  Qaaradahoodii ay ku noolaayeen ,ma idinla tahay Qoysaskaasi hadii ay sida Afrika dhashu u badato Dunidu nabad ayay ku seexan lahayd.

Dunidan Ilahay ayaa isu joojinaaya,Ninka Cad waxa kaliya ee uu markasta ka baqdaa waa Fakhri iyo Gaajo waana sababta keentay in ay korinta Caruurta yareeyaan, si ay ugu filaato dhaqalaha aadka u kooban ee qiyaasta ku socda ee ay  samaysteen.

Waxa aad arkaysaa Qoys Cadaana oo aan lahayn wax Caruura isla markaana haysta oo korsada Hal Ey,hadana iyada oo sidaasi ah ku faraxsan sida muuqata ,balse qalbiga iyo laabahoodu ay holcayaan ay dhici kartana in ay wax ka maqan oo aanay heli karayn ay ka fikirayaan.

Caruur kooban iyo Hal Ey oo la korsadaa waa jaangoyn iyo Xeer Ilahay Dunidiisan uu ku maamulaayo, isaga oo kala badbaadinaaya Daalin xoog ,aqoon, iyo tiro sheegtaa in uu Dunida guudkeeda ku durduriyo mid tamar yar isla markaana Tiro badan.

W/Q: Khadar Aar
Paris France 

No comments:

Post a Comment